Caynaba Media Group

Hantaaqada Loo Gaystay Hantida Umada Somaliland

0
Monday November 05, 2018 - 07:39:28 in Maqaallo by saleban Cilmi
  • Visits: 58
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hantaaqada Loo Gaystay Hantida Umada Somaliland

    Hantaaqada Loo Gaystay Hantida Umada Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hantaaqada Loo Gaystay Hantida Umada Somaliland

Hantaaqada loo geystay hantidii ummada:

Hargeysa Women’s club

Hooyo Haweeya Cabdi Mooge (IHUN)

Bahda Mareegaha Farshaan

Noofember, 2018

Hordhac:

Image result for hargeysa women's clubBishii Noofember 13dii, 2017kii ayaa dalka Soomaaliland waxaa ka dhacdey doorashadii madaxweynaha iyo madaxweyne ku xugeenka. Waa dhaqan ay doorasho kasta oo aduunka ka dhacdaa leedahayee xanaf iyo inay isku maandhaafaan xisbiyada natiijadii doorashada ayaa timid. Hase yeeshee dacwad loo gudbiyey maxkamada ma dhicin, sidaa darteed ayey maxkamada qaranku go’aamisay in musharaxiintii Xisbiga Kulmiye ku guulesyteen doorashadaa. Sidaa darteed waxaa dalka Soomaaliland loo caleemo saarey Mudanayaasha Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil "Saylici " inay siday u kala horeyaan u kala noqdaan madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen.

Maalmo ka dib ayaa madaxweyne Muuse Biixi soo saarey warbixin ah in qof kasta oo xil ka qabta xukuumadiisa uu soo bandhigi doono hantidiisa gaarka. Tani waxay aheyd ugub oo dadkii way soo dhaweeyeen, aadna way ugu riyaaqeen, hase yeeshee waxay noqotay hadal loo bogay oo fulintiisii laga gaabiyey.

Mar kale ayaa wasaarada hawlaha guud iyo guryeyntu u soo bandhigtay qorshe ay ku ururinayso xogta hantida qaranka. Sida caadada u ah dadka wanaagsan ee reer Soomaaliland ayaa soo dhaweeyey una hanqal taagey hirgalinteeda. Axaa markaaba maanka dadweynaha dhex jibaaxey in la bdabaqabanayo boobka hantida ummada waxii hadhay, sidoo kalena laga dabatagayo intii hore ee si xaq daro ah gacanta ugu gashey dadweyne adeegsadey awood xukuumadeed.

Bishii sebtember 1dii,2018kiiayaa la qabtey xafladii soo bandhigida barnaamijka ururinta xogta qaranka. Waxaa ka so qayb galay madaxweyne Muuse Biixi oo ku amaaney wasaaradaa inay soo bandhigto inay ururinayaan xogta hantida qaranka iyadoo tamarteedu ay aad u yar tahay shaqaale ahaan, dhaqaale ahaan iyo qalab ahaanba, hase yeeshee dal kasta oo hurumay dad baa u kaca oo tabaruc sameeya si ay jiilka danbe uga faa’iidaystaan uguna aayaan sida dalalka la majiirto ee ay ka mid yihiin Maraykanka, Shiinaha iyo Itoobiyadaa jaarkeena ah. wuxuu Madaxweyne Muuse ku bilaabey khudbadiisii: " Aad baan ugu mahadnaqayaa wasaarada inay soo qabanqaabisay barnaamijkan lagu diiwaan galinayo hantida qaranka”.

Isagoo madaxeyne Muuse Biixi sii wata hadalka ayuu yidhi: " Qof kasta oo guri dhisanayaa wuxuu u samaystaa mulkiyad,dee inaga waxaa iangu waajiba inaan mulkiyad u samayno hantidii qaranka.Waayo aragnimadu axay ina tustay in loo haysto wixii dawladu waa bilaash”.

Waxaa kaluu Madaxweyne Muuse faahfaahin ka bixiyey hab-dhaqanka dadka oo iska hor imanaya, wanaagna ay doonayaan in loo halgalo, haddana halwgalkii ayey ja hor imanayaan, siagoo arintaa ka hadlayana wuxuu yidhi:

"Dadku laba arimood oon is waafaqsaneyn ayey naga doonayaan wax noo nidaami oo wax noo qurxi iyo buurtaa anigaa leh oo amar qaadan, wanaagna wuu naga doonayaa, qaabkii wax loo wanaajinayeyna wuu diidayaa, ama waxaabu la soo istaagayaa dawladu way ku cadaadineysaa”

Ka dib khudbado laga jeediyey goobtaas, ayaa wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta mudane …. Oo sidoo kale soo bandhigay in shaqaalaha look ala dirayo gobolada dalka si ay u soo ururiyaan xogtaas.

Bulshada reer Soomaaliland oo aad u soo dhaweysay qorshahaas ayaa markiiba waxaa maankooga ku soo maaxey boogtii dambweysay. Waxaa markaliya bulshadu ku wada dhawaaqdey dugsigii dhaqaalaha ee Xaaji Haweeya iyo ardeydii wax ka baraneysay ayaa Illaahay u soo diray gargaar. Waxaa wali maankooga ku soo maaxaya weedhihii uu markii la dumiyey dugsigaa uu ku dhaaaqey mid ka mid ah macalimiinta dugsigaasi oo yidhi: " Hooyo wax la barey waa qaran wax la barey. Axaan filayaa xukuumada waxaa u hadhey inay masjid Jaamaca Hargeysa iibiyaanee ee kaalaya oo iibiya”.

Axay aheyd weedh runtii bulshada daneeya, garanaya wiimaha waxbarashada iyo kaalinta uu dugsigaasi kaga jiray bulshada ku reebtay uur ku taalo. Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal (IHUN) oo ogaa halgankii aqooneed ee ay Hooyo Haweeya Cabdi Mooge(IHUN) soo gashey iyo kaalinta ay bulshada ku laheyd ayaa dugsigaa si gaar ah u hoos keenay wasaarada waxbarashada, kuna caleemo saarey in lagu sharco hooyada ummada ee Haweeya. Asiirkii wasaarada waxbarashada ee xilligaa mudane Axmed Yuusuf Ducaale oo aanu kawareysaney ayaa yidhi:” Dugsigaa waan ogaa aasaaskiisii, sidoo kale waxaanu la soconay kaalinta midho dhalka ah ee ay hooyo Haweeya ku leedahay bulshada iyo waxbarashada haweenka, sidaa darteed daryeel agab iyo dhaqaale ayaanu u fidinay dugsigaasi”.

Dadka xilligii la unkay ama sidii lagu bilaabey ogaa dugsigaa waxaa ka mid ah Eng. Maxamed Xaashi Cilmi. Mar uu ka falcelinayey weedhii uu ka jeediyey madaxweyne Muuse Biixi madashii lagu soo bandhigayey qorshaha ururinta xogta hantida guud ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi ""Hantidan Umadda ee la yidhi hala diiwaangaliyo waa Shay loo baahan yahay, kolkaa Dawaan-galinta illaa waxa kujiraysa Xaruntii Women’s Clubka ee la dumiyay ayaa ku jiraysa waxyaabaha aan ka filayno in lasoo Celiyo”.

Dadka aad u daneeya ilaalinta hantida siiba goobaha aqqn korodhsiga ayaa hadalheynta ku badiyey in uu mudane Muuse Biixi ku dhiiran doono ku soo celinta gacanta dalada meelaha ay ka mid yihiin Dugsiga Xaahi Haweeya (Hargeisa women’s club), Madashii Kaydka buugaagta ee Gaandhi, Guriyihii la isku qoray,iwm. Haddii aaaney iman dhiiranaanta la filayo , tanina waxay la mid noqon doontaa qawda maqahii oo waxba ha u qaban. Hase yeeshee in laga hor dhaco ma wanaagsana, waana guul la filayo inay hirgasho, oo la helo rag dhiiranaanta intaa leeg leh. Ididiiladu ma xumo oo durba lagu diirsey soo celinta haamaha shiidaalka, baa’biinta shirkadihii gaarka loo lahaa ee madaarka Cigaal International,iwm.

Image may contain: one or more people and people standingSida la wada ogsoon yahay Dugsiga Xaaji Haweeya wuxuu jaar wadaag wanaagsan la lahaa guriga uu lahaan jiray Cali Jirde (IHUN). Waxaaney ku wada joogeen nabad iyo caano, hase yeeshee iminka dugsigaasi inta la burburiyey ayaa lagu daray oo wakhtigan uu barxad gaadiidka la dhigto looga dhigay Huteelka Aamina Weris ee Jirde Hotel. Tani axay huteelka summad uga dhigaysaa inuu yahay "Huteelka Booli Qaran”. Waxaa kaloomurugo iyo ciil leh in ardeydii dugsigaasi oo xilligaasi 2015kii ku dhaweyd 2000 (laba kun) oo ardey la kala direy ilaa iminka ay ku maqan in dugsigii la dayac tirayo.Waxaana go’aankaa soo jeediyey oo xilligaa ahaa wasiirka waxbarshada Faarax Cilmi Geedoole oo haystay amarka xukuumadii Siilaayo. Ummadaasaa la leeyahay horumar ha gaadho!!!

Haddaba waxaynu si gaar ah u guda gali doonaa taariikhda dugsigaa la odhan jiray Women’s Club,kuna danbeeyey magaca Dugsiga dhaqaalaha haweenka ee Xaaji Haweeya iyo taariikh halgameedkii Xaaji Haweeya(IHUN).

La soco qaybaha danbe..

Fu’aad Sheekh

Bahda Mareegaha Farshaxan

www.farshaxan.com iyo www.farshaxan.org

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip