Caynaba Media Group

Ma cadda Himilada iyo Higsiga la doonaayo in la gaadho. WQ:- Naasir Aadan Dooc

0
Friday March 22, 2019 - 01:28:46 in Maqaallo by saleban Cilmi
  • Visits: 236
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma cadda Himilada iyo Higsiga la doonaayo in la gaadho. WQ:- Naasir Aadan Dooc

    Koox ama bulsho kasta oo ku heshiisa inay samaysato maamul dawladnimo waxay dhigataa xeerar iyo qawaaniin qeexaya halka laga dhaqaaqaayo iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Koox ama bulsho kasta oo ku heshiisa inay samaysato maamul dawladnimo waxay dhigataa xeerar iyo qawaaniin qeexaya halka laga dhaqaaqaayo iyo

meesha la gaadhaayo, waxaa socodsiiya qorshe iyo hagayaal raacaaya nidaamka la dajiyay.

Haddii laga baydho wadadaa waxaa ka dhasha khilaaf, burbur iyo marin habaabin xitaa haddii ay ka wanaagsan tahay qorshihii lagu heshiiyay. Laga soo bilaabo wakhtigii xoriyadda laga ka qaatay isticmaarka soomaalidu waxay ku jirtaa dayow, ma jirto meel loo socdo iyo ujeedo cad la leeyahay.

Labadii soomaliyeed waa waqooyi iyo koonfure, midowgii midhihiisa waa hayaan, iminka xaalku siduu yahayna waa laga war hayaa, koonfur xaalkeedu waa ka liita wakhtigii gumaystaha, dhanka waqooyina khasaarihii ay midowgii koonfureed kala kulmeen halgan adag kadib haddii ay lasoo noqdeen dawladnimadii ilaa iminka lama gaadhin meel lawada mahadiyo walow ay jiraan waxyaabo dhawra oo ay koonfurta dhaamaan.

Halkaa markay wax marayaan maxaa la gudboon soomaalida ayuu qof kastaa iswaydiinayaa.

1. Soomaalida oo si guud, deegan maamul iyo shakhsi shakhsi isu saamaxdo.

2. Wadatashi bulsho mid maamul si gaarana deegaan kastaa u tashado.

3. Isu tanaasul iyo in halka kaliyee laga fakarayaa noqoto danta guud.

4. Dhismaha dawladnimo ku timi rabitaanka shacabka, fulinaysana xeerarka lagu heshiiyay. 5. Ku dhaqanka iyo hir galinta sharciga lagu heshiiyay.

WQ:- Naasir Aadan Dooc

Burco somaliland.

 

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip