Caynaba Media Group

Madaxweyne Xagaad ku ogayd Hantidhawrihii Guud Waa Qalinkii Cabdisataar Cabdillaahi Cali Sabri

0
Friday March 29, 2019 - 13:58:35 in Maqaallo by saleban Cilmi
  • Visits: 298
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xagaad ku ogayd Hantidhawrihii Guud Waa Qalinkii Cabdisataar Cabdillaahi Cali Sabri

    Madaxweyne Xagaad ku ogayd Hantidhawrihii Guud Waa Qalinkii Cabdisataar Cabdillaahi Cali Sabri

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Xagaad ku ogayd Hantidhawrihii Guud Waa Qalinkii Cabdisataar Cabdillaahi Cali Sabri

Madaxweyne Xagaad ku ogayd Hantidhawrihii Guud Waa Qalinkii Cabdisataar Cabdillaahi Cali Sabri

Sirdoonka dalka Turkiga ayaa sanadkii 2013 ka war helay in Madaxweyne Mursi uu Kasha ku haysto nin uu aad iyo aad u aaminay , kaas tab iyo xeelad geliyay sidii uu bogcad muhiim ah uga degilaha qalbiga siyaasadeed ee Madaxweynihiisa dooran , ninkaasi waa ninkii Mursi u doortay Wasiirkiisa Difaaca iyo taliyaha guud ee ciidanka qalabka sida ee dalka Masar laakiinse ninkaasi waa ka jira oo aan daacad uhayn oo munaabaq ah oo layidhaahdo General Cabdifatax Asiisi,

Mr Asiisi waxaa ka go'an inuu fashiliyo taliska sida dimuqraadiga ah ku yimi ee Mursi ka dibna Sirdoonka dalka Turkiga ayaa xog ceebla oo laga fiirsaday u gudbiyay Ra'iisal wasaaraha dalka turkiga, mr Ordigan ayaa isagoo ku qanacsan xogta uu hayo iyo halistiisa waxa uu la xidhiidhay Madaxweynihii Masar Kadibna waxa uu la wadaagay Sirtii sirdoonkiisu helay waxa uu markiiba usheegay in Xukunkii sa uu ku dhex jiro bahal Halaq oo awood badan oo magaciisu yahay ASIISI , wuxuu ku yidhi ninkaasi waa nin kugu maqa, oo maslaxad dalal kale u adeegaya, waa ninka ku inqilaabi doonaa ee iska jir , Madaxweyne Mursi wuxuu daalac uraacay ninkii udigay

wuxuu uqaatay inuu Ordigan caqligiisa caayaayo kadibna Mr Ordogan intaa kumuu joogin wuxuu la xidhiidhay Shiikh yuusuf alqardaawi oo degen Magaalada Doxa ee dalka Qatar , wuxuu shiikh yuusuf allé haxafido'e isna lawadaagay xogtii Iyo halista kusoo fool leh Madaxweyneha Masar, wuxuu ku yidhi sida aan Ordigan afkiisa kasoo xigtay shiikh intaan lasoo gabogabayn taliska ururka Ikhwaanul muslimiinta oo 90 sanno oo halgan ah ku soo jiray keliya Lahadal Mursi waxaa laga yaaba inuu adiga ku aamino e weliba ku dheh Qasab maaha ee Turkiga xogtiisa keliya la hubiya, shiikh yuusuf alqardaawi isagu markiiba si shikhsi ah ayuu ugu qancay xogta sirdoonka Turkiga,

wuxuu la xidhiidhay Qasrigii Masar Wuxuu isku dadayay inuu Mursi qanciyo, rabbi magaransiinin oo wuu aqbali waayay lknse se Madaxweynihii masaaridu tiisii ayuu ku taagnaa, Kadibna muddo bil ah kadib 2013 /03/bishii July Ninkii dhegaysiga badnaa , ee dhegaha adkaa ee mursi waxaa inqilaabay Ninkii uu ku dhegenaa ee loo marwaayay, waa tii lawada ogaa dalka Masar wixii ka dhacay,

Mursi waa tii xukunkii laga tuuray kadibna Xabsi lagu riday, dadkii aqoonta lahaa waatii aawadii loo laayay , kuwo kale oo ayidsanaa waatii xabsi lagu wada guray, dalkiina wuu qabsaday dhiigyacabka caanka ah ee Cabdi fataax Asiisi oo lagu xasuusto wixii uu naf ujaray inqilaab kii uu ku qabsaday Talada dalka Masar, ilaa maantana xoog ayuu ku haystaa, caqliga dalka kuxumaana maaha isaga laakiinse waxaa kushaqaysta kuwii usoo yeedhiyay godadkii uu marba ka degeyay shaxdii inqilaab ka.......

Sheekadaa waxaa lamid ah dhacdoonyin badan oo kujira diiwaanka taariikhda caalamka kuwaas oo dib u eegistoodu muhiim tahay,

waxanse uga gol leeyahay in lays khiyaamikaro oo laysu wada maqanyahay wax welibana aadmiga ka dhex dhacaan masuuliyaduna Foojognaan iyo wax iswaydiin iyo dareen ubaahan yahay

Somaliland waa suurta gal in ay wada joogaan Oo dawladda wada joogaan Mursi iyo Asiisi oo kale laakiinse Somaliland maadaama aanay Masar oo kale ahayn waxaa siyaasiyiintii ka suurtagala masuul madaxweynuhu isu halleeyay xil saaray uu isla ninkaasi isagoo aan ka agtegin uu U maleegayo Dibindaabyo macnawiyan aanan qoraalkan dhex furfurikarin sharaxooda

Waxaase muhiim ah in aad madaxda dalkaaga ku baraarujiso dareenada socda, kuwaas oo saadaashoodu isu kaa sawirto, haddaad maqasho erayga digniin ma fududa, ee hafududaysan . Somaliland xogo xogagaalnimo oo lafahmi karo ayaa waaqica si cad uga muuqda hadii waaqica iyo kaartada Socota la eego xilligan waxaad arkaysaa in waaqicu u digayo oo Madaxweyneha Somaliland Muuse Biixi uga digayo hantidhawrka guud ee JSL...

Wuxuu waaqicu uga digayaa Madaxweyne Biixi in aanu u aaminin si lamida sidii M/weyne Dr Mursi u aaminay taliyihiisi General Asiisi , sababtoo Waxa macquul ah hantidhawraha guud madaxweyne Biixi markiii uu magacaabay iyo ilaa maanta oo uu dhawr iyo toban biloood uu shaqaynayo aanu isba waydiinin in uu la haysto siyaasiyan iyo dawliyan ba, oo uu isleeyahay Madaxweyne Biixi sidii buu u yahay maccaaga mana aha haduu doono nin lajira ,

Kollay nin wayni waa kii waxdhawrta dadka kala qariya Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi


 

Ma moogana dareeno badan oo is dhex socda kuwaas oo yaalla waaqica Somaliland

 

Waxaa jirya Shaqo aan la diidi karin, la is diid siinkarin taas oo sharaf iyo sumcad dadkaagu u arkaan ,ka muwaadin ahaan xafiiska dawlada ee shaqadaas qaranka uwada, adigoo yaqaan haddana bal iswaydii ujeedooyinka loo wado, xilliga lawado xaaladda kuxeeran , saraakiisha hagaysa hadii aad fahmiwaydo waaqasan in aad raacdayso cidda aan muuqanin ee Salliga ugu Fadhida, Shaqadan loo sacabinayo sharci ahaan laakiinse si u abuuraysa bacda wayn. ..

Madaxweyne Biixi Inkastoo aanu Ku xusin Khudbad Sanadeedkii 2019 uu ka horjeediyay Baarlamaanka Somaliland dad badan baa ku talo galay oo filayay in uu khudbad diisa ku soo hadal qaadi doono shaqada hantidhawrku ku baadhayo in Musuqmaasuq ka dhacay xafiisyada Dawladda oo uu weliba ku faani doono balse madaxweyne Biixi ma soo hadal qaadin

manuu ilaawin , dad badan oo aan ka mid ahay wax u biniixayay ayaa ubaxay oo Dareenbaa kadhashay dadka qaar ku macneeyeen in hantidhawrku iyo Madaxweyne biixi si ukala jeedaan waxaana iska cad xogta sirta Baadhistan kakan inuu iswaydiiyay Madaxweyne Biixi laakiinse aanu cid kale waydiinin waaqica se udigayo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip