Caynaba Media Group

CAJIIB:Baarlamanka Afrika Ugu Mushaharka Badan Oo Dalbanaya Mushahar Kordhin

0
Thursday December 06, 2018 - 08:50:38 in Wararka by saleban Cilmi
  • Visits: 92
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CAJIIB:Baarlamanka Afrika Ugu Mushaharka Badan Oo Dalbanaya Mushahar Kordhin

    CAJIIB:Baarlamanka Afrika Ugu Mushaharka Badan Oo Dalbanaya Mushahar Kordhin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

CAJIIB:Baarlamanka Afrika Ugu Mushaharka Badan Oo Dalbanaya Mushahar Kordhin Baarlamanka Afrika Ugu Mushaharka Badan Oo Dalbanaya Mushahar Kordhin

Xildhibaanada Baarlamanka dalka Kenya oo lagu tiriyo in ay ka mid yihiin kuwa ugu mushaharka badan caalamka ayaa weli saluugsan, iyagoo wada qorshe ay ku doonayaan in mushaharka loogu kordhiyo.

Waxaa aqalka baarlamanka ee dalka Kenya horyaalo hindise sharciyeed qabyo ah oo ay soo jeediyeen guddiga xildhibaanada ee u qaabilsan arrimaha cadaaladda iyo sharciga.

Hindisan oo aan wali la meel marinin, buuq badan ka dhaliyay guud ahaa dalka Kenya ayaa haddii la ansixiyo waxaa uu xildhibanaada iyo guddoonka barlamaanka ee Kenya uu u oggolaanayaa inay helaan lacago gunnooyin ah.

Xildhibanaada ayaa heli doona baabuur, guri, shidaalka baabuurka, caymiis dhanka caafimaadka iyo lacago gunnooyin ah marka ay aadaan safarada dalka dibadiisa.

Xildhibanaada ayaa haatan mushahar ahaan u qaata lacag ku dhaw toban kun oo dollar bil walba

Dalabka xildhibanaada ayaa dad qaar waxay u arkaan inuusan munaasab aheyn xiligan ayaa waxaa ka hadlay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo sheegay in mudanayaasha ay dib uga fikaraan, damacoodana hoos u dhigaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip