Caynaba Media Group

" Kalmada Tanaasul Ee Uu Isticmaalay Gudoomiye Ciro Waa Sax .." Prof Cabdi Cali

0
Tuesday October 23, 2018 - 13:02:30 in Wararka by saleban Cilmi
  • Visits: 283
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    " Kalmada Tanaasul Ee Uu Isticmaalay Gudoomiye Ciro Waa Sax .." Prof Cabdi Cali

    " Kalmada Tanaasul Ee Uu Isticmaalay Gudoomiye Ciro Waa Sax .." Prof Cabdi Cali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

" Kalmada Tanaasul Ee Uu Isticmaalay Gudoomiye Ciro Waa Sax .." Prof Cabdi Cali Marka laga tago kaftankiisa dacaayadda

ah ee uu hoosta ka tuuro had iyo jeer, wuxu caddeeyey in uu ogol yahay horena u ogolaaday natiijada doorashada.


Xagga luqadda haddii aynu eegno, marka Mareykan ama Ingiriiska tartan doorasho ka dhaco, kalmadda uu isticmaalo ninka laga helo doorashada waxa weeye I conceded or I made concession, taas macnaheeduna afka carabiga haddaad ka baadho qaamuusi English-Arabic ah waa tanaasul; Sidaa darteed kalmadda tanaasul ee uu isticmaalay Guddomiye Cirro waa ku sax



 

 

macnaha ogolaanshada natiijada.

Anigu wali ma maqal, intaan dhegaysanayay wararka doorashooyinka, qofka laga guulaystay oo isticmaalaya kalmadda I accepted, oo macnaheeda tooska ahi yahay waan aqbalay.


Dhinaca kale, haddii qofka laga guulaystay aqbalo natiijada, inkasta oo uu wax tabanayo; taasi waxba u dhimi mayso sharcinimada natiijada; waxaad ogtahay Hillary Clinton-ba in aanay ku qancin natiijadii Trump madaxweynaha ku noqday, oo illaa immika ay ka xun tahay, haddana taasi waxba umay dhimin M/weynennimada Trump, mar hadday ogolaatay natiijadii doorashada.


Waxa kale oo aan idin xasuusin lahaa waxa jiray go'aan maxkamadda sare soo saartay, ka dib markii ay gudbin waayeen wax dacwad ah xisbiyada laga guulaystay muddaddii loogu talagalay, kaasoo ayiday natiijadii Komishanku ku dhawaaqay, sidaa darteed, waxa muuqata in aan halkaas wax lagu sii tiigaalaa ku jirin, ee aynu hore u socono , oo yaaan dib danbe lay noo maqlin innagoo raadkeena dib u raacayna..


Cabdo, U dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga..



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip