Caynaba Media Group

Sababta Xoghayaha Difaaca UK U Baajiyey Booqasho Uu Muqdisho Ku Tagi Lahaa Oo La Shaaciyey

0
Saturday January 12, 2019 - 11:59:52 in Wararka by saleban Cilmi
  • Visits: 301
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Sababta Xoghayaha Difaaca UK U Baajiyey Booqasho Uu Muqdisho Ku Tagi Lahaa Oo La Shaaciyey

    Sababta Xoghayaha Difaaca UK U Baajiyey Booqasho Uu Muqdisho Ku Tagi Lahaa Oo La Shaaciyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sababta Xoghayaha Difaaca UK U Baajiyey Booqasho Uu Muqdisho Ku Tagi Lahaa Oo La Shaaciyey

Xoghayaha Difaaca dalka UK Gavin Williamson ayaa lagu waramayaa in uu baajiyay safar uu ku iman lahaa magaalada Muqdisho iyo kulan lagu waday in uu la qaato madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida lagu daabacay Wargeyska Independent ee ka soo baxay dalka Britain.

Taa badalkeeda Gavin Williamson ayaa booqday magaalada Hargeysa isaga oo kulan la yeeshay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ay ka wada hadleen arrimo u badnaa xoojinta xiriirka labada dhinac.

In xoghayaha difaaca dalka Britain uu baajiyo safarkiisii Muqdisho ayaa lagu micneynayaa khilaafka ka dhashay go’aankii dowladda Soomaaliya dalka ugu ceydhisay wakiilkii Qaramada Midoobey ugu baabilsanaa siyaasada Soomaaliya Nicholas Haysom oo ay dowladda ku eedeysan in uu ka baxay nidaamkii Diblomaasiyadda.

Dowladda Soomaaliya wali kama aysan hadal warka ku saabsan xoghayaha difaaca uu ka baaqday safar uu ku iman lahaa Muqdisho iyo sida ay u aragto safarka uu ku tagay magaalada Hargeysa.

Sidoo kale ilaa iyo haatan dowladda Britain kama aysan hadal hadii xoghayahooda difaaca uu markii horeba doonyay in uu Muqdisho ka dago iyo in socdaalkiisu uu ahaa halka uu tagay ee Somaliland.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip