Caynaba Media Group

Nin diyaarad kasoo dhacay baa igu dhacay !!!!! ( sheeko maad iyo xikmada) Qalinkii Cabdi Caawiye

0
Wednesday January 02, 2019 - 10:45:18 in Maqaallo by saleban Cilmi
  • Visits: 183
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin diyaarad kasoo dhacay baa igu dhacay !!!!! ( sheeko maad iyo xikmada) Qalinkii Cabdi Caawiye

    Nin diyaarad kasoo dhacay baa igu dhacay !!!!! ( sheeko maad iyo xikmada) Qalinkii Cabdi Caawiye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin diyaarad kasoo dhacay baa igu dhacay !!!!! ( sheeko maad iyo xikmada) Qalinkii Cabdi Caawiye

Nin diyaarad kasoo dhacay baa igu dhacay !!!!! ( sheeko maad iyo xikmada)

Qalinkii Cabdi Caawiye

 

Waa mid run ah oo ka dhacday dhulka kan aynu ku nool nahay gaar ahaan Hargeysa waxayna ahayd sidan:-

Maalin maalmaha ka mid ah Abaaro 4:00 galabnimo ayaa waxa cisbitaal ku yaala magaalada hargeysa la keenay Nin aad u burbursan oo lafo badani burureen oo (coma) ama miyir beel ku jira hadba sidaad u taqaano'e markii loo sameeyey dhaqdhaqaaq caafimaad oo xooga oo laga badalay dharkii oo laga nadiifiyey dhiigii badnaa ee ka dhacay qaliina lagu sameeyey ayaa lagu soo celiyey waadhkii jajabka isagoo meel walba ay kaga duuban tahay (FAASHAD) ama baandhays ama goos hadba waa sidaad u taqaano'e markii waadhkii la dhigay dhamaan dadka waadhka jiifa waxa xiskooda miranaayey tolow ma gaadhibaa jiidhay, tolow ma baabuurbuu ka dhacay, tolow ma fooq buu kasoo dhacay, tolow ma gidaarbaa ku dumay iyagoo dadkii la yaaban ninkan waxa intan leeg ee ku dhacay ee sidan u burburiyey ayaa ay habeen noqotay oo intii seexanaysay iska seexatay intii taahaysayna iska taahday ileen waa dad jajabane.

Markii waagii baryey Nin walbaaba waagii la toosye ayaa dadkii qof walbaaba wuxuu u hamuun qabaa inuu ogaado waxa ninkii ku dhacay.

Markii la bariistay ayuu ninkii dhaq-dhaqaaqay oo koomo iyo hurdo dheer kasoo baxay ayey dadkii isagii oo kaliya cidii la seexatayna quraac iyo jidh maydhasho tagtay ayey dadkii ninkii su'aaleed "walaal maxaa kugu dhacay ee sidan kuu galay." ninkii oo yara dhoola cadaynaaya xanuun badani ka muuqdo ayaa yidhi " WALAL NIN DIYAARAD KASOO DHACAYBAA IGU DHACAY ......... AAAAAX LKN ALXAMDULAH.........!!!!!

Dadkii oo yaaban ayaa inan sariirta ku xigtay jiifay oo lug laga qalay ku celiyey "walal malaha is maydun fahmine maxaa u sabab ahaa nabaradaadan"

Ninkii ayaa ku celiyey walal "Nin diyaarad kasoo dhacay baa igu dhacay dadkii oo la yaaban oo markaa qiray in ninkan jugtii wax u dhintay ayaa waxa ay arkeen inan isaga adeer u ah oo habeenkii la seexaday oo markaa quraac ku maqnaa oo markaa soo galay waadhkii waxayna su'aaleen dadkii "walal maxa inanka ku dhacay "

Wuxuu ugu jawaabay " walal Nin diyaarad kasoo dhacay baa ku dhacay".

Dadkii yaab iyo fajacbaa kusii beermay waxayna waydiiyeen iyagoon aadba u rumaysnayn "oo kii kusoo dhacay mee"

Wuxuu ugu jawaabay wuu iska tagtay lkn waa la garanayaa yaaaaab !!!!!!!

Dadkii waxay is dhacsiiyeen laba Nin oo waalwaalan ayaa is wada.

Duhurkii ayaa markii ay gaadhay waxa u yimid laba dumara waa xaaskiisii iyo walaashii oo dhar iyo qadaba u sida markii ay qadeeyeen ayaa ileen dadkii waa wardoone waxay waydiiyeen dumarkii walal "inanka maxaa sidan u galay" .

Gabadhii waxay u jawaabay "Nin diyaarad kasoo dhacay baa ku dhacay".

Dadkii oo indhaha taagaya oo niyadooda is wada leh xaafadu malaha xaga xiska ayaanay ka fayoobayn ayaa ay gabadhii dareentay dadka wajigoodii oo ay ku tidhi" WALAALAYAAL WAA XAQIIQ WAA WAX DHACAY NINKAYGU WAA INJINEER MARKAA QANDARAAS AYUU KA QAATAY DAWLADA HOOSE EE HARGEISA OO AH BILICDA TAALOOYINKA SI LOO SII QURXIYO MUNASIBADA 18 MAY OO MARKAA SOO DHAWEYD MARKII UU QAATAY QANDARAAS KII AYAA WAXA UU NIN RINJIILE AH U DIRAY DIYAARADA SAARAN HALKII KHAYRIYADA HARGEYSI AHAAN JIRTEY ISAGOO MIDABAYNAAYA AYUU ODEYGAYGA OO HOOS TAAGAN KU SOO SIIBTAY OO DUSHA KAGA DHACAY SIDAASI AYEY WAX U GAADHEEN DADKII QAAR QOSOL LA DAATA QAAR YIDHAAHDA WALAHI ILEEN RUNTIISAY AHAYD OO NIN DIYAARAD KASOO DHACAY BAA KU DHACAY. .......... !!!!!!!!

Xuquuqda Qalinka iyo Sheeka Cabdi Caawiye

Facebook Cabdi Cawiye Ismacil Gunti-Gaab

+2524115877





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip