Caynaba Media Group

Sicir-bararka : Sababihiisa iyo Samatabixintiisa

0
Monday July 23, 2018 - 13:48:21 in Maqaallo by Editor Caynaba News
  • Visits: 198
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sicir-bararka : Sababihiisa iyo Samatabixintiisa

    Sicir-bararka : Sababihiisa iyo Samatabixintiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sicir-bararka : Sababihiisa iyo Samatabixintiisa Sicir-bararka : Sababihiisa iyo Samatabixintiisa
Sicirbararku wuxu hormuud ka yahay cudurrada dhaqaalaha ku habsada eenolosha bulshooyinka hagaasiya. Dalkasta oo dunida ku yaal sicirbarar wuu ka jiraa,waxay se ku kala duwanyihiin awooddooda dhaqaale iyo tabaha ay u adeegsadeenxakamaynta sicirbararka.Somaliland waxa ay ka mid tahay meelaha sicirbararkuseedaha jaray ee naafeeyey nolosha dadka, taasina waxa ay u noqonaysaa qabyadaku jirta nidaamka dawladeed ee dalka ka jira iyo saldhigasho la’aanta dhaqaale.Haddaba Muxuu yahay Sicirbar ? Maxa se keena? Sidee baana loo xakamayee?


 

Sicirbararku waa korodhka isdabajoogga ah ee qiimaha guud ahaan badeecadahaiyo adeegyada aasaasiga ah ee dalka. Korodhka ku yimaadda qiimuhu wuxu noqonkaraa mid siqaya oo aan hore loo dhaadi karin, ama mid xawaare ku socda oosuuqyada markiiba laga dareemo sida alaabta qiimaheedu isu baddelay, waxa kaleoo uu noqon karaa mid mar keliya booda oo qiimayaashu si xawli ah isu beddelaan
waan sicirbararka ugu xun ee xukuumadaha iyo hay’adaha maaliyaddu juhdiga badangeliyaan sidii ay u maarayn lahaayeen.Sicirbararku marka uu xadhkaha goosto ee lootaagi waayo wuxu isu beddelaa masiibooyin dhaqaale oo aan laga soo waaqsan,

riiqdiisuna waayo badan sii jirto.Maxaa keena Sicirbararka ?

Sicirbararku wuxu yeelan karaa sababo badan oo keena, dugsiyadadhaqaaluhuna way kula duwanyihiin aragtiyaha ay soo dhiraandhiriyeenna waybadanyihiin waxaynu dhawr qodob ka soo qaadan, aragtida dhaqaalaha eeKaynisiyiinta (Keynesian economics) oo aynu ku ladhnay waxyaabaha badhitaaraysicirbararka Soomaliland ka jira.

1. Korodhka dalabka (Demmand-pull) Baahida suuqa ee badeecoonyinka iyo
adeegyadu marka ay si xad-dhaaf ah u kordhaan waxa imanaya in qiimuhu sare

u kaco, in dalabaadka kordhaan waxa sababi kara alaabooyinka oo suuqasuququl ku noqda,dabadeed waxa kala badanayaa alaabtii suuqa soo gelaysay
iyo baahidii suuqa taallay, waxa kale oo dalabka kordhin kara dakhliga dadka ookobca. Soomaliland badeecooyinka aasaasiga ahi inay kor u kac qiime oo joogtovah ku jiraan waxa keenay ku tiirsanaanta soo dejinta iyo qulqulka magaalada oo
dadku miyiyadii iyo tuulooyinkiiba waxay uga soo barakaceen nolosha qallafsaniyo abaaraha soo noqnoqnaya, waxaanay buuxdhaafiyeen magaalooyinkawaaweyn, taasina waxa ay keentay in qiimayaashu dhan walba korodh joogto ah
ku jiraan.

2. Korodhka kharashka (cost push) Korodhka kharashaadka waxsoosaarka ama soodejintu marka uu yimaaddo waxa uu keena sicirbarar, inta badan marka ayqaaliyoobaan alaabta qaydhin ee loo adeegsado waxsoosaarka, ama cashuurahaiyo kharashaadka shaqaalaha iyo agabka la adeegsanayaa kordhaan, waxaisbeddela qiimayaasha badeecadaha iyo adeegyada, sharikadaha ganacsiguwaxa sameeyaan, inay dhimaan alaabta suuqa soo gelaysa si qiimuhu u kordho.Somaliland ma aha dal waxsoosaar leh, kharashka ku baxa in badeecooyinkadebedda laga keenaa waa xad-dhaaf, waanana sababta qiimaha cuntooyinka iyoadeegyada daruuriga ahi bootinta raha ugu socdaan.

3. Sicirbarar lacageed: Lacagtu waa halbeegga dhaqaale ee wax kala iibsiga, haddiiay suuqa ku soo butaacdo qiimayaasha isbeddel baa ku imanaya, haddii ay kuyaraatana waa la mid, Isbeddelka sarrifku wuxu u baahanyahay inuu saldhigto,baxaadeggiisu waxa uu keenayaa sicirbarar.
Somaliland hay’adaha maaliyaddu waa fadhiid, taasi waxa ay keentay shilinkasoomaaliland saldhigan waayo,dadweynuhuna u guuraan dhanka doollarka,muddadii u dhaxaysay 2010-2018 Sarrifka doollarku waxa uu kor u kacay,40%, bootintaa waxa sabab u ahaa, lacago badan oo shilin ah oo la soodaabacay yadoo markii horeba doollarku suuqa suququl ku ahaa.

4. Doollarowga dhaqaalaha : Soomaliland suuqeeda dhaqaale waxa saldhig u ahdoollarka oo wax lagu kala iibsadaa, kirada guryaha, waxbarasha, adeegyadaaasaasiga ah iyo badeecooyinka daruuriga ahiba waxa ku qiimaysanyihiindoollar, waxa arrintaa sii badhitaaray adeegyada lacagta elektarooniga ah eemoobilka lagu qaato(Zaad &E-dahab) oo meesha ka saaray adeegsigii lacagtawaddan, heer ay gaadhay in baska lagu raaco doollar. Doollarowgu wuxusicirbararka uga qayb qaadanayaa in uu qiimo tiro, lacagtii waddanka, oo waxbalagu iibsan kari waayo, taasna dhibkeedu wuxu dhabarka ka jebinayaa dadka

danyarta ah, ciidamada iyo shaqaalaha dawladda oo iyagu mushaharkooda shilinku qaata, adeegyadii iyo badeecadihiina doollar lagaga iibinayo.
5. Fadhiidnimada hay’adihii maaliyadeed: Hay’adaha maaliyadda oo bangiga dhexehormuud u yahay waa fadhiid, wax saamayn ahna kuma laha, suuqa iyojaangoyntiisa inta badan iskubeddelka lacagaha waxa qiimahooda gooya
shirkadaha sarrifka iyo ganacsiyaga gaarka loo leeyahay, bangigu ma xakameeyolacagaha suuqa soogelaya, mana ilaaliyo isu dheellitirnaanta lacagta, maxakameeyo shirkadaha iyo bangiyada uu ruqsadda siiyey, lacagta shillinka ahmarkii la doono ayaa la iska soo daabacaa, waxaaba dhacda in shirkadaha
waaweyn qaarkood lacago shilin ah soo daabacdeen, sidoo kale bangiga dhexeiyo bangiyada gaarka looleeyahay midkoodna malaha kayd lacagta adag ah oo ayku maarayn karaan, baahida ganacsata alaabooyinka debedda ka soo dejisa.6. Ku tiirsanaanta debedda: Soomaaliland nolol ahaan waxay ku tiirsantahay,alaabta debedda laga keeno, cuntooyinka, shidaalka iyo bagaashka kaleba waxayuga yimaaddaan dhulal kale, sidaa ahaan mar walba korodhka qiimuhu waa arrinla filan karo, badeecadaha oo kala go’ ku yimaaddo, qiimayaasha iyo cashuurahaoo ka kordha dalalka laga keenayo iyo ganacsata oo cuntooyinka iyo shidaalkakootada ku haysta oo si ula kac ah qiimaha u dalaca ayaa keenaya sicirbararka.

Sidee loo maareeyaa Sicirbararka

Maaraynta iyo xakamaynta sicirbararka waxa loo maraa habab kala duwan iyofarsamooyin kala jaad ah. Xukuumadda Soomalilaand sicirbarar waxa ula dhaqantaysi aan caqli badan ku dhisnayn, yadoo aan qiimayn iyo daraasayn midna la samaynayaa wareegtooyin la iska soo saaraa, dabadeedna wax saamayn ah kuma yeeshaan,si loo helo xal waara oo sicirbararka lagu xakameeyo waa in la helaa:-

 Siyaasad maaliyadeed : Baanka dhexe waa in fadhiidnimada laga saaraa oo uu
hawlihii loo igmaday ee maaliyadeed uu qabtaa, siyaasad qaran oo lacagta lagu
hagana la ebyaa, jaagoynta sarrifka lacagaha iyo xaddiga lacageed ee suuqu u
baahanyahay iyo sida loo ilaalinaya uu ka shaqeeyaa, sharikaadka iyo hay’adaha
maaliyadeed ee gaarka loo leeyahayna awood lagu xakamayn karo, laguna ilaalin
karo bangigu yeeshaa.

 Dawladdu waxa habboon in ay badeecadaha iyo adeegyada aasaasiga ah, ilaalisoqiimahooda, cashuur dhimis iyo kabna u samayso, dhiirigelisaa waxsoosaarkawadaniga, kana shaqaysaa sidii ku tiirsananaanta debedda looga bixi lahaa.
 Doollarowga dhaqaalaha waan in siyaasad cad laga yeeshaa oo dadkulacagtoodu wax ku kala iibsadaan, lana xakameeeyo wax ku kala iibsigadoollarka, si taa loo sameeyo waxa muhiim ah in uu saldhigto isku beddelkadoollar iyo shilinku, adeegsiga shilinku wuxu yaraynayaa baahida badan ee looqabo doollarka oo shidaalisa korodhka qiimayaasha.
 Waxsoosaar waddani ah : Suuragal maaha in ummad dhani ku noolaato waxdebedda looga soo dhoofshay, waxa la gudboon xukuumad iyo shacabba in korloo qaado waxsoosaarka beeraha si dadku u helaan cunto ku filan, loona baajiyolacagta adag ee debedda u baxaysa, waxa kale oo muhuum ah in dadkuqabatimaan cuntooyinka dalkeenna laga helo, halka ay baasto iyo bariis aan tayolahayn oo caafimaadka u darani ina barriinsadeen.

Gabagabadii sicirbararku waa xaalad joogto ah oo aan ku hakanayn wareegto marla soo saaro iyo guddi aan wax badani dhaqaale uga baxsanayn oo yagoo mirqaansanshaashadaha soo istaaga, wuxu se u baahanyahay la socosho, dabagal dheeraad ahoo joogtaysan, iyo siyaasado qeexan oo suuqyada maaliyadda lagu dhaqo, waxa
arrinta sicirbararka ay tahay inay qaybtooda ka qaataan jaamacadaha siibakulliyadaha dhaqaalaha iyo ganacsiga,oo aqoonbaadhis iyo u kuurgelid ku
sameeyaan dhaqdhaqaaqyada dhaqaale ee suuqyadeenna.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip