Caynaba Media Group

Qarmda Midoobay Oo Iran Iyo Imaaraadka Carabta Ku Eedeeyay Maalgalinta Ururka Alshabaab

0
Thursday October 11, 2018 - 18:32:50 in Wararka by saleban Cilmi
  • Visits: 133
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarmda Midoobay Oo Iran Iyo Imaaraadka Carabta Ku Eedeeyay Maalgalinta Ururka Alshabaab

    Qarmda Midoobay Oo Iran Iyo Imaaraadka Carabta Ku Eedeeyay Maalgalinta Ururka Alshabaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarmda Midoobay Oo Iran Iyo Imaaraadka Carabta Ku Eedeeyay Maalgalinta Ururka Alshabaab

Warbixin aan weli la shaacin, oo ay soo saareen kooxda indho-indheynta cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ee loo yaqaano "Monitoring Group on Somalia and Eritrea” ayaa lagu sheegay in Imaaraadka iyo Iran ay ku tunteen cunaqabateyntaasi.

 

 

Qoraalka oo la hor dhigay khubaro UN-ka ah waxaa ku jiray in Imaaraadka Carabta ay Iran u isticmaalaan Transit-ka dhuxusha ka timaada Soomaaliya, kadibna ay ka faa’ideystaan.

 

 

Warbixintan cusub, ay soo daabacday Reuters waxaa ku jiray in Iran ay dhuxul ka qaadato Al-shabaab iyaga oo ku dhejiya shahaadooyin been ah oo la xiriira dalka ay ka timid si looga gudbiyo dekadaha Imaaraadka. Marka dhuxusha ay gaarto Iran, dalkaasi uu dib u geliyaa baakado cusub, iyaga oo ku qoraayo in dhuxusha laga soo saaray Iran, una iib geeya Imaaraadka Carabta.

 

 

Qoraalka waxaa kale uu sheegay in Imaaraadka ay sii wadaan dhismaha sharci-darrada ah ee Saldhigga Militari iyo Madhaarka Berbera.

 

 

Isla warbixinta waxaa lagu sheegay in Imaaraadka ay la wareegeen hub iyo saanad kala duwan oo ka timid dalka Yemen

 

 

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Al-shabaab ay dhuxusha sanadkii ka helaan $150 Milyan.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip