Caynaba Media Group

MUUSE SHEEKH ISXAAQ MA 2 NIN BUU DHALAY MISE 4? MUUSOOW ISBARO!

0
Sunday August 26, 2018 - 22:35:07 in Maqaallo by saleban Cilmi
  • Visits: 449
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MUUSE SHEEKH ISXAAQ MA 2 NIN BUU DHALAY MISE 4? MUUSOOW ISBARO!

    MUUSE SHEEKH ISXAAQ MA 2 NIN BUU DHALAY MISE 4? MUUSOOW ISBARO!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MUUSE SHEEKH ISXAAQ MA 2 NIN BUU DHALAY MISE 4? MUUSOOW ISBARO! Muuse Sheekh isxaaq naanays ahaana sheekhu ubixiyay (Karam) oo macnaheedu tahay sharaf, ma inta loo yaqaano maanta baa mise waa ka badan yahay?Dad

Muuse Sheekh isxaaq naanays ahaana sheekhu ubixiyay (Karam) oo macnaheedu tahay sharaf, ma inta loo yaqaano maanta baa mise waa ka badan yahay?Dad badan suaashaas jawaab uma hayaan oo waanay isku taxalujin.Lkn hadii ay baadhaan way heli karaan.Taariikhaheena Somali ahaan guud ahaan waa oday ka sheekee iyo suugaan maadama oo ay inagu yar tahay taariikhda qoraalka ahi waana halka Somalida laga dhaho waa oral society bulsho af maal ah.• Muuse Sheekh Isxaaq, waxa uu dhalay 4 nin oo magacyadoodu kala yihiin
1. Abokor Muuse
2. Daauud Muuse (Reer Dood)
3.Ismaaciil Muuse
4.Axmed Muuse
Waa dhab dadka beeshan ku abtirsadaa in aanay badankoodu sidan u aqoonin.Afartan nin laba waa dhaqan yihiin oo waa abokor iyo daauud, lkn labada kale lama hayo oo waa reero kujira ama ku abtirsada reero kale sifo kastaba ha ku timaadee!Iyada oo aan labadaas beelood ee maqan aan lahaynin, lagana war haynin ayaa hadana waxa yaab ah in labadii wada joogay aan la aqoonin!

Bal aan Tusaale usoo qaadano Abokor Muuse madama isagu uu yahay ka aadka utarmay kana taran badan dhigooda Daauud Muuse.


 

Abokor Muuse waxa uu dhalay hal nin oo ah Jibriil Abokor , Jibriil abokorna waxa uu dhalay 2 nin oo kala ah Cumar Jibriil iyo Abokor Jibriil
Hadaba aqoondarada dad badan oo beeshan ku abtirsada ka haysata dhinaca abtirsiga tusaale ahaan hadii aad dhahdid nin abokor muuse ah abtirso waxa uu odhanayaa hebel hebel hebel jibriil muuse! Taasi waa qalad oo jibriil waa ina abokor , abokor baa ah ina muuse.
Tusaale=Cumar jibriil abokor muuse
Ama Abokor jibriil abokor muuse weeye
Qolyaha reer abokor sida muuse abokor maxamed abokor iyo samane abokor laba abokor ayaa kujira abtirsiintooda waana sidaas aynu soo sheegnay
Tusaale =
Samane Abokor Jibriil Abokor Muuse, beelaha Somaliyeed beelo badan oo kala lumay way jiraan sikastaba ha ku timaado e, waliba beelaha Reer Sheekh isxaaq beel aan beelo kale ka maqnayni majirto ama way yartahay, lkn iyagu Muuse Sheekh Isxaaq waxa ay ku dhaamaan way yaqaanaan cida ka maqan iyo magacyadooda, lkn Reer Karam ama ilma Muuse Sheekh ma yaqaanaan, iskada kuwa kamaqan kahadalkooda iyo aqoontooda e, kuwan wada jooga ayaan is aqoon! iskadaa kuwa maqan kahadalkooda e qaar baan xataa curadkii muuse sheekh ee daauud muuse u aqoonin ina muuse

UGU DANBAYN
Waxa muhiim ah in labada joogaana si fiican isku bartaan, labada maqana la doono, WBT.

 

By Siciid ismaaciil



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip