Caynaba Media Group

Safaarada Somaliland ee Ethiopia oo ku fashilantay inay soo celiso ardayda hoos tagtay safaarda Somalia + sababta

0
Monday February 04, 2019 - 11:05:11 in Maqaallo by saleban Cilmi
  • Visits: 139
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Safaarada Somaliland ee Ethiopia oo ku fashilantay inay soo celiso ardayda hoos tagtay safaarda Somalia + sababta

    Safaarada Somaliland ee Ethiopia oo ku fashilantay inay soo celiso ardayda hoos tagtay safaarda Somalia + sababta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safaarada Somaliland ee Ethiopia oo ku fashilantay inay soo celiso ardayda hoos tagtay safaarda Somalia + sababta

Salaan guud iyo mid gaar ahba waxan u diraya shacabka Somali meel kasta oo ay ku suganyihiin iyo gaar ahaan bahda Saxaafada.

Warbixintii, tan ka horeysay ee quluubta dadka yaabka galisay, waxay timid markii ardayda reer Somaliland ee cariga Addis Ababa, Ethiopia go’aan ku qaateen inay hoos tagaan lana jaan-qaadan safaarada Somalia ay ku leedahay Addis-Ababa ee Ethiopia, waa ta-kowaad, markii ay u muuqatay kana quus is-taageen sidey ugu hawl gabtay Sfaraada Somaliland oo markii horeba hawl-maalmel-keedu ahaa mid shakhsiyaad loo soo magaacaway ay ku tanaadee.

Taaso Shakhsiyaadkaas uu ugu horeeyo Safiir-kuxigeenku Mohamed Abdikariim Maarshaal, oo safaarada ka dhigtaygoob ganacsi oodilaaladiisu ka buuxan isuna daba maraan, oo ay layaab ku noqotay markay arkeen gudi arday oo ku booqata safaarada iyo cabashada ardayda oo yaab makaag ku noqotamarka loo gudbiyo iyagooalbaabda ay ka xidhaan iyo telefoonada, Si la midana habeenkii ay shaqada ay qabtaan tahay sidii lagu kala qaybin lahaa ardeyda si aan iyaga wax hawl ah loogu qaban ama aan loogu baahan safaarada!

Safaarada Somaliland ee itoobiya oo ay wax qabadkeedu noqday mid dano-shakhsi gaar u ah una adeega ,wuxuku darsaday safiir-kuxigeenku Mohamed Abdikariim (Maarshaal)inuumadaxda Qaranka Somaliland u gudbiyaywarar sal iyo raad-toona lahayn taaso ay ka mid tahay inu ka been-abuuray maarshaal oo uu yidhi ardayda Ethiopia waxkabarta waa 10 arday, waa arin qariib oo aad u yaab-galisayardayda dhamaan wax ka barta Ethiopia sida gudida ardayda Somalilandtirakoobkii ay sameeyeendhawaan uu kor udhaafayay 180 Arday.

Aqoon-darada haysa Mohamed Abdikariim maarshaal iyo nacaybka ku jira iyadoo horeba loo ogsoona inuu ahaa shakhsi aan wax baran, tabashada ardaydana heer jamacadeedna aanu fahmi Karin madaamu aanu soo marin heer jamacadeed oo uu yahay dadkii afka wax ku cuni jirey, Sidaas darteedna uu iska qarinayo ardayda la kulankeeda oo uu dabada ku wato dhawr qof oo magaalada iska jooga oo ay isku reer yihiin.

Iyadoo sidoo kale la ogyahay in maarshaal jagada loo soo magacabay ee safaarada Somaliland ku soo beegantay Markii talada dalka uu qabatay Madaxwayne,Muuse-Biixi oo ay isku reer yihiin in si xigaal ahaan meesha lagu keenay iyadoo lala socday aqoon-laan iyo karti xumida mudane Maarshaal.

Guntii iyo gabo-gabadii, waa la iska fahmi karaamarka shakhsi Maarshaal oo kale ahmasuuliyad loo dhiibo inaanu hawsheediiiyo shaqadii loo igmaday aanu ka soo bixi-kareyn. Iyadoo qiimaynta ardayda ku samaysay qodabadan ay keentay inay ka digo-rogtaan safaarda Somaliland ee Ethiopia una digo-rogtaan bishan gudaheeda Safaarda Somalia hadii safaarada Somaliland aan isbadal muuqda lagu samayn oo shakhsiga nabarka ama boogta ku noqday ee Mohamed Abdikariim maarshaal aan lagu soo badalin qof la shaqayn kara jaaliyada iyo cabashada ardayd.

Kama noqonayan ardaygu hoaankooda iyagoodiyaarna u yihiin kanarajeenaya is-badellagu sameeyo hawl wadeenada Safaarada Somaliland ama ardayda reer Somaliland sida ayku tashadeen inayay kula jaanqaadayso Safaarada SOMALIA.



Farhan Nasir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip