Caynaba Media Group

Maxaa hor taagan dhismaha ciidan Soomaaliyeed?

0
Friday August 17, 2018 - 10:47:23 in Maqaallo by saleban Cilmi
  • Visits: 251
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa hor taagan dhismaha ciidan Soomaaliyeed?

    Maxaa hor taagan dhismaha ciidan Soomaaliyeed?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa hor taagan dhismaha ciidan Soomaaliyeed?

Baraha bulshada iyo doodaha ugu weyn ee hadal haynta dadku u badnayd ayaa ah hadal uu kornayl ka tirsan askarta Uganda ee qaybta ka ah AMISOM u sheegay wargayska Foreign Policy, isagoo yiri "Soomaaliya waa sidii doofaar la dhaqayo oo kale, waad dhaqaysaa misna wuu wasakhoobayaa".

Hadalkaas wuxuu qayb ka ahaa qormo dheer oo faaqidaad ah oo wargaysku uu ku lafa guray arrimaha amniga ee Soomaaliya, isagoo sarkaalka Uganda u dhashay uga gol lahaa in amniga Soomaaliya ay culays weyn ku qabaan.

Soomaaliya oo mar ka mid ahayd dalalka Afrika ugu cududda weyn dhanka militariga ayuu wargaysku sheegay in maanta uu ciidankoodu dunsan yahay.

Sababaha ugu waaweyn ayuu wax ka saaray faragelinta dibadda iyo dalalka lacagaha bixiya oo mid kasta uu qorshe gooni ah wato, is diiddanaanta siyaasadaha qaar ka mid ah dalalkaas, iyo Soomaalida oo iyaga qudhooda ay far ku godan tahay.

Foreign Policy wuxuu soo xigtay afhayeenkii hore ee wasaaradda amniga oo ka hadlaya arrin kale oo muujisay in shisheeyuhu aysan aaminsanayn Soomaalida "shaki iigama jiro in Al Shabaab ay ku dhex milmeen xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya oo ay noqdeen laba kaarleyaal" ayuu yiri C/casiis Xildhibaan oo wargayska u warramayey.

Shakigaas waxaa sii xoojiyey la taliye ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga oo wargayska u sheegay in "ay tahay sir furan (cid kasta ogtahay) in xubnaha xukuumadda, iyo xataa xubnaha beesha caalamka ay kiraystaan Al Shabaab, si ay u dilaan ama u cabsi galiyaan qolyaha uu xafiiltanku kala dhaxeeyo".

Wuxuuna wargaysku ku soo gabagabeeyey qormadiisa oo dheer la taliyaha oo leh "halkan, ciidan waad ka iibsan kartaa. Si jamac ah, haddii aan nahay beesha caalamka, waxaan muddo sanooyin ah taageeraynay shabakad dambiilayaal ah





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip