Caynaba Media Group

Taarikhadi somalida Ethiopia (Ogadenia) iyo Xaalda Qasan ee hadda ka jirta maxaa sababay: W/Q Nimcaan cadaani xuseen

0
Sunday September 09, 2018 - 11:43:42 in Maqaallo by saleban Cilmi
  • Visits: 121
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taarikhadi somalida Ethiopia (Ogadenia) iyo Xaalda Qasan ee hadda ka jirta maxaa sababay: W/Q Nimcaan cadaani xuseen

    Taarikhadi somalida Ethiopia (Ogadenia) iyo Xaalda Qasan ee hadda ka jirta maxaa sababay: W/Q Nimcaan cadaani xuseen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taarikhadi somalida Ethiopia (Ogadenia) iyo Xaalda Qasan ee hadda ka jirta maxaa sababay: W/Q Nimcaan cadaani xuseen

Soomaali Galbeed ama dawlad deeggaanka Soomaalida Ethiopia DDSI, waa ismaamul goboleed ku hoos jirra dalka Itoobiya. Maamulkan waxa uu leeyahay madax iyo ciidan u gooni ah waxuuna ku yaalaa Geeska Afrika. Ismaamulka Soomaali galbeed waxay daris latahay Soomaaliland oo ka xigta Jihadda Woqooyiga,bariga, iyo Koonfurta. Koonfur galbeed na waxaa ka xigta dalka kenya, galbeedkana goboladda itoobiya.DDSI waxay ka mid tahay dhulka ay Soomaalidu leedahay ee gumaystihii reer yurub ku daray wadanka Itoobiya.

Ogadenia waxay leedahay taariikh aad u dheer. gumeestihii ingriiska ayaa soo gumaystay dhamaadkii 1890ki, waxaana la dhihi jiray ingriiska somaliland, waxaanu ku daray dalka itoobiya 1897. ingriisku markale ayuu isku dayay innuu ka soo saaro am aka jarro ogadenia dalka itoobiya,waa markii ay ingiriiska iyo talyaanigu aya wadda shaqeyn is kaashi ka dhaxeysay dhexdooda, sidii ay gobolada soomaalida u miday lahaayeen. Dagaalkii Labaad ee Aduunka itoobiya waxay isku dayday in ay qaadato dhulka Eratareya iyo ogadenia. ingriiska dhul yar ayuu ka qaatay ogadenia oo ka bilaawdo, magaalada haawaday ilaa fransiiska somaliland oo hadda la ah dal madax banaan oo loo yaqaan Jabuuti.

Somalida Ethiopia waxay gaadhay horumar dhaqan dhaqaale oo baaxad leh kaas oo ka muuqda deeganka ay dadkaasi degan yihiin, waxa indhaha caafimaadka qabba aanay maranba dafiri kareyn horumarka dhinaca dhismayaasha jidadka, Ceelasha biyaha, iyo wax soo saarka beeraha.

Mudadaas ay jireen waxay gaadheen horumar ku daysho mudan oo ugu muhiimsan yahay dhisida ceelal biyoodayo dhanka kale keydad biyoodyo waaweyn iyo helitaanka biyo nadiif ah.



 

Dhisida adeegayda caafimada kuwaas oo suurto geliyay in dadku iyagoo jooga magaaloyinka ka durugsan caasimada ay helaan caafimadka aasasiga ah sida goobo hooyoyinku ku Umulaan ama ku dhalaan iyo xarumo caafimad oo si heer sare ah uu Qalabeysan.

Arrinka xusida mudan ee uu baahan Akhristaw xusitaanka waxa weeye helitaanka sahankii shidaal ee dhulka somalida ethopia oo noqoaday qorshe midho dhal ah oo lagu guuleystay iyagoo riyadoodi ka midho dhaliyay.

Himilada ah in la hello shidaal waa riyo ama yididiilo mudan in muruq iyo maskaxa wadda jira lagu bixiyo si raasamaalka laga hello bulashadda somalida ethoipa ugu badhaadhaan isla markaa muwaadin kasta oo Ethiopian ah uu helo saamigiisa uu xaqa uu leeyahay.

Hadaba waxa akhristow hurtay colaad huursaneyd oo aan illaa hadda xeel dheeraysha siyaasadda geeska Africa saadaaliya garanahaynin salkeeda iyo qoddabka sabbabay.

Sida ay sheegayaan Qolayaha fallanqeeya Qaarkood waxay ku tibaaxeen Sabbabta keenaty kacdoonka in madaxweyne cabdi maxamuud cumar uu cabudhin iyo hadidaad ku hayay qeyb bulashdiisa ka mid ah, halka kuwo kale ku tilmaamayaan in Reysal wasaare abey ahmed uu wato qorshe siyasaadeed oo Tabban ama ka soo horjeeda bulashda qaarkeed Aaminsantahay ,

Kaas oo odhanaya Kheyraadka Ethopia in loo siman yahay oo somalida ay gaar uu heli doonan Saami aad uu yar oo noqonyaa 5% kaas o bulshadii ka biyo diideen Qorshaha hogaamiyaha da’da yare e ethiopa soo bandhigay.

Isku soo wadda duubo xaaladda cakiran ee ka jirta deegankasi waxay horseeday in bulsho muddo ku naalonaysay reyn-reyn iyo deganaansho horumar uu weheliyo, Ay hadda ku sii siqeyso Hal bacaad lagu lisay iyo nabad la’aan.

Haddaba ilaa hadda lama saadalin karro sahanka xigi doona deganaashihii Somali galbeed iyo waxa xigi doona.

Gunaanadka Qormo qoraalkaygan kooban waxaan ku soo gunanadayaa in leydh caafimad qabta lagu so af-meeri doono xasardaas iyo colaadda huursaneyd ee sida lamo filaanka ah u Qaraxaday

 

Qalinkii: Nim’aan Adaani Hussein

Bachelor science of public health

Candidate Of master of project planning management

Geopolitical analysis

Cadaani123@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip