Caynaba Media Group

5 Faa"iido Oo Laga Helo Socodka Lugta Ah W/D Cabdirashiid Axmed

0
Monday November 05, 2018 - 07:14:53 in Maqaallo by saleban Cilmi
  • Visits: 61
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    5 Faa"iido Oo Laga Helo Socodka Lugta Ah W/D Cabdirashiid Axmed

    5 Faa"iido Oo Laga Helo Socodka Lugta Ah W/D Cabdirashiid Axmed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

5 Faa"iido Oo Laga Helo Socodka Lugta Ah W/D Cabdirashiid Axmed

Wakhtigan casriga ah ee haatan la joogo ha la yaabin hadii dhakhtar intaad u tagto uu kuu qoro socod lugta ah halki aad daawo ka sugaysay saabtooo ah waxa jira waxyaalo badan oo faa’iido caafimaad inoo leh oo
aynaan fahansanayn balse way badan yihiin faa’iidooyinka socodka lag helo laakiin Halkan waxan ku soo koobay liis shan qodob ah ah oo kawaramayaa faa’iidada socodka lugtu leeyay.

 

1. Wuxuu ka hortagaa in uu miisaanka jidhku uu kor u kaco .Cilmi


baadhayaal ka tirsan Harvard ayaaa daraasad cimli ah ku sameeyay in ka
badan 12,000 oo qof si ay u go'aamiyaan faa’iidada socodk lugta ah
leeyay waxaany daraasada ku xaqiijiyeen in uu miisaanka qofk hoos u
dhigo islamarkaana faa’iido dhab ah u leeyay dadka cayilan ama buur
buuran .

2. Labo daraasadood oo ka socdey Jaamacadda Exeter ayaa lagu
ogaaday in socodka 15-daqiiqo uu xakamayn karo xiisadaha shukulaatada
iyo xitaa yaraynta xaddiga shukulaatada iyo macmacaanka kale ee aad
cunayso sidoo kale waxa lagu oogaaday in uu yareeyo xaaladaha walaaca
iyo diiqada daraaasadii u dambaysay ee ay sameeyeen waxay
xaqiijinaysaa in socodku uu yareeyn karo jahawareerka iyo isku buuqa.

3. Wuxuu yareeyaa halista kansarka naasaha cilmi-baadhayaashu waxay
horey u ogaadeen in wax kasta oo jimicsi jidheed ahi uu ka dhigaayo mid
hooseeya halista kansarka naasaha Laakiin cilmi-baadhis Maraykan ah oo
Kansarka ah ayaa lagu ogaaday in dumarka todoba saacadood ka badan
toddobaadkii socda ay 14% ka hooseeyo halista kansarka naasaha marka
loo eego kuwa soconayay saddex saacadood ama in ka yar toddobaadkii.

4. Daraasado badan ayaa lagu ogaaday in uu socodka yareeyo xanuunka
arthritis-ka ee kala goysyada ku dhaca socodka shan ilaa lix mayl
toddobaadkii xitaa wuxuu ka hortagi karaa arthritis-ka inuu haleelo jidhka
hadaba Socodku wuxuu ka ilaaliyaa kala-goysyada – gaar ahaan jilbaha
iyo miskaha xanuuno kala duwan.

5. Socodku wuxuu xoojiyaa difaaca jidhka sida oo kalena Socodka ayaa
xilliga qaboobaha kaa caawin kara in uu kaa ilaaliyo hargabka Daraasad
ku saabsan xanuunada qaboobaha oo lagu sameeyay in ka badan 1,000
qof oo rag iyo dumar isugu jira ayaa lagu ogaaday in kuwii socday ugu
yaraan 20 daqiiqo maalintii ugu yaraan 5 maalmood usbuucii inay
haystaan ​​43% maalmo yar oo xanuun ah marka loo eego kuwa aan ku
dhaqmin wiiggii ama in ka yar socoda.

W/D: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed (Dalmar)

Suxufi madax banaan
Hargeysa somaliland

Emil: Cabdiraxmaan800@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip