Caynaba Media Group

Dib U Milicso Khilaafaadkii Uu Xubno Muhiim Ah Ku Lumin Jiray Kulmiye Shirarkiisii 2003-2015 Iyo Xiiso La'aanta Shirkiisa Boorama ee 2019

0
Sunday February 10, 2019 - 11:29:06 in Wararka by
  • Visits: 113
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dib U Milicso Khilaafaadkii Uu Xubno Muhiim Ah Ku Lumin Jiray Kulmiye Shirarkiisii 2003-2015 Iyo Xiiso La'aanta Shirkiisa Boorama ee 2019

    Dib U Milicso Khilaafaadkii Uu Xubno Muhiim Ah Ku Lumin Jiray Kulmiye Shirarkiisii 2003-2015 Iyo Xiiso La'aanta Shirkiisa Boorama ee 2019

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dib U Milicso Khilaafaadkii Uu Xubno Muhiim Ah Ku Lumin Jiray Kulmiye Shirarkiisii 2003-2015 Iyo Xiiso La'aanta Shirkiisa Boorama ee 2019

Shirarkii Xisiga KULMIYE qabsaday tan iyo aasaaskii xisbiga waxa ka dhashay khilaafaad-yo kala duwan, kuwaas oo sababay inay mujaahidiin iyo siyaasiyin miisan ku lahaa saaxadda siyaasadda Somaliland ay ka baxaan Xisbigaas, isla markaana kamid ahaa aasaasayaashii xisbiga, iyada oo shanti shire ee Golaha dhexe ee uu KULMIYE qabsaday ay ka dhasheen muran iyo is qab-qabsi sababay inuu Xisbigu lumiyo xubno muhiim u ahaa.

Sanadkii 2003 Iyo Loolankii Musharrax Xigeenka Madaxweynaha Kulmiye

Sanadkii 2003 aasaaskii Xisbiga KULMIYE ka dib, ayaa khilaafkii koobaad ee Xisbiga KULMIYE ka dhex istaadhmay kaadiriintii wakhtigaasi, kaasi oo ka dhashay loolankii loogu jiray jagada Musharaxa Madaxweyne Xigeen ee KULMIYE, waxaana kamid ahaa Raggii xiligaasi ku loolamayey jagadaasi Mujaadi Cabdiraxmaan Aw Cali, Dr Maxamed Rashiid, Cabdilaahi Xasan Buuni "AHN”, iyada oo uu loolankaasi ku guulaystay Musharax xigeenkii ay wateen garabkii Mujaahidiintii KULMIYE Cabdiraxmaan Aw Cali , kaasi oo noqday Musharax xigeenkii doorashadii ugu horaysay ee madaxweynenimada Somaliland u orday KULMIYE oo wakhtigaasi lagaga adkaaday doorashadaasi 2003-dii.

Sanadkii 2006-kii Iyo Khilaafkii labaad Ee KULMIYE

Xisbiga KULMIYE ayaa khilaaf labaad ka dhex-qarxay sanadkii 2006kii, kadib markii ay Xisbiga guul-daro ka soo gaadhay Doorashadii Madaxtooyadda ee sanadkii 2003-kii dalka ka dhacday taasi oo uu ku guulastay Madaxweynihii xiligaasi Daahir Rayaale Kaahin iyo Xisbigii UDUB.

Khilaafkan KULMIYE ka dhex-qarxay sanadkii 2006kii, ayaa ahaa mid u dhexeeya laba garab oo kaadiriinta Xisbiga ugu waa weyn ay kala hoggaaminayeen, kuwaas oo kala ahaa garab doonayey in Siilaanyo maaddaama uu tartankii Madaxweynenimada doorashadii 2003kii uu ku guul-daraystay in la bedelo iyo garab doonayey in fursad labaad la siiyo, waxaana ku adkaaday garabkaa u ololaynayey in fursad labaad la siiyo Ex Madaxweyne Siilaanyo si uu isku sharaxo doorashada dambe.

Sanadkii2007kii Iyo Xanaftii tar-tankii Guddoomiye Xigeenka KULMIYE

Xisbiga KULMIYE ayaa sanadkii 2007 waxa tartan loo galay jagada Guddoomiye xigeenka KULMIYE, waxaana u tartamayey rag badan, kuwaas oo ay ugu cuslayeen Madaxweynaha hadda Muuse Biixi iyo Muhaajid Dhegaweyne,waxaana doorashada ka dhashay muran iyo xafiiltan weyn, balse waxa Guddoomiye xigeen loogu doortay inuu noqdo Muuse Biixi, kaasi oo ay rafiiq ahayeen Guddoomiyihii xiligaasi ee KULMIYE Ex Madaxweyne Siilaanyo.

Burco 2008 :Khilaafkii KULMIYE Iyo Mujaahidiintii Ka Baxday

Khilaaf aad u weyn ayaa sanadkii 2008 ka dhex-qarxay Xisbiga KULMIYE, kaasi oo ka curtay shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE uu ku qabsaday Magadaalada Burco 24/08/2008-kii, waxaana xusid mudan in shirkan hakad la geliyey si loo xaliyo khilaafkaasi, balse ay suurtagal noqon weyday,Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali iyo Ex Wasiir Axmed Xaaji Cali Cadami oo kamid ahaa raga u tartamayey jagada Musharax Madaxweyne ku-xigeenka ayaa soo jeediyey in wax laga badelo qaabka doorashada, balse looma joojin, iyadoo ay shirkaasi ay debad uga baxeen xubno badan oo ka biyo diiday sida ay wax u socdaan, kuwaas oo ay ka mid ahayeen Mujaahid Dhegaweyne , Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Mujaahid Cali Gurey iyo Ex Wasiir Axmed Xaaji Cali Cadami iyo weliba xubno kale oo ka mid ahaa tiirarkii ugu cuslaa ee golaha dhexe ee KULMIYE .

Guddoomiyihii xiligaasi ee Xisbiga KULMIYE Ex Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo garabkii la safnaa ee golaha dhexe ayaa duubka u xidhay inuu noqdo Musharax Madaxweyne ku-xigeenkiisa Madaxweyne ku-xigeenka hadda Cabdiraxmaan Saylici, waxaan arrintaasi ka dhalatay inay xubnio badan oo muhiim ahaa ka baxaan Xisbiga KULMIYE , kuwaas oo sheegay inuu shirkaasi ahaa mid caddaalad darro ku dhacay.

Shirkii Dagaalka Isu Bedelay Ee KULMIYE Ee Sanadkii 2012kii Hargeysa Ka Dhacay Iyo Dhawicii Ka Dhashay

Xisbiga KULMIYE ayaa markii ugu horaysay ee uu hoggaanka dalka qabtay sanadkii 2010kii laba sano ka dib oo ku beegnay sanadkii 2012kii, magaalada Hargeysa ku qabsaday shir weynihii Xisbiga KULMIYE, kaasi oo uu ka dhashay dagaal gacanta la isula tegay oo sababay dhaawac la soo gaadhsiiyey Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo ahaa guddoomiye ku-xigeenkii KULMIYE ee wakhtigaasi, waxaana lagu eedeeyey inuu sharciga ka hor yimi xisbiga iyadoo isla shirkaasi intii lagu gudo jiray laga dalbaday in xil xayuubin iyo xubinimadii xisbiga laga saaro.

Gudoomiye ku xigeenkii 1aad Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ee xilka laga qaaday ayaa shirweynaha ka dalbaday inla dhagaysto si uu uga dooddo eedaasi, isagoo sheegay in aan awood loo lahayn in xubinimadda iyo xilkaba laga qaado, maadaamo oo shirweyne lagu doortay, haseyeeshee, lama dhagaysan oo xoog ayey ciidamadda amnigu ku saareen,waxaana xoogaa iyo jujuubkii ciidamada ay ku saareen kasoo gaadhay dhaawac-y dhanka dhabarka ah oo dhakhtar loo dhigay .

Madaxweynaha hadda Biixi oo ahaa xiligaasi Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee KULMIYE, ayaa ku xigeenkiisa xilka laga qaaday dhabarkana laga jabiyey ku eedeeyey inuu jabiyey xeerar hoosaadka xisbigu dhigtay, isla markaana eedeen usoo jeediyey xukuumadda ka timid xisbiga kulmiye, balse waxa ku gacan-saydhay eedaasi guddoomiyihii xilka laga qaaday Cabdiraxmaan Cabdiqaadir isagoo sheegay in aanu wax xeer ah jabin, isla markaana dacwadiisa geyn doono maxkamadda dalka iyo kuwa caalamiga ah.

Khilaafkii 2014 Iyo Dagaalkii Ka dhex-qarxay Axmed Siilaanyo Iyo Guddoomiyihii Muuse Biixi.

Sanadkii 2014kii ayaa waxa uu khilaaf aad u weyni ka dhex-qarxay garab uu Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi oo ahaa Guddoomiyaha KULMIYE, waxaana dhex-maray loolan adag oo siyaasadeed, kaasi oo uu sheegay Muuse Biixi in laga adkaaya garabkiisa, balse todbadii bishii ogoos, ayaa khilaafkaas la xaliyey


"Qoladiina Xukumadda xil gooni ah ayaa idin saaran, Intiinani waxaad ahaydeen intii Madaxweynaha taageeraysay ee aniga iga soo horjeeday, Dee Waad Naga Adkaateen, Mahadsanidna namaydaan odhan, waliba waa noo sii cadhoonaysaan Qoladiina xukumaddu"Ayuu yidhi Muuse Biixi.

Khilaafkii 2015kii iyo Shirkii KULMIYE ee Hargeysa ka dhacay

Sanadkii 2015, ayaa waxa uu khilaaf culus mar kale ka dhex-qarxay Xisbiga KULMIYE, kaasi oo sababay inay xukuumaddii ee KULMIYE xiligaasi ay iska casileen wasiiradii ugu tirada badna, kuwaas oo kasoo horjeeday in musharax xisbiga laga dhigo Madaxweynaha hadda ee Muuse Biixi, kaasi oo uu watay Madaxweynihii iligaasi Axmed Siilaanyo,

Xubnihii xukuumaddii KULMIYE iska casilay oo la magac baxay isbahaysiga KULMIYE iyo hoggaanka KULMIYE oo garabsanaya Xukuumaddii ayaa waxa circa isku shareeray khilaafkood iyagoo weeraro afka isku qaaday, isla markaana war-baahinta kala duwan isku dhaafsan jiray haddalo kala duwan oo xafan leh , waxaana xusid mudan in garabka is bahaysigu ay wateen Musharaxiin Madaxweyne oo kala ahaa Xildhibaan Kijaandhe iyo Maxamed Biixi Yoonis

Dhanka kalene Isbahaysiga KULMIYE ayaa qaadcaday shirkii Golaha dhexe ee KULMIYE, kaasi oo Hargeysa ka qabsoomay 2015 bishii Noofanber,waxaanu sheegay Xuseen Axmed Caydiid oo xiligaasi u hadkayey isbahaysigaa"Shirkaas in Xaaraan lagu sifeeyo mooyaane wax kale muu ahayn, wax aka soo baxaana uu ahaan uun Xaaraan, sidaa daraadeed Isbahaysiga Musharraxiinta KULMIYE wuxuu caddaynayaa inuu sii wadayo hawl-gallada uu kaga soo horjeedo boobka, Qabyaaladda, Sharci darada iyo talo-maroorsiga, laguna xaqiijinayo wada tashiga, dimuqraadiyadda iyo ku dhaqanka xeerarka Xisbiga..”

Ugu dambeyn xisbiga Kulmiye ayaa shirkiisa golaha dhexe ku qabsanaya magaalada Boorama 23-ka bishan. Shirka waxa la filaya in jagooyin dhawr ah lagu buuxiyo oo hoggaanka xisbiga ah laakiin, waa mid aan lahayn xumaddii iyo xamaasaddii looga bartay xisbiga, islamarkaana aan xiiso loo hayn. Ma muuqdaan siyaasiyiin culus oo kala damac duwan oo ku hirdamaya shirka waxaanu u muuqda mid aan la dareemahayn in uu soo socdo shir xisbiga talada haya qabsanayo oo taariikhdiisu ku astaysan tahay in mar kasta rag ruud ahi ku hirdamaan. Dhawan Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa ka digay in xisbigu burburi doono haddaan wax laga bedelin qorshihiisa shirkani ku salaysan yahay.

Dawladda Itoobiya Miyay Ka Maarantay Saamigeedii Dekedda Berbera Maxaa Se Iska Bedelay Heshiiskii Somaliland, Imaaraadka Iyo Itoobiya?

Wasiir Sacad Oo Sheegay In Shirkadda Maamusha Dekedda Berbera Ay Wada Leeyihiin Somaliland Iyo Imaaraadka Oo Kaliya..

Waxa Kale Oo Uu Soo Bandhigay Halka Ay Martay Kiradii Dekedda Iyo Saldhigga Imaaraadkku

Hargeysa(Waaberi) Wasiirka horumarinta Maaliyadda ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa soo bandhigay faahfaahino hor leh oo ku saabsan heshiiska Saddex Geesoodka ahaa ee u dhexeeyay Imaaraadka, Itoobiya iyo Somaliland ee dekedda Berbera iyo kan u dhexeeyay Somaliland iyo Imaaraadka ee Saldhigga Militari ee Berbera.

Wasiir Sacad Cali Shire ayaa si cad u sheegay in heshiiska dekedda Berbera u dhexeeyo Somaliland iyo Imaaraadka, islamarkaana shirkadda DP World Berbera ee dekedda Maamusha ay ku salaysan tahay saami laba geesood ah oo u dhexeeya Imaaraadka iyo Somaliland, islamar ahaantaana guddida maamulka ee labada dal shirkoodii u horeeyay ku yeelatay Imaaraadka.

Dr Sacad oo qayb ka ahaa barmaamij dhaqaalaha lagu falanqaynayay oo telefishanka Universal qabtay ayaa isaga oo ka jawaabaya dood ah in madmadow ku jiro maamulka dekedda Berbera, islamarkaana aanay muuqan shirkad la wada leeyahay waxa uu sheegay in shirkad ay wada leeyihiin Somaliland iyo Imaaraadku gacanta ku hayso dekedda waxaanu yidhi "Horta runtii madmadow kuma jiro waa laga yaaba dadka qaar in aanay waadax u ahayn waan rumaysanaya haddii qofku yidha wax baa iigu dhiman laakiin, shirkadda weynu samaynay, shirkadda waxa la yidhaa Dp World Berbera waxay ka diwaan gashan tahay Somaliland, shirkadda 35% waxa leh Somaliland 65% waxa leh Dp World boodhka(Guddida) waxa inoogu jira saddex qof kulankoodii u horeeyay bishan todobadeedii ayay ku galeen Dubay, marka waa shirkad xisaabteediina waa la hayaa marka si fiican bay inoogu socota oo madmadow kuma jiro.”

Ka qayb galeyaasha barmaamijka oo tixraacaya saamiga wasiirka ayaa xasuusiyay in Somaliland leedahay 30%, Itoobiya leedahay 19%, Imaaraadkuna leeyahay 51% sida heshiiska dambe dhigayay haddii aan laga noqon laakiin, wasiir Sacad ayaa ku adkaystay in ilaa hadda Somaliland iyo Imaaraadka oo kaliya leeyihiin maamulka dekedda "Saamiga waa run weynu ku heshiinay Itoobiya in aynu siino 5% qolada kalena (Imaaraadka) 14% laga jaro laakiin, kaasi waa nidaam socda weli shirkaddii labadeena uun baa leh inaga iyo Dubay,”Sidaas ayuu yidhi Wasiir Sacad.

Wargeyska The Reporter dalka Itoobiya ayaa bishii May ee 2018 baahiyay in dawladda Itoobiya doonayso in ay isticmaasho dekedda Berbera 30%, halka ay 10% u qoondaysay dekedda Port Sudan ee dalka Sudan iyada oo la filayo in 60% kale ay isticmaalayso dekedda Jabuuti oo ay hore u isticmaali jirtay 95%. Waxa ay arrintaasi ka dambeysay markii ra’isal wasaaraha cusub ee Itoobiya Dr Abiy Axmed wada hadallo la galay dekedo dhawr ah oo gobolka ah.

Hadalka Dr Sacad Cali Shire ayaa u muuqda mid taageeraya doodaha ku saabsan in dawladda Itoobiya ka maarantay saamigeeda dekedda Berbera. Dadka siyaasadda Geeska Afrika falanqeeya ayaa u arka in Itoobiya oo iska dhawraysa khilaaf soo kala dhexgala Soomaaliya ay xoogga saarayso dekedaha Ereteriya in ay isticmaasho iyada oo dhawaan dawladda Talyaanigu sheegtay in ay ka taageerayso dhismaha jid tareen oo isku xidha dekedda Casa bee Ereteriya iyo Addis Ababa taas oo gogol xaadh u ah qorshaha Itoobiya ugu wareegayso dekeddaha Ereteriya iyada oo wali xoog ugu tiirsan dekedda Jabuuti.

Geesta kale Dr Sacad Cali Shire waxa uu sheegay in aanay Somaliland kiro ka qaadan saldhigga Militari ee Imaaraadka laga siiyay Berbera, sidoo kalena la qadimay kiradii dekedda Berbera laakiin, ma sheegin inta sanno ee la qadimay iyo in xukuumaddii Siilaanyo qaadatay iyo in tan Biixi qaadatay.

"Horta way ku jirta. Waxay ku jirta kirada aynu ka qaadano dekeddu kirada aynu ka qaadano hantida ma guurtada ah. Sanad walba dekedda waxaynu ka qaadana kiro shan milyan dollar ah, dekedda DP World maynaan siin waxaynu siinay shaqada inaga iska leh dhulka waynu ka kiraynay sanad walba 5 milyan ayaynu ka qaadana waxaanay ku jirta halka kirada laakiin, sanadkan kuma jirto oo hore ayaynu u qaadanay .

 

Arrinta Saldhigga, saldhigga isaga kiro kama qaadano, kiro maaddaama aynaan ka qaadan kuma jiro kirooyinka, Saldhigga heshiiska aynu kula galnay Imaaraadka waxa weeye in ay inoo dhisaan waddo Berbera ilaa Wajaale ah iyo in ay inoo dhisaan madaar ay inoogu bedelayaan kii aynu siinay kiro kama qaadano, marka qandaraaskii Waddana sanadkan ayaa la bixinaya oo la bilaabaya,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Sacad


Source Waaberi



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip