Caynaba Media Group

In Gudoomiye Faysal Cali Warahnbe iyo Prof. Cali Khalif Galaydh la kulmaan Madaxweyne Maxamed Cabdilahi Farmaajo mahaa wax la qariibsado.

0
Monday July 23, 2018 - 13:49:19 in Maqaallo by Editor Caynaba News
  • Visits: 244
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    In Gudoomiye Faysal Cali Warahnbe iyo Prof. Cali Khalif Galaydh la kulmaan Madaxweyne Maxamed Cabdilahi Farmaajo mahaa wax la qariibsado.

    In Gudoomiye Faysal Cali Warahnbe iyo Prof. Cali Khalif Galaydh la kulmaan Madaxweyne Maxamed Cabdilahi Farmaajo mahaa wax la qariibsado.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

In Gudoomiye Faysal Cali Warahnbe iyo Prof. Cali Khalif Galaydh la kulmaan Madaxweyne Maxamed Cabdilahi Farmaajo mahaa wax la qariibsado. Ugu horayn , Somaliland 27 sano ayay lahayd caado iyo dhaqan ah in masuul xilka haya Somaliland ama Dawlada ha ahaato ama Xisbi ha ahaatee uusan la kulmi

Ugu horayn , Somaliland 27 sano ayay lahayd caado iyo dhaqan ah in masuul xilka haya Somaliland ama Dawlada ha ahaato ama Xisbi ha ahaatee uusan la kulmi Karin xidhiidhna uusan dhex mari Karin masuul Somalia xilka haya iyadoo uu san kulan kaasi ahayn mid Golayaasha Dalku ogsoonayn. Lkn caadadaas waxaa dhawr jeer jebiyey Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo isagu iskiis ula kulmay qaar ka mid ah madaxweynayaashii Somalia ,sida Sh. Shariif, Xasan Sh. Maxamud iyo Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Lkn kulankii uu Faysal la yeeshay Farmaajo waxa uu kaga duwanaa kuwii hore isagoo ku soo beegmay Shirkii Soomaalida ee Brussels. Hadaba , in Faysal la kulmo Farmaajo oo weliba ka qayb galo Shirka waa mid loo baahanyahay, maadaama shirku ahaa mid loo qabtay Soomaali oo dabcan Somalilandna ka mid tahay waayo koleyba maxsuulka shirka kasoo baxaa waa mid huran Somaliland isla markaana ay dani ugu jirto , sababtoo ah shirka waxaa qabanayey Midawga Reer Yurub oo ah deeq bixiyaasha ugu mihiimsan ee Somaliland. Sidaa darteeed in Somaliland shirka ka qayb gasho oo protocol u qalma codsato anigu lagama maarmaan ayaan u arkaa , wixii ay xaqa ulahaydna sheegato.

Sikastaba ha ahaatee, Gudoomiye Faysal waxa uu ciyaaray door ay Xukuumada Somaliland garan weydey, waayo wixii lobby uu samayn kara yeyna uu sameeyey, Farmaajona intuu la kulmay ayuu ku yidhi : deeqaha Somaliland na ha fara gelin, Puntland na nabad ka keen iyo wada hadaladiina sida ugu dhaqsaha badan usoo celi.

Ugu dayn bayn ,tagitaankii Faysal Brussels iyo la kulankii dhexmaray Faysal iyo Farmaajo waxaa laga sawiran karaa 2 qodob oo kala ah:

In kulan kani uu la mid yahay uun kuwii uu hore Faysal ula kulmi jirey madaxweynayaashii hore ee Somalia iyo;

In uu ahaa mid Xukuumadu ka danbeysey oo lana soo faray in uu Farmaajo iyo beesha caalamkaba kala soo hadlo in deeqihii Somaliland sida gaar ka ah loo siin jirey (Somalilad Special Arrangement) aan la joojin Somalia na fara kala baxdo iyo sidoo kale inuu Farrmaajo kala hadlo siduu Puntland ugu qancin lahaa inay dagaalka Tukaraq joojiso.

W/Q: Cabdifataax Axmed Hurre



 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip