Caynaba Media Group

SIYAASADA QARSOON EE SOMALILAND BEDESHEY

0
Sunday September 02, 2018 - 10:35:02 in Maqaallo by saleban Cilmi
  • Visits: 204
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SIYAASADA QARSOON EE SOMALILAND BEDESHEY

    SIYAASADA QARSOON EE SOMALILAND BEDESHEY

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SIYAASADA QARSOON EE SOMALILAND BEDESHEY SIYAASADA QARSOON EE SOMALILAND BEDESHEY Qaybo hore oo qoraaladaydii hore ka mida waxaaan ku guud marey isbedelka siyaasadeed ee Geeska ka khuseeya Somaliland iyo waxay saameyntaasi ku yeelan doonto iyo sida ay uqaabeyn doonto.
Waxaan saaka doonayaa inaan kalmedo ka idhaa Amiga dhaqaale iyo midka xuduudiga ah ee dalka Somaliland la wadaago dawladaha jaarka iyo cidkasta oo ay cilaaqaad dhaqaale ama ganacsi la leedahay ama layeelan doonto mustaqbalka dhow iyo ka gogba.

Waxaan dhamaan la'wada soconaa dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed ee ay hada dawlada Imaaraadka iyo Sucuudigu ugu soo cumaamateen sidii Somaliland looga dhigi lahaa dalka koowaad ee ilaha ganacsi ay igaga faa'iideysan lahaayeen taasoo xidhiidhindoonta ayaga iyo dawladaha baahida weyn dadkoodu u qabaan iney helaan SUUQ-XORAH (free zone) si'ay baayac-mushtarkoodu horey ugu maro.

 

Hadaba suuqa xorta ah ayaa waxuu taaban doonaa suuqyo badan oo caalamka ah. Suuqan magaalada Berbera laga hirgelin doono ayaa waxaa lagu maareyn doonaa siyaasadii dhaqaale ee Dubai lagu horumarshey, kasoo wakhti ka hor dawlada badan oo African ah kasoo jarey xidhiidhkii ganacsi ee ay dawladaha Reer Yurub iyo Mareykan la lahaayeen, maadaama oo suuqa xorta ahi usuuro gashay in dookh badeecadeed iyo sixir hoosu-dhacsan uu suuqaasi u dhaley. Hadaba isbadalka ku yimid suuqii Dubai ee ganacsigii Africa ee masaafad ahaan ka fogaa agtooda keeney ayaa China, India iyo dawlado kale ugu soo shiraacdeen sidey halkaas uga soo dhaweyn lahaayeen ee ay isla Africa ukeeni lahaayeen, taasina waxay noqotey mida isbedelka Itoobiya ka alloosan sababaha u'ah, waa markii dawlada Tikreygu heshiiska la gashay China oo kaabayaasha dhaqaale ee waliba baayac-mushtar waxbadan uga tarey inkasta oo cida looga faa'iideynayey ahayd baayac-mushtariga dadka Tikreyga ah, halkay Djibouti qudheedu wax iska moodsiisey ee ay Biciidkuu China dili doono ugu fogeysay Imaaraadkii ay heshiiska la gashay.

Waxaa mudooyinkii labadii qarni ee udambeeyey, gaar ahaan waxii dagaalkii labaad ka dambeeyey uu baayacmushtarka aduunku ama dalkastaa gacanta uu ugu jirey cid dawladahaasi xukunka hayaa ay raali ka yihiin ama ganacsata qudhooduba ay hadba dawlada ay doonayaan ee danahooda raacaysa ay maal-galiyaan oo ay xukunka ku fadhiisiyaan taasoo ku qotontey nidaamka ama mabaa'diida looyaqoon Capitalism. Tusaale ahaan markaad eegto tani waa ta hada dawladihii Midowga Yurub iyo Ingiriiska uu wada xaajoodkoodu wali hadaas u meel mari laaya'ay maadaama oo dhibka aanu ahayn xaga siyaasada ee uu yahay xaga ganacsiga oo baayac-mushtar kii soo jireenka ahaa ee ku dhisnaa European Single Market ku dhinac iska taagi doono taasina waxyeelo weyn uyeelan doonto dhaqaalihii iyo baayac-mushtar kii Ingiriiska. Waxaa sidoo kale dadkii Bixitaanka ku codeetey isku qoomameeyeen facaacishii dibada uga riixdey wadajir kii Yurub, taasoo ay baayac-mushtarkoodii u markaan in la majaro-habaabshay. Waxaa sidoo kale tusaale inoogu filan in mudadan yar ee Kilirka 5aad isbedelku ka dhacay ay dad badan oo Reer Somaliland iyo Kilirka ahiba ay guulo badan ka gaadheen ganacsiga xorta ah ee mudadaa socday taasoo markii hore dhawr shaqsi oo Tikrey ahi ka taajireen taasina ay ahayd fikirkii dawlada Tikreyga ee cadawga ummada Soomaaliyeed u ahayd. Hadaba waxaa durba bilaabmey in ganacsato Reer Somaliland ahi durba xaga Jig-jiga usii xamaan urrursanayaan taasoo Somaliland dib ugu celin karta wakhtiyadii 1930 ilaa bilowgii 1960 kii, wakhtigaas oo Ingiriisku joogey Jig-jiga iyo Hargeisa, islamarkaana sidan oo kale baayac-mushtar ka laysugu furey taasina sababtey in dhamaan ganacsigii ugu muga weynaa ee Somaliland British Protectorate uu u'wareego xaga magaalada Jig-jiga.

Hadaba hadaan usoo laabto nuxurka qoraalkeyga ee ku saleysan xaga Amniga Somaliland ayaa noqonaya mid wakhtigan xaadirka ah ay Somaliland guulo horleh kusii talaabsanayso. Waxaan arrinkan ku sababaynayaa labo qodob oo kala ah in heshiiska Somaliland iyo dawlada Imaaraadka dhexmaray uuna kaliya ahayn mid dhaqan-dhaqaaale ee uu ku jiro mid amni iyo in markasta oo heshiis ganacsi iyo mid siyaasadeedba ay dhex maraan labo dawladood iyo wax kasii badan oo xulufo ahba uu Amniga iyo ka wada shaqaynteedu fure uyahay in heshiiskaas iyo xidhiidhkaasi guuleysto.Waxaa hada balaca-heshiis ee Imaaraadka iyo Somaliland kusii balaadhay Sacuudiga oo ah ka imika u igman inuu dhamaystikeeda ugu wanqalo ku dhaqaaista qaranimada iyo gooni isutaaga Somaliland, taasoo qorshaheedu hada ka socdo Riyaad, islamarkaana Amniga iyo ganacsigu yihiin qodobada ugu balaadhan ee hada lagu gudo jiro.

Waxaa Xukumada Somaliland markasta awoodeeda ugu sareysaa taabacdaa nabagelyada iyo Amniga taasina waa sababaha ugu waaweyn ee ay markasta mudnaanta usiiso jaarnimo wanaaga. Waxay Somaliland aaminsanahay in marnaba aaney duulaan ku qaadin Puntland ayada oo dhawraysa dhawr shay oo ay ugu horeyso walaaltinimada iyo jaarnimada labada shacab ee Somaliland iyo Puntland, ayada oo ka fikireysa saameynta ay colaadu ku yeelaan karto deegaanka mustaqbalka fog iyo ayada doonaysa iney xuduudaheeda ku gaadho si nabada, taasina ay dhawaan dhici doonto marka Somaliland la ictiraafo, ayada oon marna suuro gali doonin in xuduud caalamiya cidaan ogolaansho uhaysani ay dhex joogi karto, waana arrin la xidhiidha shuruucaha caalamiga taasoo sababi doonta jaarnimo wanaag iyo ganacsi fura ilo dhaqaale oo barwaaqaysiiya shacabka kunool deegaamadaas hada ku jira dibu-dhaca bulsho.

Mar hadaan guud-mar ku sameeyey xaalada amni ee Somaliland aniga oon si qoto-dheer uga hadal ayaa waxaa jira arrinmo kale oo la'xidhiidha Amniga Somaliland oon la'ilduufi karin kuwaas oo Jahbada Caare kow ka tahay. Waxaan waxyar isdul-taageyaa waxa nuxurka u'ah assaaska Jahbada Caare, taasoo ah mid ku aasaasantey saddex qodob oo marka siyaasada laga faaloonayo aan adkeysi u'lahayn waaritaan u'jihaysan midho-dhal mustaqbal samayn karta oo mabaa'dii siyaasiya ama diiniya ku disan, kuwaas oo hawl-gambimo ku gabo-gaboobidoona.
Sadexdaas qodob ayaa ka koowaad yahay CALEEMOSAAR-SIYAASADEED kasoo ay wadeen dawladii hore ee Tigreygu, Djibouti iyo Soomaaliya. Qorshahan ayaa plan "A" giisu ahaa sidii Cirro xukunka loogu fadhiisin lahaa ayada oo siyaasad ayaan loo buun-buuninayo islamarkaana qorshihiisu dhamaystirmey 28/08/2016 markii Jaamacada New Generation ee Itoobiya leedahay ay xarunteeda weyn ee Addis ababa ay Cabdiraxmaan Cirro ku gudoonsiisey shahaadada PhD looyaqoon oo loogu nasbeeyey Nabadayn iyo khilaaf xalinta Somaliland iyo Itoobiya. Hadaba isla wakhtigaas waxaa si qarsoon baraamijkan hormood ka ahaa prof. Ismaaciil Hurre Buubaa oo dhinacyo badan xidhiidhiye ka ahaa. Waxaa qodobka labaad noqonayaa CIQAAB-SIYAASADEED, taasoo xidhiidh la'leh taa hore amase noqonaysa plan"B" geeda, oo ujeedadeedu noqonayso in xiisado siyaasadeed la abuuro oo qas iyo rabshado wadata hadii doorashadu u dhacdo hab guul-daro. Hadaba mida sadexaad ayaa noqoneysa CAR-CARTAN- SIYAASADEED, taasoo ah mid ay siyaasiyiini kaga faa'iideynayaan qaskan si codsigooda iyo ujeedadooda siyaasadeed ugu hirgasho. Xaqiiqadu sidey tahay waxuu qodobka udambeeya ee sadexaad dhufeyskuu ku jirey kasoo saarey Prof. Buubaa oo abaabulada kacdooniga ah waday badankooda gaar ahaan dhinaca siyaasada taasoo uu markii dambe Muj. Axmed Mirre siyaasada noocaasa kusoo xayndaabtey si'uu ugu adeegsado khibradiisa military, taasoo loogu qorsheeyey abuuritaanka Jahbad loogu talagaley in lagu car-cartan galiyo dawlada Somalilan, taasoo noqotey horudhacii ama Curashadii Jahbada Caare iyo aassaaskeedii.

Hadaba markaad si cilmiyeysan u'eegto Jahbadani maaha mid mabaa'dii siyaasiya ku dhisan waa mid cadho caadifad iyo ciideyn ku sar go'an, islamarkaana aan lahayn Strategy siyaasadeed oo meel oo hiigsi maamul yoolkeedu yahay. Waxaa sidoo kale curyaaminaya deegaanka oon usuuro galineyn iney layimaadaan wax dhaawacaya ilaha dhaqaale ee Somaliland, khasaaraha kaliya ee ay si joogto ah u geysan karaana uu yahay iney dibu dhac kuridaan gobolkaa iyo degmooyinkaa, taasoo afduubkii Ambulance ku yahay tusaale fiican oo dadka caqliga leh tusinaya in qorshahoodu yahay duminta horumarka degaankaas.

By Sociologist Siciid Ciise Ileeye


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip