Caynaba Media Group

DIIDMOOYINKA BANGGIYADDA, DUDMADDA SHACABKA, DAYACA NIDAAMKA MAALIYADEED EE DALKA, IYO DARDAR-GELINTA DOORKII DAWLADDA"

0
Friday February 08, 2019 - 15:25:31 in Maqaallo by saleban Cilmi
  • Visits: 71
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DIIDMOOYINKA BANGGIYADDA, DUDMADDA SHACABKA, DAYACA NIDAAMKA MAALIYADEED EE DALKA, IYO DARDAR-GELINTA DOORKII DAWLADDA"

    DIIDMOOYINKA BANGGIYADDA, DUDMADDA SHACABKA, DAYACA NIDAAMKA MAALIYADEED EE DALKA, IYO DARDAR-GELINTA DOORKII DAWLADDA"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DIIDMOOYINKA BANGGIYADDA, DUDMADDA SHACABKA, DAYACA NIDAAMKA MAALIYADEED EE DALKA, IYO DARDAR-GELINTA DOORKII DAWLADDA"

"DIIDMOOYINKA BANGGIYADDA, DUDMADDA SHACABKA, DAYACA NIDAAMKA MAALIYADEED EE DALKA, IYO DARDAR-GELINTA DOORKII DAWLADDA”

Bashiir Cali Cabdi

February, 2019.

Salaanta suuban ee Islaamka kadib, Maqaalkan waxaan si kooban ugu lafa-guri doonaa caqabadaha hortaagan guud ahaan nidaamka maaliyadeed ee dalkani Somaliland si uu u furfurmo, una horumaro, isla markaasina shacabku uga faa’iidaan, doorka Banggiyadda iyo hay’addaha kale ee maaliyadeed ay ka ciyaari karaan si loo helo nidaam maaliyadeed oo hufan kaasi oo isagguna muhiim u ah horumarka iyo kobaca guud ee dhaqaalaha curdinka ah ee dalkani Somaliland.

Khubaradda amuuraha Banggiyadda iyo Maaliyaddu waxay si wadajir ah iskugu raacsan yihiin in Banggiyaddu yihiin xubinta ugu muhiimsan ee nidaamka maaliyadeed ee dalka. In la helo Banggiyo shaqadooddu sareyso, adeegyadda ay bulshadda u fidiyaanna yihiin kuwo hufan oo dhameystiran waxay furre u tahay in la helo nidaam maaliyadeed oo dhameystiran, si hufana uggu adeegga bulshada, kaasi oo isagguna muhiim u ah furfur, horumar iyo kobac balaadhan oo guud ahaan dhinaca dhaqaalaha ah.

Haddaba, sababta ugu weyn ee ay Bangiyaddu u noqdeen xubinta ugu muhiimsan ee nidaamka maaliyadeed ee dalku waxay tahay iyagga oo fududeeya, furfura, suurogal na ka dhiga qulqulka iyo wareegga lacagta dalka. Waxa ay si dadban iskugu xidhaan, isla markaasina ka faa'iidaan labba qollo/qaybood oo ka mid ah nidaamka maaliyadeed ee dalka (intermediation). Qolladda koowaad waa kuwwo haysta maal iyo lacaggo dheeri ah (surplus units) oo u baahan meelo ay ku keydsadaan (saving) isla markaasina ku maalgashadaan (investment). Halka kuwwa labaadna ay yihiin qollyo u baahan lacaggo dheeri ah (deficit units) oo ay u isticmaalaan arimo shaqqsi iyo ganacsi la xidhiidha (personal and business financings).

Labaddaasi qollo iyo Bangiyaddu waxay dhamaantood si balaadhan uga faa'idaan nidaamkan. Qollyaha koowaad ee u baahan iney maalkoodda dheeraadka ah keydsadaan isla markaasina maalgashadaan waxay helaan Banggiyaddii u fulin lahaa hawlahaasi. Qollyaha labaad ee u baahan lacaggo dheeri ah iyagguna wey ka faa'idaan waxaaney helaan lacaggta ay hadda ugu baahan yihiin arimo la xidhiidha baahiyahoodda shaqsi ama ganacsi. Banggiyadduna wey ka faa'idaan oo macaashka (proft) ay ka helaan qolyaha labaad (deficit units) ayey qeyb kamid ah siiyaan qollyaha koowaad (surplus units), wixii uga soo hadhana uu yahay macaash Banggigu leeyahay.

Ugu danbeyntii, waxaa sidoo kale nidaamkani si dadban oo balaadhan uga faai'iida guud ahaan dhaqaalaha dalka oo ka hela shaqo-abuur, dakhliga dadka iyo ganacsiyadda oo kordha, dhaqaalaha guud ee dalka oo furfurma isla markaasina kobca. Si aynu u fahano, hadii aad mid kamid ah Banggiyadda dalkeena ka codsato in uu kuu maalgeliyo baahi-maalgelineed oo shaqsi ah sidda in laguu iibiyo baabuur, gurri, ama agabb kale oo aad hadda arimo shaqsi ah ugu baahan tahay, amaba aad dooneyso in Banggigu kuu maalgeliyo baahi-maalgelineed oo la xidhiidha arimo ganacsi, waxaad ka mid tahay qollyaha labaad (surplus units). Balse, hadii aad isla Banggigaasi u dhiibato lacag si uu kuugu xafido/keydiyo isla markaasina u maalgeliyo, waxaad ku jirtaa qollyaha koowaad (surplus units).

Marka laga hadlayo caqabadaha waaweyn ee haysta nidaamka maaliyadeed ee dalkani Somaliland, gaar ahaan Banggiyadda waxa laga xusi karaa; in aaney Banggiyadda dalkeenu weli si buuxda gacanta ugu dhigin qolyahaasi koowaad oo ah shaqsiyaadkii iyo ganacsiyaddii lacagaha ku kaydsan lahaa, kuna maalgashan lahaa. Banggiyadda aduunka wey ku adag tahay iney si buuxda oo hufan u shaqeeyaan hadii aaney haysan doorkii qolyahaasi koowaad. Lacaggaha ay Bangiyaddu ka helaan qolyahaasi koowaad waxay ka dhigan tahay agabkii ay ku shaqeyn lahaayeen (raw material) waxna ku soo saari lahaayeen. Waxa aad bal yara sawirataa ganacsi raba inuu soo saaro isla markaasina dadka ka iibiyo cabitaanno iyo sharaabyo balse aan haysan biyo. Iyadda oo ay sidaasi tahay haddana Banggiyadda ka shaqeeya dalkeenu waxay shantii sanno ee u danbeysey ku shaqeynayeen lacagahoodda gaarka ah si ay maalgeshiyo ugu fidiyaan dadweynaha . Arintani waa ta ugu weyn ee sabab u ah in ay Banggiyadeenu adkeeyaan nidaamka ay ku bixinayaan maalgelinta, cidda ay siinayaan maalgelinta, wakhtiga lagu soo celinayo maalgelinta, macaashka aadka u sareeya ee laga rabo maalgelinta, iyo in dadka intooda badani ay ka ooman-yihiin maalgashiyadda ay Banggiyadeenu bixiyaan. Waxaad sawirataa adigga oo haysta $10, isla markaasina rabba in aad 15 qof midkiiba siiso $1, lacaggtuna ay hore kuugu soo noqoto iyadda oo macaash wadata si aad mar kale u bixiso.

Dhinaca kale, waxa jira caqabad weyn oo kale oo aad mooddo in ay Banggiyadda dalkeenu iyaggu sameeyeen, oo ay is hordhigeen. Banggiyadda aduunka waxaa laggu yaqaan oo ay ku caano-maaleen shaqo hufan, hindisidda iyo sameynta adeeggyo cusub oo maalgelineed, maamulka iyo maareynta khataraha ka dhalan kara maalgeshiga ay bixiyaan. Balse, waxaad moodaa in ay Banggiyadeenu iska qaddiyeen amuurahaasi, muddadii koobneed ee ay shaqeynayeenna ku caano-maaleen hal adeegg ama adeeggyo kooban oo maalgelineed, dabadeedna macaamiisha iyo dadweynuhuba ku qasban yihiin iney adeegyadaasi maalgelineed ee kooban ka dukkaameystaan, halka dadweynaha badankoodduna aaney suurogal u ahayn amaba ay ku adag tahay iney ka qeyb qaataan adeeggyadaasi maalgelineed ee kooban caqabaddo u badan dhinaca farsamo ee adeegyadda maalgelinta la xidhiidha. Arintani waxay sidoo kale caqabad weyn ku tahay furfurka iyo kobaca nidaamka maaliyadeed iyo dhaqaale ee dalkani.

Hindisse la’aanta iyo adeeggyadda kooban ee maalgalineed ee aan kor ku xusey waxaa tusaale fiican u ah isticmaalka aalladda ama adeegga loo yaqaano "Muraabaxadda". Waxaa muhiim ah in aynu marka hore isla fahano in aalladanni Muraabaxaddu aaney ahayn adeegg maalgelineed, inkasta oo bangiyaddeenu ay hadda sidaasi u isticmaalaaan. Muraabaxaddu, waa adeeg ama aallad loo farsameeyey isla markaasina ku saleysan caqddi ama heshiis wax kala iibsi ee wakhtiga-dhaw. Aalladdan Muraaxaddu waxaad moodaa in Bangiyaddeenu aad u jecel yihiin isticmaalkeeda, isla markaasina ay ku sameeyeen qabatin-adag (addiction), sababtuna waxay tahay iyadda oo faaiidooyin badan u leh Bangiyadda isticmaala. Faaiidooiyinkeeda waxa ka mid ah in ay wakhti kooban lacaggtu ku soo noqoto, macaash fiican oo ay lacaggtu sameyso muddada kooban ee ay shaqeeneyso, khatarta ka iman karta aalladani oo aad u yar marka la barbar dhigo adeegyadda kale ee maalgalineed ee runta ah, kuna saleysan wadaaggidda macaashka iyo khasaaraha ka dhasha maalgeshiga. Bal waxaad ka warantaa dal dhan oo aduunweynaha ka raba in la aqoonsaddo balse cadceedii soo baxda ee dhacda ba nidaamkiisa banggiyadda iyo maaliyadeed uu afarta dhinac ka fadhiyo aalladdan Muraabaxadda. Ma la odhan kara, caqabadda ugu weyn ee Ictiraafkii inaga hor taaganni waa adeeggan ama aladdan "Muraabaxadda"?.

Waxaan aad uga walaacsanahay in aalladanni Muraabaxaddu ay noqotey "Comfort Zone”-ka Banggiyadda dalkeena, ama line yar oo qabow, sababna u tahay hindisse iyo hufnaan la'aanta balaadhan ee ka jirta Banggiyadda dalkeena, caqabadaha hortaagan iyo culeyska saaran bulshadda, qaar badan oo bulshadda ka mid ahna ka horjooga ka qeybgalka nidaamka maalgeshi ee dalka oo ay ka qattan-yihiin.

Ugu danbeyntii, waxa aad loo tabbayaa doorkii dawladdu ka ciyaari lahayd nidaamka maaliyadeed ee dalka. Doorkani waxa ugu muhiimsan wax ka qabashadda caqabadaha haysta banggiyadda dalkeena si ay u furfurmaan, horumar balaadhana u gaadhaan. Sidoo kale, in dawladda iyo banggiyadda dalku ka wada shaqeeyaan sidii wax loogga qaban lahaa caqabadaha balaadhan ee ka hortaagan bulshadda badankeeda in ay ka qeybqaataan nimaamka maaliyadeed ee dalka.

WA BILAAHI TAWFIIQ!

ALLA MAHAD LEH!

Bashir Ali Abdi (Abu Taariq).

February, 2019.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip