Caynaba Media Group

Gudoomiyaha Dalada Sonyo oo Hanbalyo U Diray Shacabka"28 Sanno Ayaa 18-May La Soo Xusayay, Xuskeeduna Waa Mid Aan Xukuumad Khaas Ku Ahayn"

0
Saturday May 18, 2019 - 21:43:52 in Wararka by Mohamed dirir
  • Visits: 128
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Dalada Sonyo oo Hanbalyo U Diray Shacabka"28 Sanno Ayaa 18-May La Soo Xusayay, Xuskeeduna Waa Mid Aan Xukuumad Khaas Ku Ahayn"

    Hargaysa(Caynabanews)Gudoomiyaha Dalada Sonyo oo Hanbalyo U Diray Shacabka"28 Sanno Ayaa 18-May La Soo Xusayay, Xuskeeduna Waa Mid Aan Xukuumad Khaas Ku Ahayn"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(Caynabanews)Gudoomiyaha Dalada Sonyo oo Hanbalyo U Diray Shacabka"28 Sanno Ayaa 18-May La Soo Xusayay, Xuskeeduna Waa Mid Aan Xukuumad Khaas Ku Ahayn"

 Guddoomiyaha dalladda dhallinyarada Somaliland ee Sonyo oo maanta shir-jaraa’id qabtay ayaa baaq u diray guud ahaan bulshada Somaliland, gaar ahaan dhalinyarada. Baaqan oo ku wajahan xuska maalinta 18-may ee fooda inagu soo haysa, ayaa guddoomiyaha Sonyo Cabdicasiis Siciid Saalax waxa uu yidhi; "Bishani waa bishii May oo maantana (shalay) ah 15 may, waa maalin runtii ku suntan taariikh 28 sanno soo dhisnayd, isla markaana ku timid shacabka doonistiisa iyo in ummadda JSL ay yeelato dawlad iskeed u madaxbanaan, xudeedaheedu iyo shacabkeeduba sugan yahay, munaasibadan 28 sanno ayaa la soo xusayay, xuskeeduna waa mid aan xukuumad khaas ku ahayn, laakiin loo dhan yahay, carruur iyo cirooleba, ganacsato iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada, sidaasi daraadeed baaqani wuxu yahay in xusitaanka gooni isutaaga JSL inay tahay maalin ku weyn shacabka, Sonyo ahaana sanad walba waanu ka qaybgalnaa, hadday yihiin ururadayada jooga dhammaan jamhuuriyadda. Si gaara waxaan farriin u farayaa dhallinyarada maanta uu ugu weyn yahay 30-jirku, waxaad hoos joogteen calankan idinkoo yaryar ayaa lagu dhawaaqay, waxaad wax ku barateen cashuurtii iyo shaqaalihii dawladda JSL, waad ku hanaqaadeen, jaamacado ayaad kaga baxdeen, qarankani abaalka uu idinka sugayaa waxa weeyi, inaad ka qaybqaadataan dhiskiisa, horumarintiisa inta karaankiina ah, laakiin inaad reero hunguri raac uun aad iska noqotaan oo aad social media-ha waxaad doontaan ka samaysaan idinkama mudna, dbcan xoriyatul-qawlku wuu jiraa, laakiin aasaaska iyo bud-dhiga iyo heshiiska ummaddeed ee aynu ku wada nool nahay maaha in runtii lagu kaftamo.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha dalladda dhallinyarada Somaliland ee Sonyo Cabdicasiis Siciid Saalax oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa








https://www.facebook.com/ziize.saed/videos/2261237903924521/


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip