Caynaba Media Group

Gadabuursi iyo Ciise 7 Sooyaal oo Saban hore ahaa iyo jaangooyntii ingiriiska ayaan Xukun uga dhigayaa !! Dawladana mid baan ku dhiirinayaa!! Dr.Khadar-Libaaxley.

0
Sunday February 03, 2019 - 09:36:52 in Maqaallo by
  • Visits: 145
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gadabuursi iyo Ciise 7 Sooyaal oo Saban hore ahaa iyo jaangooyntii ingiriiska ayaan Xukun uga dhigayaa !! Dawladana mid baan ku dhiirinayaa!! Dr.Khadar-Libaaxley.

    Gadabuursi iyo Ciise 7 Sooyaal oo Saban hore ahaa iyo jaangooyntii ingiriiska ayaan Xukun uga dhigayaa !! Dawladana mid baan ku dhiirinayaa!! Dr.Khadar-Libaaxley.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gadabuursi iyo Ciise 7 Sooyaal oo Saban hore ahaa iyo jaangooyntii ingiriiska ayaan Xukun uga dhigayaa !! Dawladana mid baan ku dhiirinayaa!! Dr.Khadar-Libaaxley.

Gadabuursi iyo Ciise 7 Sooyaal oo Saban hore ahaa iyo jaangooyntii ingiriiska ayaan Xukun uga dhigayaa !! Dawladana mid baan ku dhiirinayaa!! Dr.Khadar-Libaaxley.

**** tani waa sababta iyo Sirta Map ka Gobolka Awdal xilligii Xuduudaha Somaliland la sameynaayey 1935 uu ingiriisku isaga oo taariikhdan haya , gartay oo garwaaqsaday in la illaaliyo , xafido, xuquuqdaasi darteed ku dul qaabeeyey dhulka Awdal ( muunada taalada taariikhiga ah ee sawirka kurkii Muj. Siciid Daauud Cali ama tafiirtiisa uu ka mid ahaa Muj. Axmed Gurey) Arintan tilmaan teedu waxa ay tahay in Gobolka Awdal ( Mulkiyadiisa iyo Maamulkiisa Gadabuursi Leeyahay dhanka kalena Manfaciisa Darajada koowaadna Beelaha kale ee ladaga Gobolka ay leeyihiin, waayo waxa jira 3 xuquuqood oo kala ah: xuquuq daris-wadaag, xuquuq daaqsin-wadaag iyo xuquuq dhaleeyo.

******************************************************************************

Mudane akhriste u fiirso oo hel Sirta maabka Gobolka Awdal ku duugan !! maxaad aragtaa oo uu kuula muuqdaa ? Mapka G/Awdal waxa uu ka mid yahay 3 hal-xidhaale oo Boqortooyadii ingiriisku Reer Awdal iyo Somaliland ba Sir ahaan uga tagtay; aan kuu soo qadimo , maabka G/Awdal waxa uu u taaganyahay ( Taalo Sawir kur ah !! Taalada sawirkaa kurka ah ; waxa uu u macno taaganyahay 3 arimood oo isku dhafan , tilmaamayaa taariikhda gobolkaasi iyo cidii gardaadinaysay , waayo taalooyinka dunida sidoodaba waxa ay muujiyaan sooyaalka taariikh dunida iyo mandaqadaaba ka hirgashay; cid kale maaha taasi 1) ( taalada sawirka kurkaasi mar Waa kii Mujaahid Saciid Daauud Cali – waa odeyga Qoomiyada Gadabuursi ka soo tafiirmay !! 2) waa taalada sawirka kurkii Mujaahid Axmed Ibraahim Geesaale oo isna ku tafiir tirsanaya Mujaahid Siciid Daauud Cali !! 3) waa taalada sawir kur ah oo u macno taagan ( Boqortooyadii Adal ee jirtay in ka badan 600 Sano ).

Si kooban waa kuma Muj.Siciid Daauud Cali ?

Image may contain: text

 

**** tani waa sababta iyo Sirta Map ka Gobolka Awdal xilligii Xuduudaha Somaliland la sameynaayey 1935 uu ingiriisku isaga oo taariikhdan haya , gartay oo garwaaqsaday in la illaaliyo , xafido, xuquuqdaasi darteed ku dul qaabeeyey dhulka Awdal ( muunada taalada taariikhiga ah ee sawirka kurkii Muj. Siciid Daauud Cali ama tafiirtiisa uu ka mid ahaa Muj. Axmed Gurey) Arintan tilmaan teedu waxa ay tahay in Gobolka Awdal ( Mulkiyadiisa iyo Maamulkiisa Gadabuursi Leeyahay dhanka kalena Manfaciisa Darajada koowaadna Beelaha kale ee ladaga Gobolka ay leeyihiin, waayo waxa jira 3 xuquuqood oo kala ah: xuquuq daris-wadaag, xuquuq daaqsin-wadaag iyo xuquuq dhaleeyo.

Daliil dheeraad ah iyo cadeymo taariikhaysan sabankii ingiriiska iyo ka hor ba :

1.British Agreement with the Gadabursi, ZAILA, Dec. 11, 1884

2. British Agreement with the Eesa Somal, ZAILA, Dec. 31, 1884 .

Mudnaanta iyo tixgalinta waxa aad ka garataa mudada 2da hishiis u dhaxaysay.

Yaa Saylac Xukumi jiray? Sideese Cuqaasha loo kala la haa?

Sida uu tibaaxayo maamulihii degmada saylac ahna ku simaha badhasaabkii ugu horeeyey ee Somaliland looga soo magacaabo hindiya ninka la odhan jiray major .H. Rayne buugiisa xasuus qorka ee uu ugu magac daray ( the Sun, Sand and Somali ) pages 20 - 41

3. the two somal tribes coming directly under the zaila agency were the Gadabursi and the issa,

4. Akils ( cuqaal ) were the Egyptian system of clan representatives among people and the government and British found it convenient to continue , so government have 36 issa and 37 Gadabursi Akils on the district books.

5. the sultan of zaila, Suldan Mohamed Xuseen Iidle ( Haji Dideh , oo ka mid ahaa maal-qabeenadii ugu weynaa sabankaa, magaalada jabuuti marka 3 loo qaybiyo lahaa meel, nasiib darada dhacdayse tahay wixii ka dambeeye 1954 dawlada jabuuti la wareegtay hantidiisii , isagana u aqoonsatay in uu nin carab ah uu ahaa, balse cida uu ahaa badhasaabkan ingiriiska ah ayaa ku sheegaya buugiisan in uu ahaa Gadabuursi, qudhaydu aan idiin ku daree ( maxamed-case, habar-xuseen ama bahaber celi) igama aha faan balse kaliya miskiinkaa xaqiisa taariikheed la qariyey sheegi-deed.

6. Sida uu tibaaxayo qoraagii Boqortooyada ingiriisku IM.LEWIS buugiisa layidhaa ( A pastoral Democracy : A study of pastoralist & politics Among the Northern Somali in the horn of Africa ) waxa uu sheegayaa in qoomiyada gadabuursigu la haayeen ( 100 parliament = Xeerka Boqorka iyo Boqolka Nin ) ( the Law of the King and the 100 men ) oo ka kooban 99 guurti iyo xeer-beegti ah iyo Ugaaska oo boqol ku ah tan iyo xiliyadii kala duwanaa ee boqortooyadu soo mareysay, kuwaasi oo u kala asteysnaa 4 urur oo kala ahaa 1) Gudiga difaaca iyo nabad-galyada 2) Gudiga dhaqaalaha 3) Gudiga daryeelka arimaha bulshada iyo 4) Gudiga Cadaalada iyo garsoorka.

7. Gumeystihii yimi dhulka soomaalida uu qaabeeyey xuduud ahaan, qaybiyey khayraadka dhulka bariga iyo bada intaba, isagoo u qaybiyey hab deegaameed ku dhisan guud ahaan qabaa’ilka waaweyn oo mid walba wadaajiyey qaybaha bariga iyo bada, dhamaan soomaalida silsilada golis wajigeed galbeed yaala waxa uu lugo fidsi iyo daarad uga dhigay reeraha waaweyn dhanka bada intaas oo kaliya kagama hadhin waxa uu ku muujiyey xuduudo bariga ka wada bilaabma oo bada wada gala; weynu garan karnaa cida taala ama degan lugo fidsiga iyo daarada Awdal in ay qaldantahay %100 sababtoo ah meel kale ayaa ah iyaga xeebtoodii , lugo fidsigoodii iyo daarad dal u ah waliba , waxa la odhan jiray ( 3 reer lagama dago 1. Ardaa reer lagama dego 2. Dariiqa reerna lama dago 3. Dhanka ceel kana reerka lagama dago; Reer Awdal wey garanayaan intaaba cida ka degan maanta iyagana laaji ku tilmaameysa; waxase aan xaqiiqo u ogahay in dadkaasi yahay ( Dad daacan ah qalbi ahaan, niyad wanaagsan oo gob xariir ah oo u baahan in indho loo noqdo ) dhibta jirtaa waa tabaalaha wakhtigu keenay iyo garasho la’aan dhex jirta dhinacyada isxiga dhan-walba, waxase aan rajeynayaa in hab nabad-galyo ku dhisan hawluhu ku dhamaadaan insha’alllah.

Gabagabo :

Dawlada waxa aan ku bogaadinayaa sida ay u jeceshahay in dadkeedu nabad iyo farxad kuwada noolaadaan meel ay tahayba, waxa aan ku dhiiri galinayaa marwalba aragtida ah falashada beeraha iyo kobcinta waxsoosaarka beeraha, waayo ( Nabi ADAM markii la abuurey janno ayaa la galiyey jannaduna waa beer wax-walba ku yaalaan, waa sababta maanta wax kasta oo ilma ADAM hunguriga mariyaan uu u yahay wax asal ahaan %85 beer si toos ah uga soo baxay halka %15 si dad-ban beer ugu soo baxay oo hilibku xooluhu ka mid yahay , sidaa daraadeed noloshu waa beer, beertuna waa nolol, ninka diidayaana waa nolol diid ; si isku filaashiyo nololeed loo gaadho waa in aynu dhiiri galinaa tacabka beeraha, waxa hubaal in aduunyada ka dhici doonaan dagaalo waaweyn !! maxay dadku ku noolaanayaan hadaaney wax sii beeranin ?

Dr.khadar -Libaaxley

dr.khadar05@gmail.com

gargorey4@gmail.com

Regional political analysts

2/3/2019

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip