Caynaba Media Group

Fursadaha Haweenka Somaliland Helaan Waxay Kala-Badh Ka Yar Yihiin Kuwa Raggu Helaan - NAGAAD

0
Thursday March 21, 2019 - 10:30:18 in Maqaallo by saleban Cilmi
  • Visits: 244
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fursadaha Haweenka Somaliland Helaan Waxay Kala-Badh Ka Yar Yihiin Kuwa Raggu Helaan - NAGAAD

    Fursadaha Haweenka Somaliland Helaan Waxay Kala-Badh Ka Yar Yihiin Kuwa Raggu Helaan - NAGAAD

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fursadaha Haweenka Somaliland Helaan Waxay Kala-Badh Ka Yar Yihiin Kuwa Raggu Helaan - NAGAAD

HARGEISA, 19 March - Haweenka Somaliland waxa ay helaan in ka yar kala-badh fursadaha dhaqaale, ganacsi iyo waxbarasho ee ay raggu helaan sida ay xaqiijisay daraasad cusub oo ay soo bandhigtay dalladda haweenka ee Nagaad.

Xog-uruurin lagu sameeyey in ka badan 1,200 oo qof oo ku kala nool lixda gobol ee Somaliland ayaa waxa ay daaha ka rogtay in ay jirto dheellitir la’aan xaga dhaqaalaha, waxbarashadda iyo ka qayb galka taladda dalka, taasi oo keentay in hal gabadh oo kaliya ay ku jirto 164 xubnood ee Goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada Somaliland. Daraasaddani waxa kale oo ay iftiimisay in 54% haweenka Somaliland ee da’doodu u dhaxayso 15 -24 sano jirka aanay helin fursad shaqo iyo mid waxbarasho marka la barbar dhigo dhiggooda ragga oo 24% aanay helin fursad waxbarasho iyo mid shaqoba. Xaga waxbarashada 51% haweenka Somaliland ma helaan waxbarasho aasaasi ah, halka 26% raggu aanay helin waxbarasho aasaasi ah.

Agaasimaha dalladda haweenka ee Nagaad, Marwo Nafiisa Yuusuf oo ka fal-celisay natiijada ka soo baxday daraasadani ayaa waxa ay tidhi "Isu dheelitir la’aanta baahsan ee daraasaddani muujisay waa mid aad u taban, waana mushkilad u baahan in xal waara oo degdeg ah ay ka gaadhaan dawladda, ganacsatada, ururada bulshada iyo dadweynuhuba”

"Awoodsiinta haweenku waa in ay noqotaa mudnaanta koowaad ee qaranka. Haweenka oo fursad la siiyaa waxay horseedaa koboc bulsho iyo kor u kac dhaqaale. Dhammaanteenba waa in aynnu iska kaashanaa sidii aynnu meesha uga saari lahayn fahamka khaldan ee laga bixiyo horumarinta iyo fursadsiinta haweenka”

Sinnaan la’aanta qotada dheer ee jirtaa waxay keentay in bulshadu faham khaldan ka qaadato doorka ay haweenku ku leeyihiin bulshada. Mid ka mid ah dadka ka qayb galay daraasaddan ayaa tibaaxay "Haweenka had iyo goor waxa lagu barbaariyaa in ay mar walba leeyihiin mudnaanta labaad, doorkooduna uu yahay oo kaliya in ay qoyska caawiyaan, bes!”

Taa badalkeeda, waxa muuqata ifafaalo wanaagsan, 86% dadka daraasadda lagu sameeyey waxay isku raaceen in ka qaybgalka haweenka ee talada dalku ay faa’ido weyn u leedahay bulshada, halka 84% dadka la waraystay ay isku raaceen qoondada haweenku in ay tahay xal rasmi ah oo wakhti-xaadirkan haweenka fursad u siinaya in ay ka qayb galaan talada dalka, doorkoodana ka ciyaaraan curinta aragtiyo fayow oo dalka lagu horumariyo.

"Bulshadu way tageersan tahay, Dawladduna waa in ay si dhakhso ah u sharciyeysaa qoondada haweenka ee ka qayb galka siyaasadda dalka” ayey tidhi Nafisa. "Daraasaddani waxay daaha ka rogtay ma aha oo kaliya ka qayb galka haweenka ee arimaha siyaasada, balse waxa kale oo ay iftiimisay dheellitir la’aanta baahsan ee ka haysata haweenka dhinac kasta”

Si sinnaan la’aantaas meesha looga saaro, waxa lama huraan ah in:

·Ay dawladdu curiso isla markaana fuliso xeerar iyo qorshayaal wax lagaga qabanayo isu dheellitir la’aantaasi baahsan.

·Dawladdu waa in ay mudnaanta koowaad ka dhigato hir-galinta qoondada haweenka, sinnaanta fursadaha shaqo iyo kor u qaadidda waxbarashada haweenka.

·Ganacsatada, ururada bulshada, rag iyo haweenba waa in ay iska kaashadaan sidii meesha looga saari lahaa nooc walba oo isu dheellitir la’aaneed.

Daraasadda oo dhamaystiran kala deg lifaaqan:https://bit.ly/2Y7NSA8Wixii faahfaahin ah kale xidhidh:

 

NAGAAD:nagaadcom@gmail.com(252) 634424571

Oxfam:muna.ali.abdillahi@oxfam.org(252) 634425583

dustin.barter@oxfam.org(252) 636707643

Press Release:- Striking gender gap in Somaliland with women having less than half the opportunities of men - NAGAAD

HARGEISA, 19 March – Women in Somaliland have less then half the opportunities of men in economics, politics and education, reveals the first ever comprehensive assessment of the gender gap in Somaliland.

Based on 1,200 surveys across Somaliland and qualitative data, inequality is highest in the political sphere, with only one woman in Somaliland’s 164-member parliament. Inequality also runs deep in economics and education. The report found that almost 54% of women between 15 and 24 years are neither employed or in school. This compares to 24% of men in the same age group. In education, 51% of women have no formal education compared to 26% of men.

In response to the findings, Nafisa Yusuf, the Executive Director of NAGAAD said:

‘’This depth of inequality is reprehensible. It is a crisis that requires urgent and sustained action by government, private sector, civil society and the public.’’

"Women’s empowerment must be a priority for the national agenda: it benefits everyone through improved social cohesion, economic development and more. This is evident throughout the world, including many Muslim countries. We all must challenge negative social norms and promote women’s empowerment,” she added.

Inequality is deeply embedded in Somaliland’s society, as one interviewee explained: "In this society, girls are brought up to be second best to the boys, and to always support their brothers or male relatives.”

Nonetheless, there are glimmers of hope for a more equal future. A staggering 86% of interviewees agree that women’s political participation is beneficial for society, and 84% agree that a gender quota would help to increase the number of women in politics, reinforcing the viability and importance of a minimum women’s quota in parliament. Women in politics are critical for systemic change.

"The public support is clear, government must legislate a minimum women’s parliamentary quota immediately,” said Nafisa. "This report highlights not just the need for increasing women’s political participation, but for everyone to also address the alarming marginalisation of women in all aspects of society.’’

To bridge the gender gap, it is imperative that:

·Governmentdevelops, implements and enforces policies and laws that comprehensively address the many dimensions of gender inequality.

·Specifically,policy for a minimum women’s political quota, equal pay for equal work and increasing women’s education access as priorities.

·Private sector, civil society and the public, women and men, unite and ensure sustained action to address gender inequality in all its forms.

Further Information and Media Enquiries:

NAGAAD:nafisa.yusuf@nagaad.org(252) 634427496

Oxfam:muna.Ali.Abdillahi@oxfam.org(252) 634425583





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip