Caynaba Media Group

Majare-habaabinta & Muranka Xeerka Kufsiga Somaliland

0
Monday October 01, 2018 - 09:38:55 in Maqaallo by saleban Cilmi
  • Visits: 108
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Majare-habaabinta & Muranka Xeerka Kufsiga Somaliland

    Majare-habaabinta & Muranka Xeerka Kufsiga Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Majare-habaabinta & Muranka Xeerka Kufsiga Somaliland

Majare-habaabinta & Muranka Xeerka Kufsiga Somaliland

Hordhac

Kufsigu waa xadgudub bini aadanimo oo foolxun isla jeerkaasna ay ka dhashaan cawaaqib xumooyin tira badan oo bulshada naafeeya haddii aan la xakameyn amaba cida ku kacdaa aanay marin ciqaab adag, noqda mid la iska caadeysto oo galaafta nolosha dad badan oo dhibanayaal ah.

Kufsiga iyo Bulshada ku dhaqan Somaliland

Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga XEER LR.78/2018 oo ay dhawaan ansixiyeen Gollayaasha Wakiilada & Guurtida JSL, saxeexayna Madaxweynaha Jamahuuriyadda Somaliland oo uu muran ba,ani ka taagnaa todobaadadii u danbeeyay.

Xeerkan oo aan akhriyey dhamaan Qeybihiisa kala duwan, qodobadiisa & faqradaha ay ka kooban yihiin marka hore waan bogaadinayaa waanan soo dhaweynayaa madaama ay falalka kufsiga iyo xadgudubka jinsigu isasoo tarayaan sanadba sanadka ka danbeeya laguna xaliyo habab aan munaasab ahayn oo keenaya in lagu dhiirado in falalka caynkaasi sii kordhaan marka talaabo laga qaadi waayo dhib gaystayaasha kiisaska xadgudubyada Jinsiga.

Waxa xuduudaha Somaliland dhexdooda ka dhacday hablo yaryar oo shan (5) jir ilaa sagaal (9) jir u dhaxeeya oo la kufsaday xaaladooda caafimaadna halis gashay amaba u geeriyooday sababo ay falalkaasi keeneen. Sidoo kale waxa dhacdey kiisyo soo gaadhay maxkamadaha dalka oo isugu jira Kufsi & jidh dil ba,an oo loogaysatay haween badan. Maaha uun haween kaliya waxa jira xataa wiilaal yar yar oo la kufsadey! Haa way dhacdey oo Xuduudaha Somaliland gudahooda ayey ka dhacdey.

Taariikhda inta la ogyahey bulshadu way ka dhiidhiyi jirtay falalka la halmaala kuwan aynu hadal hayno, meel adagna waa laga taagnaa taasi waa ta keentay in ay waagii hore yaraayeen balse imika waa danbiyo ka mida kuwa iska caadiga ah ee dhaca.

Mee Geesigaygii, gaarida cisayn jiray?

Gef hadduu ku dhaco dumar, ama inan la gaasiro

Raggu sawkii guban jiray, Hubka sawkii guran jiray

Gabadh ooyda sawkii, Geerida ka xigi jiray

Dhaqankaygii muu go,ay, Hiddihii ma gabax yidhi

Ma goblamay hanaankii, Ma gabawday sharaftii

Haddii dumar guhaad iyo, Guulguule lagu faro

Raggu sawkii gawsaha, Bishimaha ku goyn jiray

Gaban oyda sawtii , Laysugu gar dhigan jiray

Boqol geela iyo qori

Iyo geenyo shaaximan, Golle laysku siin jiray

Dadka galabta noloow, Meeday gudashadeenii?  CITATION Cab l 1033 (Ganey)

Dhibanayaasha Xadgudubyada Jinsi

Dhibanayaasha u badan ee la kulma xadgudubyada Jinsi waa haween waliba da,yar u badan. Kuwaasi oo kaliya aan la kulmin xadgudub jinsi balse ay u raacdo faquuq bulsheed iyo niyad jab balaadhan oo ku keena in nolosha ka dhacaan amaba ay is-dilaan marka ay waayaan cid ku garab istaagta dhibaatada loo gaystay, hab & hanaan sax ah oo ay maraan iyo waliba cid u garawda oo hiil & hooba la garab gasha.

Kaliya maaha haween cida xadgudubyada u badan ee jinsi lagula kaco waxaa iyagu soo raaca caruur lab & dhedig labadaba leh.

Caqabadaha Haysta Dhibanayaasha lagula kacey xadgudubyada jinsi

1.Iyaga oo aan sheegin falka lagula kacay cabsi ay ka qabaan waxa ay la kulmi doonaan.

2.Cida ay u gudbinayaan dacwadooda oo aan xil iska saarin sirta dhibanaha ama aan marin anshixii ku haboonaa ee loo darsi lahaa kiisaska noocan oo kale ah.

3.Iyaga oo aan helin cadaalad u hiilinaysa oo Eedaysanaha/eedaysanayaashana layska sii daayo kadib marka odayaashu ka fadhiistaan arrinka, xaalna la kala qaato.

4.Hanjabaad & hadadaad kaga timaada Dhibgaystaha/gaystayaasha & IWM

Falanqeyn kooban Xeer 78/2018

Xeerkani waxa uu maray jaranjarooyinkii xeer mari lahaa oo labada golle way ansixiyeen madaxweynuhuna wuu saxeexay sidaasi ayuu dhaqan gal ku yahey balse waxa u furan wadada ah in waxkabadel & kaabisba lagu sameeyo sida xeerarka kaleba. oo kollayba afkaar dad & wax ay isku keenkeeneen khalad lagama waayo taasina waa sababta keentay in xeerarka la badbadelo kolba marka ladaaraaseeyo ee la helo goddalooladiisa.

Haddaba aragtidayda waxa jira xeerar ay wax ka khaldanyihiin oo aan laga hadal amaba aan lasii wadwadin sababta u weyn ee xeerkan loo hadal hayaa waa in la doonayo uun in tacadiyada galaaftay nolosha kumaanaan hablood ay iska sii socdaan oo aan talaabo laga qaadin.

Inta u badan waxa xeerkan ka hadlay iimihiisa waa Rag. Raggu maaha cida dhibta u badani kasoo gaadhayso dhacdooyinka la xidhiidha kufsiga, wax walba siyaasad & dano gaar ahaaneed baa laga dayayaa iyadoo ay jiraan duruufo kale oo ay ahayd in sidooda loo qadariyo.

qodobada muranka dhaliyey

Eray bixinta

"Qof aan awoodin in uu ogolaansho bixiyo” waxa loola jeedaa

B. Qof dhallaan ah oo ka yar 15 jir

Sidoo kale waxa iyana ku jirta "Caruur” waxaa loola jeedaa qof da,diisu ka yartahay 18 jir CITATION Xee18 l 1033 (Xeerka Kufsiga, 2018)

Labadaniba eray bixinta ayey ku jiraan waana laba iskhilaafsan waxa qurux badan in la cadeeyo da,da caruurta lagu xisaabinayo iyada oo waliba aan lasoo waaridin uun tii reer galbeedka ee aynu dul istaagno ta aynu u naqaano qofku inuu qaangaadhay oo ah ka yar 15 jir. Sababta oo ah falalka kufsi wadareedyada u badan wadankeena waxa gala dhalinyar u dhaxaysa 14 jir ilaa 17 jir.

Qodobka 4aad oo udhigan sidan

Kufsi

1Qofkasta oo

B.Isticmaalaya xoog, qasab ama hanjabaad kula kaca galmo aan sharci ahayn qof kale oo aan ogalayn raalina ka ahayn

t.Kula kaca galmo aan sharcigu banayn qof kale oo aan awoodin bixinta raali ka ahaanshiyo waxa uu galay fal danbi kufsi, waxaana uu mutayasanayaa ciqaab xabsi ah oo u dhaxaysa shan & toban ilaa labaatan sanadood. CITATION Xee18 l 1033 (Xeerka Kufsiga, 2018)

Qodobkani waxa uu ka mid yahey qodobada aadka carabka loogu soo celcelinayo iyada oo la leeyahay lamaanihii isqabey ayuu saameyn toosa ku leeyahay balse waxa meesha ku jirta kalmada "SHARCI AHAYN”, dabcan dadka is qabaa sharci bay isku qabaan markaa saameyn kuma laha sida aan qabo.

Qodobka 8aad

Ku xadgudub Jinsi

1. Qofkasta oo ay ujeedadiisu tahay kicinta ama qancinta dareenkiisa Jinsi ama dareenka jinsi ee qof kale, si ula kac ah u farareeya jidhka qofkaasi kale oon ogolayn falkaasi, ama qofkaas oo ah cida aan awoodin bixinta ogolaansho; ama ugu qasba qofkaa kale in uu isaga/iyada fara fareeyo; ama ugu qasba cidaa kale in ay is fara fareeyo waxa uu galay fal danbi ah ku xad gudub jinsi, waxaana uu mutaysanayaa xadhig ciqaab u dhaxeeya hal ilaa saddex sannadood. CITATION Xee18 l 1033 (Xeerka Kufsiga, 2018)

 

Qodobkan waxa sii bayaaminaysa in lagu daro wax cad oo kala reebaya dadka sida sharciga ah isu qaba & dadka kale ee ku dhacaya xadgudubyada jinsi.

 

Qodobka 9aad

Guur Qasab ah

1. Qof kasta oo ku xadgudba shurruudaha sharci ee ogolaanshaha ama raali ka ahaanshaha aasaasiga u ah guurka ee ay dhigayaan Shareecada Islaamka iyo Xeerarka dalku ee si xoog ama qasab ah ugu guursada qof haween ah ama fududeeya, qaban qaabiya ama meel mariya guur isagoo aan xaqiijin ogolaanshaha mid ka mid ah ama dhamaan dhinacyada guurku khuseeyo sida ay dhigayaan shareecada islaamka iyo xeerarka dalka, waxa uu galay fal dambi Guur Qasab ah, waxaana uu mutaysanayaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya shan ilaa todoba sannadood.

 

Qodobkani waa gef cad oo diinta islaamka & dhaqankeenaba ka soo horjeeda, Haa way fiicantahay in labada qof ee isguursanaya ogolaansho laga helo balse madaama oo hablaha laysa siin jiray tahayna wax dhaqankeena soo jireen ku ah wax dhibaato ahina aanay ka taagnayn, diintuna aanay xaaraantimayn waxay ila tahey qodobkaa in gabi ahaanba laga tirtiro xeerka amaba aad loo cadeeyo nooca guurka ee qasabka noqon kara.

Qodobka 35aad

Xaaladaha Fududeya Ciqaabta

Xaaladaha hoos ku taxani waxay noqonayaan sababo

fududeeya ciqaabta una ogolaanaya maxkamadda in ay

yareyso ama hoos u dhigto ciqaab la saarayo dambiilaha:

b) Eedeysanaha oo ah qof carruur ah oo da'diisu tahahay 15 ilaa 18 jir;

t) Eedeysanaha oo ah qof da’ah/gaboobey,

j) Eedeysanaha oo ah qof maskaxda ka buka, ama

x) Eedeysanaha oo ah mid la sakhraamiyay ahaana qof sakhraansan markii uu dambiga galayay.

Eedaysanahu haddii uu yahay qof qaan gaadh ah waa khalad waxa looga khafiifiyo ciqaab uu mutaysta waana gabood fal cad oo loo gaysanayo dhibanaha. Sidaa aynu hore u soo tibaaxnay waa in ay cadaato da,da caruurtu aadna looga fiirsado.

 

Eedaysanaha oo ah qof da, ah! Qofka da,da ah ee gartey inuu wax kufsado ama cid dhibaateeyo maxaa looga khafiifinayaa ciqaab u muteystay waa Su,aal da, weyne? Saw hadhaw da’ lagu wada yaaci maayo.

 

Eedaysanaha oo ah mid la sakhraamiyay. Way jiraan kiisas noocan oo kale ah oo dhacey in qof maandooriye loogu daro cabitaan oo ku kaco falal kuwan oo kale ah balse inta danbe ee sii raacsan oo ah "ahaana qof sakhraansan markii uu danbiga galayay” waxa ay jidaynaysaa in la helo marmarsiiyo kale oo ah inuu sakhraansanaa amaba madmadaw keenaya in khamriga & maandooriyayaasha la dhiiri galinayo markaa in inta hore lagu daayo ama aad loo cadeeyo ayaa qurux badan.

 

Xeerkku guud ahaan waxa uu ka kooban yahey 46 qodob in yar oo kamida mooyee inta kale waa qodobo xal u noqon kara dhibaatada hadda ka taagan falalka kufsiga & xadgudubyada jinsiga, inta lagu mashquulayo khaladka maxaa inoo diiday in aynu inta saxa ah ba bogaadino iyada oo aan dabcan wixii khalad ah la dhaafayn.

Mid kalena aynu isla garano waa haddii aynu run kuwada hadalno wadanka Dastuur baa loo sameeyay iyadoo aynu nidhi dimuqraadiyad baynu qaadanay halkii ay ahayd in aynu Kitaabka Alle (SW) qaadano oo aynu dastuur ka dhigano. Taasina waa ta keentay in xeerar uun la wado markaa maanta khaladku muu imane dariiqaynu qaadanay buu ka dhashay.

Dad baa ku doodaya in diinteenu jidaysay in cida falalkan oo kale gaysata ciqaab tan xeerku sheegayo tu kadaran in la mariyo. Bal Allaan idinku dhaarshee ma maqalnay qof gafay oo shareecada Islaamka & kitaabka intoo loo eegay la mariyey wixii uga yaaley?!... Markaa ma maanta markii la yidhi hala xidho ayaynu ka qeylinaynaa? Su,aali waxay iga tahey waagii hore diinta Islaamka miyaynaan haysan maxaa in uun loo arki waayey wadaad ka dhiidhiyaya dhibta taagan ee hablihii tukaanka daqiiqda looga direy ay nabad galyo ugu soo noqon la, yihiin guryahoodii.

 

Kufsi & Sino

Waxa sidoo kale iyana laysla dhex marayaa in xeerkani Sinadii baneeyay, haddii la Sinaysto in lasoo qabqabto (taasi oo aan dhicin wakhti xaadirkan) mooyee maxkamad & dacwad toona layslama yimaado haddii aan ciqaabtii loogu talo galay la marina kollay cidii falkaa gashay ciqaabtii Alle ayey sugayaan balse Kufsi markii la yidhi waa ka duwan yahey waana qof boob lagula kacey iyo mid wax boobay taasi ayaanay ka dhalataa ashkatadu xeerkuna Kufsi ayuu sheegay balse anuu kuma arag meel uu Sino ku jidaynayo.

 

…………………………..

Taariikh gu´weyn oo gu´yaal iyo gu´yaal joogtay


Gashi iyo gardarro joogta iyo gaabsi iyo quudhsi
Gaboodfalka rag noo geystay iyo ciilka nagu gaaxday
Gocashada na haysaa ka badan geedahaa baxaye CITATION htt05 l 1033 (http://www.iftiinka-aqoonta.com, 2005)

 

 

 

Bibliography

 BIBLIOGRAPHY Ganey, C. X. (n.d.). Garasho.

http://www.iftiinka-aqoonta.com. (2005).

Xeerka Kufsiga. (2018).

 

 

 

 

 

 

WQ: Hibo Ciise Maxamed

hibafaakhir@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip