Caynaba Media Group

SIR Fashilantay: Higsigeena Guud Iyo Han Yarida Madaxweynuhu,Waaba Laba Kala Haab Ah.

0
Friday November 09, 2018 - 13:54:37 in Maqaallo by saleban Cilmi
  • Visits: 100
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SIR Fashilantay: Higsigeena Guud Iyo Han Yarida Madaxweynuhu,Waaba Laba Kala Haab Ah.

    SIR Fashilantay: Higsigeena Guud Iyo Han Yarida Madaxweynuhu,Waaba Laba Kala Haab Ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SIR Fashilantay: Higsigeena Guud Iyo Han Yarida Madaxweynuhu,Waaba Laba Kala Haab Ah.

Dhammaan Reer Jaamac Aw Cabdi, Reer Gudhane, Waxay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay: Marxuum Abdiraxman Haji Cali Bootan oo ku geeriyoodey Wadanka India. Iyagoo Marxuumka ILaahay uga baryaya inuu Naxariistii janno ka waraabiyo. Qoyskii, Ehelkii iyo Qaraabadii uu ka baxayna uu ka siiyo Sammir iyo iimaan…. aamiin

Aabo Abiib Jamac iyo Hooyo Sahra Cali Libaax iyo dhamaan Ilma Abiib Jaamac, Reer Yusuf Jaamac, Reer Husein Jaamac, Cabdimatan Jamac iyo Ahmed Maxamed Jamac waxay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Dhammaan Ehelka, iyo Qarabadii Marxuum Abdiraxmaan Haji Cali Bootan uu Ka baxay Gaar Ahaan Reer Haji Cali Bootaan. Iyagoo Marxuumka ILaahay uga baryaya inuu naxariistii janno ka waraabiyo. Qoyskii, ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna uu ka siiyo Sammir iyo iimaan…. Aamiin….Aamiin….Aamiin….Aamiin….Aamiin

Maalmihii Ugu Danbeeyay Waxa Badiba Goobaha Dadwaynuhu Ku Kulmo Ee Magaalada Hargaysa La Isku Dhaafsanayay Xogo Cusub Oo Dhab Ahaan Bulshada Intii Maqashay Ay Si Weyn La Yaab Iyo Amakaag Uga Muujiyeen.

Xogahan Cusub Oo Laga Soo Xigtay Xubno Miisaan Leh Oo Ka Tirsan Golayaasha Xeer Dejinta,Isla Markaana Ay Si Aad Ah Isugu Dhow Yihiin Madaxweynaha Waxay Daboolka Ka Qaadeen,In Dhowr Tallaabo Oo Xukuumada Muuse Biixi Qaadday Horraantii Xil Qabashada,Uu Ahaa Qorshe Cad Iyo Yool Hoggaanka Xisbigaasi Siiba Madaxweynaha Iyo Saaxiibkiisa M. Kaahin U Qorshaysnaa Oo Uu Ku Talo Galay Inay Qayb Ka Noqdaan,Hawlagalada Ay Fulinayaan Bilaha Ugu Horreeya Sanadka Cusub Ee 2018.

Talaabooyinkaasi Uu Meel Marintooda Madaxweynuhu Ku Taamayay Bilihii Ugu Horreeyayna Fulay Waxa Ka Mid Ahaa.

1-Isbedel Gun Iyo Baar Ah Oo Lagu Sameeyo Madaxda Waaxaha Iyo Qaybaha Wasaaradaha:

Maaliyadda

Caafimaadka.

Duulista Iyo Hawada

Iyo Warfaafinta.

Hadaba In Xukuumad Cusubi Isbedel Ku Samayso Nidaamka Maamul Ma Aha Wax Lala Yaabo Waana Wax Caadi Ah,Oo Ujeedadu Tahay In Wax Lagu Hagaajiyo,Hase Yeeshee Waxa Bulshada Intii Maqashay Liqi Kari Wayday,In Amarkaasi Madaxweynaha Uu Si Gaar Ah Hoosta Uga Xariiqayay In Shakhsiyaad Shaqaale Ka Ah Saddex Ka Mid Ah Wasaaradahaasi Bannaanka Laga Dhigo Shaqada Ay Ka Hayaan Hay’adahaasi Sida:

Duulista Hawada=60 Xubnood

Maaliyada=21xubnood

Warfaafinta 9 Xubnood Masuuliyiin Ah Iyo 3 Shaqaale Ah.

Masuuliyiintii Madaxweynuhu U Igmaday Maamulka Hay’adahaasi Aynu Soo Sheegnay Waxay Wakhti Yar Uun Kadib Kolkii Ay Maamulkii Hay’adahaasi La Wareegeen Isla Markaasina Qaateen Waqti Ay Shaqaalaha Ku Kala Bartaan,Waxay Si Toos Ah U Guda Galeen Fulinta Awaamiirtii Hoggaanku Faray,Balse Si Aanu Bartilmaameed Koogu Ugu Muuqan Mid Qayaxan, Si Xeelad Farsamo Ku Ladhan Tahay Waxay Shakhsiyaadkii Yoolkoogu Ahaa Ugu Badhxeen Qaybo Ka Mid Ah Shaqaalaha Oo Aan Iyagu Qorshaha Ku Jirin, Kuwaasi Oo Gebi Ahaanba Iyagoo Isku Duuban Banaanka Laga Dhigay Shaqada.

Run Ahaantii Hadaba Kolkii Wararkaasi Soo Baxeen Soona Gaadheen Goobaha Inta Badan La Isugu Yimaado,Waxa Uu Noqday Mid Si Aad Ah Dadka Qaybiba Tafsiir Gaara Ka Bixiso, Khaasatan Laba Ka Mid Ah Wasaaradahaasi,Oo Kala Ah Maaliyadda Iyo Warfaafinta, Oo Dadwaynaha Qaarkood Qirayeen Inay Jirtay,Xubno Hoggaanka Xisbiga Kulmiye Calaamad Saareen,Xilligii Ay Isku Dhaceen Xukuumadda Siilaanyo Iyo Hoggaanka Xisbiga, Sida Weriyayaal Barnaamijyo Ay Aad U Dhibsan Jireen Masuuliyiinta Kulmiye,Hiil Toos Ahna U Arkayeen Oo Laga Baahin Jiray Tv-Ga Qaranka Iyo Radioga,Sii Deyn Jiray,Kuwaasi Oo Gacan Yarayaashii Muuse Biixi Ee Wakhtigaasi Oo Uu Ka Mid Yahay Wasiirka Maaliyadda Iyo Agaasimaha Mucaawinooyinka Faysal Cali Sheikh U Diiwaan Gelin Jireen Madaxweynaha,Weliba Isagoo Agaasimahaasi Xil Ka Haya Xukuumadii Siilaanyo.

Halka Wasaaradda Maaliyada Iyadana Ay Hoggaanka Xisbiga Bar Tilmaameed U Ahaayeen Xubno Ka Mid Ah Masuuliyiinta Waaxaha Oo Qaarkood Ay Haween Yihiin.

Xogahan Ayaa Intaasi Ku Daraya, In Mid Ka Mid Ah Wasaaradahaasi Madaxweynuhu U Diray Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha,Muddo Ka Dibna uu Booqday Madaxweynuhu Kana Jeediyay Hadal Af Gobaadsi Ah Oo Uu Ku Muujinayo Inuu Ka Xunyahay Dadka Laga Joojiyay Shaqada,Isla Markaana Ku Baa Bi’inayo Ku Lug Lahaanshihiisa,Balse Xaqiiqadu Ahayd Isagoo Cabsi Ka Muujiyay,Inay Fal Mucaaradnimo Ah Oo Ka Dhan Ah Xukuumadiisa Ku Tallaabasadaan weriyaashii ka hawlgelayay halkaasi.

 

Si Kastaba Ha Ahaatee Waxa Falanqaynta Xogtaasi Dadweynaha Qaarkood Ka Muujinayeen Dareen Cadho Leh Oo Kaga Biya Diidayaan Sababta Shakhsiyaad Loo Igmaday Hoggaaminta Qaranka Lagana Sugayo Waxqabad Ummadda Kaafiya Ay Garashadoodu Hoos Ugu Soo Celisay Inay Dad Shaqaale Ah Hawlahoodii Kaga Aar Goostaan, Utun Hore.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip