Caynaba Media Group

Daabacaada Labaad ee Buugga Kayd oo La Soo Bandhigay iyo Erayo Laga Yidhi Sumcadda Uu Somaliland U Soo Jiiday

0
Monday October 08, 2018 - 11:11:12 in Maqaallo by saleban Cilmi
  • Visits: 106
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daabacaada Labaad ee Buugga Kayd oo La Soo Bandhigay iyo Erayo Laga Yidhi Sumcadda Uu Somaliland U Soo Jiiday

    Daabacaada Labaad ee Buugga Kayd oo La Soo Bandhigay iyo Erayo Laga Yidhi Sumcadda Uu Somaliland U Soo Jiiday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daabacaada Labaad ee Buugga Kayd oo La Soo Bandhigay iyo Erayo Laga Yidhi Sumcadda Uu Somaliland U Soo Jiiday

"Buuggani waxa uu noqday Hantida Qaran iyo Hadyadaha aynu Bulshada caalamka u hibayno” Cabidlaahi Geeljire .

Daabacaad labaad ee Buugga Kayd Deegaan oo ay qortay Nuural-Huda Cali Banfas ayaa xalay lagu soo bandhigay munaasibad lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Munaasibadan oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin iyo dadweyne tiro badan ayaa khudbado halkaasi laga jeediyey waxa lagu xusay doorka uu buuggani daabacadiisi koowaad ka qaatay kor u qaadista sumcada Somaliland iyo sida ay muhiimka ugu tahay in dhalinayarada Somaliland ku dhiiradaan curinta waxyaabo dalkooda anfaca.

Qoraaga Buugga Kayd Deegaan oo munaasibadaaasi hadal ka jeedisay ayaa xustay in dedaalka ay buuggan u gashay ahaa sidii ay bulshada caalamka ugu gudbin lahayd quruxda Somaliland.

Qoraagga oo arrimahaasi ka hadlaysaa waxa ay tidhi "Buuggani waxaan ku soo bandhigay Qoraalo iyo sawiro ka hadlaya Somaliland deegaanadeeda, waxaanan doonayaa inaan bulshada caalamka u bandhigo quruxda dalkeena, bulshadeenu barigii hore deegaanka quruxdiisa ayey gabayada ku soo bandhigi jireen, taasi ayaan u bedelay xirfadaydii sawir qaadista inaan quruxda deegaankeena ku soo bandhigo”.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha dibada Somaliland mudane Liibaan Yuusuf Cismaan oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay muhiimada uu buuggani u leeyahay Somaliland, isaga oo xusay in buuggani qayb ka noqday taageerada shaqadooda.

Wasiir ku xigeenka oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi "Buuggani waa mid muhiim u ah qadiyada Somaliland ee aynu dedaalka ugu jirno inaynu dunida ka dhaadhicno, mar walba oo aan safrayo shandadayda aan dharka ku qaato buuggani qayb ayuu ka yahay waanan uga mahadcelinayaa qoraaga buugga”.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Dawladdii Madaxweyne Siilaanyo, Cabdilaahi Cismaan Geeljire oo isna munaasibadaasi ka hadlay ayaa tilmaamay muhiimada uu buuggani bulshada u leeyahay, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi "Buuggani waxa uu soo bandhigayaa quruxda deegaanka Somaliland, waxaanu noqday Hantida Qaran iyo Hadyadaha aynu Bulshada caalamka u hibayno”.

Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Xuseen Buuni, Badhasaab ku xigeenka gobolka Maroodijeex Khadar Barud, Macalin ka socday Jaamacadda Jigjiga iyo masuuliyiin kale, iyaguna munaasibadaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu buuggani leeyahay.

Buuggani Daabacadiisa labaad la soo bandhigay oo lagu soo kordhiyey qayb luqada Ingiriisiga ku qoran iyo deegaano aan kii hore ku jirin ayaa waxa uu ka hadlayaa deegaanada Somaliland, isaga oo ku soo bandhigaya qoraal iyo sawirro.

Buugga Keyd Deegaan oo ay Qortay Huda Cali Banfas, kaasi oo sumcad weyn u soo jiiday Somaliland, isla markaana noqday buugga ugu saameynta badan ee ay masuuliyiinta iyo muwaadiniinta Somaliland marka ay bulshada kale ee dunida u sharxaayaan quruxda deegaanka Somaliland u hadiyeeyaan ka mid ahaa Hadiyadihii u waaweynaa ee uu Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) guddoonsiiyo Raysal wasaarihii hore ee Itoobiya, munaasibad madaxweyne Siilaanyo lagu sagootinayey oo ka dhacday xafiiska raysal Wasaarihii hore ee Itoobiya Hailamariam Desale.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip