Caynaba Media Group

Somalilandneey Muse wakaa"

0
Thursday September 13, 2018 - 10:00:49 in Maqaallo by saleban Cilmi
  • Visits: 135
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalilandneey Muse wakaa"

    Somalilandneey Muse wakaa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somalilandneey Muse wakaa" Sagaal iyo labaatan sano kadib oo Somaliland ahayd dawlad isku tashatay wax badan qabsatay haday tahay nabad galyada horumarka kaas oo dhinacyo

Sagaal iyo labaatan sano kadib oo Somaliland ahayd dawlad isku tashatay wax badan qabsatay haday tahay nabad galyada horumarka kaas oo dhinacyo badan taabanaaya haday tahay dhismaha wadanka guud ahaan iyo gaar ahaanba haday tahay dhismaha kala duwan kuwa degenaan shaha kuwa ganacsiga wax barashada caafimaadka wadooniynka intaba qaybta ugu badan 97% waxaa halkaas gaadh siiyay waa shacabka Somaliland kaas oo ay kow ka yihiin ganacsatada Somaliland kuwaas amaan ku mudan rutiina ahay ahayd inay dawladu isku garab taagto uugna danbayso wax badan waxaa intaas dheer dhamaan dhaqaalaha dawladu wax ku maamusho waa canshuurta shacabku bixiyo gaar ahaan ganacsatadu

Waxaa nasiib daro ah xukumada uu maanta gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muse Bixii Cabdi inay qaaday wado khaldan taas ah inay ganacsatadii ula dhaqantay sidii dad cadaw ah ama aan dalka xaqiyo xuquuq toona ku lahayn taas oo ku keeni karta ganacsato badan niyad jab iyo qalbi xumo taas oo keeni karta inbadan oo ka mid ah gancsatadu inay ganacsigooda ula wareegaan meel laga soo dhawaynaayo siiba dawladaha dariska ah iyo meelo kale oo aduunka ka mid ah

Hadaan soo qaadano dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee ka dhacay Somaliland sidaynu la socono

1.Warshdihii dalkaka jiray waxaa laga joojiyay dhamaantood canshuur dhaafkii ay dawladu siin jirtay taas oo madaxweynayashii ka horeeyay Muse Biixi ay ahayd siyaasadoodu si loo dhiiri galiyo dadka doonaya inay wadanka maal gashadaan isla’markaana doonaya ina wadanka shaqa abuur ka sameeyaan in loo sameeyo canshuur dhaaf taa badalkeedii Muse Biixi wuu ka joojiyay taas oo ku abuurtay dadkii maal gashiga ku sameeyay dalka niyad jab badan

2. Shirkadihii shidaalkawaxaynu wada ogayn hadaynu nahay shacabka rer Somaliland qurba jog iyo dal joogba markii xukumada kulmiye ee gadh wadeen ka ahaa Axmed Siilanyo markay ku wareejinaysay ganacsadata haamaha shidaalka Berbera sax iyo khalad midkay ahaataba in laga an sixiyay baarlamaka Somaliland isla’markaana heshiis lala galay kaas oo ahaa 25 sano waxnu ognahay gancsatadu xoog kumay qabsan haamaha shildaalka shirkadaha lasiiyay kamay soo jeedin gobal gooniya ama qabiil gooniya kaas oo la odhan kari lahaa cid gaar ah ayaa lagu naas nuu jinayaa taa badakeedii waxay ka koobnaayeen Somaliland oo dhan bari iyo galbeedba markii lasiinayay muse wuxuu ahaa gudoomiyihii xisbi xaakimka kamu soo hor jeedsan si kasta ha ahaatee haduu go,aan saday inuu ka laabto waxay ahayd inuu marka hore si wanaagsan u qanciyo shirkadaha haday dhici wayday waxay ahayd inay looyaro qabsadaan oo maxkamadaha kiis kooda u gudbiyaan soona bandhigaan heshiiskii lala galay lakiin waxaa muuqata inay tanaasu la yimaadeen iyagoo wax badan xeerinaya kuna dhaqmay maah maahdii ahayd hadaan lakala roonaan roob mado siday shirkaduhu ka sheegeen war baahinta waxay soo qorteen kharashkii ka galay haamaha iyo kiradii laga qadimay tiina warkoodii lama siin wax tix galina ama ixtiraam ah badalkeediina waxaa lagu soo rogay amar odhanaaya bisha sagaalkeeda wareejiya iyadoo xoog lagula wareegey haamihii ay gacnta ku hayeen

Siyaasiga Cali Qoryoolay ayaa horey u sheegay kaas oo yidhi qofka digtaatoor ka ahi marka hore wuxuu kaa qaadaa kifirka marka xigtana wuxuu kaa qaadaa maalka wadadii kali talisnimada ayaynu cagta saaray mudo ka badan labaatano waa markii ugu horeysay ee magaalada hargeysa maalin cad laga afduubo gaadhi xamuul ah

Taariikhda Somaliland waa markii ugu horeysay ee jabhad mucaarad ah ka samaysanto Muse ma wuxuu garan waayay wadadii iyo nadaamkii ay ku soo wadeen 29 sano madaxdii ka horeysay misena wuxuu ilawsan yahay inuu kursiga ku soo fuulay codkii dadwaynaha taas oo u badalkeedii mooday inuu afgabi Asgarinimo ku qabsaday arrintaasi taariikhda ayaa sheegi doonta:

 

Maxamed Cabdillahi Axmed

Mohamednasir2002@gmail.com

Columbus Ohio U.S. A




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip