Caynaba Media Group

Maxaad Ka Ogtahay Cida Rasmiga Ah Ee Leh Shirkada markii 3aad Ku Guulaysatay Timirtii Ciidanka Iyo Xaqulqalinka uu Qaatay Gudoomiye Nuux Maxamed Xuseen

0
Thursday April 18, 2019 - 09:39:04 in Maqaallo by saleban Cilmi
  • Visits: 306
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad Ka Ogtahay Cida Rasmiga Ah Ee Leh Shirkada markii 3aad Ku Guulaysatay Timirtii Ciidanka Iyo Xaqulqalinka uu Qaatay Gudoomiye Nuux Maxamed Xuseen

    Maxaad Ka Ogtahay Cida Rasmiga Ah Ee Leh Shirkada markii 3aad Ku Guulaysatay Timirtii Ciidanka Iyo Xaqulqalinka uu Qaatay Gudoomiye Nuux Maxamed Xuseen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaad Ka Ogtahay Cida Rasmiga Ah Ee Leh Shirkada markii 3aad Ku Guulaysatay Timirtii Ciidanka Iyo Xaqulqalinka uu Qaatay Gudoomiye Nuux Maxamed Xuseen

Hargaysa ( ) Maalintii Shalay Gudida Qandaraasyada Qaranka Waxaa Ay Shaaciyeen Sida loogu Kala Guulaystay Tartanka Timirta oo Dhowrkii Biloodba La Siiyo Ciidamada Qaranka Somaliland Kaasi oo Shacabka Loo Bandhigo Si Ay ugu Tartamaan

Tartanka Waxaa ka Qayb Galay 8 Shirkadood Waxaana Aakhirkii Iskugu Soo hadhay Laba Shirkadood oo Mid ka mid Ahi Ay Laba jeer oo Hore lagu Sheegay inay ku guulaysatay Kuwaasi oo Kala Ahaa SAAB Iyo KAARSHE Store Waxaana Arintaasi Ka Sheegay Telefishanka Qaranka Gudoomiyaha gudida Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen.

Gudoomiyaha Gudidaas Wuxuu Sheegay Inay Tartanka Ku guulaysatay Shirkad Samays Ah oo Ay Jeebka ku Siteen Gudoomiyaha Shirkada Daabacaada Ee SAGALJET Cabdi Yuusuf Aar Taasi oo lagu Magcaabo KAARSHE STORE Waxaana Ay Markii Sadexaad Xantoobsatay Xoolahii Shacabka ee Loo Tartami Lahaa iyadoo Shirkadii La Tartamaysay ee SAAB Toos Loogu Diiday .

Gudida Qandaraasyada Ayaa Soo bandhigay In Labada Shirkadood Loo Kala Qaybiyo Mashruuca Maadaama Ay Shirkada Kaarshe Markii 3aad Doonayso Qorshahan inay Ku Qaxwayso Xili Shirkadani Saab Ay tahay Markii ugu Horaysay ee Ay tartanka ka Qaybgashay

Qodobka Koobaad Ee Qandaraaskani Waa Qiimaha Iibka Balse Cidkasta Oo Shirkada Kaarshe COMPANY La Tartanta Waa Humaag Waraabe U Taag Ah

Dhinaca kale Hadalada Warbaahinta uu Marinaayo Gudoomiyaha gudida Qandaraasyada Qaranku Nuux Maxamed Xuseen Maaha Wax Xaqiiqda u Dhow Waxaana Si rasmi ah Gudida Qandaraasyada loo Siiyay 60 Kun oo Dolar oo Xaqulqalin Ah

Shirkada Kaarshe Waxaa Wada Leh 14 Qowlaysato Waxana Cover U Ah Nin Garxejis Ah Oo Ay Qaraabo Yihiin Abdi Yusuf Aar Waxaana Ay noqonaysaa markii 3aad ee ay Qaataan mashruucan oo Timirta bilaash lagaga Soo Qaato Dalka Sucuudiga Oo Ramadaanta Bilaash u bixiya Dhamaanba Afurka Wadamada islaamka Iyo Wixii u Doonta Waxaana Ay Teneg Kasta oo Timir ah Ka Siin Doonaan Xukuumada Somaliland 16 Dollar

Cabdi Yuusuf Aar Mulkiilaha Shirkada SAGALJET Waxaa uu Ahaa Xubintii Ay u kootaysnayd Qandaraaskii Daabacaada Istiikarada,Boodhadhka Iyo calamaanta Xisbiga kulmiye Xiligii uu ololaha ku jiray Madaxweynaha Waqtigan muuse Biixi cabdi Waana Xubin Firfircoon oo Ka Qowlaysta Mashaariicda leexsan ee Bulshada Loogu Talo Galay inay Si Siman Ugu tartanto.

Cabdi Yuusuf Aar Waxaa uu Xiligan Qorshaynayaa inuu Qaato Qandaraaska Calamaanta iyo Istiikarada Xuska Munaasibada 18ka May Kaasi oo loo baahna in Loo tartamo isla Markaana La Mariyo gudida Qandaraasyada Qaranka

Warqadda Hore Waa Shirkadihii Sanadkii Hore Tartamay Ee ay Shirkada Ay ku Midaysan Yihiin 14ka xubnood ee uu Atooraha u yahay Cabdi yuusuf Aar

 

Warqadani Waa Tartankii Ugu Danbeeyey ee Gudoomiyaha Gudida Qandaraasyada oo ka Cabsanaya inuu Cabdi yuusuf Aar Xilka ka Qaado Ugu Xagliyay Shirkada KAARSHE ee Ay bahwadaagta ku yihiin

 

Muuqaalkani Waa Gudoomiyaha Gudida Qandaraasyada Qaranka Oo Afkiisa ka Sheegaya In Tartankan Ay ku guulaysatay Shirkada SAAB Co, Balse Uu Si Cad u Siiyay Shirkada Cabdi Yuusuf Aar Iyo Kooxdiisa Ku Mamtay Intii Muuse Biixi Xilka Hayay Timirta Afurka Ramadaanta ee Laga Soo Qaado Dalka Sucuudiga

https://www.youtube.com/watch?v=PULZWI3FL64

 

Shirkada SAAB General Co Waxay Soo Bandhigtay Qiime ka Yar Kan Ay Dawladu ku Doonayso tenega timirta Ah oo Ah 15.30 Waxaana Ay Xukuumadu ku Doonaysay 16 Dollar Taasi Waxay Cadaynaysaa inaan Dawlada loo tudhayn Cadaaladina Aanay meesha ka jirin Isla markaana Qiimaha Sareeya Ayaa Lagu Qaatay Shirkada Kaarshe ee Cabdi yuusuf Aar Mulkiyadeeda leeyahay Balse Humaaga Sawirka Uu U Saaran Yahay Miskiin Garxajis ah oo Bakhaar Hargaysa ku haysta.

Shirkadan Kaarshe Co Sanadkii hore ayay Sidan oo Kale Ugu Guulaysatay Inay Timirta keento Waxaana Ay Diideen inay Qaybiyaan Timirta oo ciidamada u Kala Geeyaan iyagoo Sheegay inaan Heshiiska lala galay Aanay ku jirin Qaybintu Waxaana loogu Daray 15 Kun Dollar Oo ah lacag Ay ku Qaybinayaan Timirta Sida Ay noo Xaqiijiyeen Xubno ka Mid Ah gudida Qandaraasyada Qaranka oo Noo Xog Waramay Balse Magacyadoda Aanu Qarinay





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip