Caynaba Media Group

Halkee Buu Salka Ku Hayaa Khilaafka Ka Dhex Taagan Hayada Hanti Dhawrka Qaranka Somaliland .?? Muxuu Se Madaxwaynaha Qaranku Ka Ogyahay?

0
Monday July 23, 2018 - 13:47:07 in Maqaallo by Editor Caynaba News
  • Visits: 239
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkee Buu Salka Ku Hayaa Khilaafka Ka Dhex Taagan Hayada Hanti Dhawrka Qaranka Somaliland .?? Muxuu Se Madaxwaynaha Qaranku Ka Ogyahay?

    Halkee Buu Salka Ku Hayaa Khilaafka Ka Dhex Taagan Hayada Hanti Dhawrka Qaranka Somaliland .?? Muxuu Se Madaxwaynaha Qaranku Ka Ogyahay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Halkee Buu Salka Ku Hayaa Khilaafka Ka Dhex Taagan Hayada Hanti Dhawrka Qaranka Somaliland .?? Muxuu Se Madaxwaynaha Qaranku Ka Ogyahay? Halkee Buu Salka Ku Hayaa Khilaafka Ka Dhex Taagan Hayada Hanti Dhawrka Qaranka Somaliland .?? Muxuu Se Madaxwaynaha Qaranku Ka Ogyahay?
Mudooyinkii u danbeeyay waxaa uu khilaaf Balaadhani ka dhex taagnaamasuuliyiiinta sare ee hayada hanti dhawrka qaranka , khilaafkaasi oo salka kuhaya Hanaanka maamul ee hayada hanti dhawrka qaranka.Waxaa mudooyinkii u danbeeyay madaxwaynaha dalku uu gudoomiye cusub usoo magacbay hayada hanti dhawrka qaranka gudomiyhan cusub ayaa hore uahaa maareeyihii dekeda berbera …. Oo hore u lunsaday lacag loogu talo galay Indekeda Berbara loogu soo Iibiyo TAAGA Maraakiibta soo haga .Kadib markii la soo magacaabay gudoomiyhaa cusub waxaa uu xilkii si toos ahugala wareegay gudoomiyihii hore ee hantidhawrka qaranka halkiisi oo kabilawday hawl maalimeenkiisii shaqo.
Hadaba waxaa is waydiin mudan halkeebuu khilaafkani salka ku hayaa?


 

Hayadani waxay lahayd oo hore u sii joogay oo uu madaxwayne siilaanyomagacaabay Agaasime guud oo hayadaa ka shaqeeya Kadibmarkuu arkayhawsha balaadhan ee taala hayda hanti dhawarka.. si loo ilaaliyo Hanaankaxisaabeed ee xafiska hanti dhawarka qaranka oo ka masuul ah hanti umada.Markii shaqada bilaabayba gudoomiyaha cusub waxaa uu khilaaf ka dhex aburayhayadii hanti dhawrka isaga oo saxeexii ka joojiyay Agaasimihii guud ee hayada sisharci daro ah … waxanu agaasimihu diiday in lacag badan oo ku dhaw 250,000 $(LABA BOQOL IYO KONTON KUN OO DOLAR AH ) oo uu gudoomiyuhu doonayayinuu kala baxo qasnada hayada oo uu u isticmaalayay si sharci daro ah …..
Khilaafani markii uu dibada u soo baxay waxaa uu gudoomayuhu kaambayn ugalay sidii agaasimaha meesha looga saari lahaa si ay ugu fududaato inuu la baxolacagtii uu doono .. waxanu uu madaxwaynaha ku khasbay in meesha loosoo

magacaabo gudoomiye ku xigeen , agaasimaha meesha joogana uu xilka ka qaadoama u meel kala lataliye ugu magacaabo.
Sida ay noo sheegeen ilo ku dhaw xafiiska Agaasimaha hanti dhawrka ayaa nooxaqiijiayay in ay kulmeen agaasimaha iyo madaxwaynuhu halkaasi uuagaasimuhu u gudbiyay maclumaad dhan oo kusahab san hanaanka ay hayadu ushaqayso , dalkigeeda lacageed iyo hantida ay maamusho ee ay masuulka yihiin

,,, u soo bandhigay halka uu khilaafku daaran yahay ee uu salka ku hayo isaga oou sheegay in uu gudoomiyuhu doonayo in uu xoolaha umada ee hanti dhawrkuleeyahay uu ku takri falo oo uu lacag bilaa qorshe ah kala baxo qasnada hayadaiyada oo ay shaqaaliha qaar ba bilaa mushaar iyo gunaba yihiin .Madaxawaynuhu wuu ku qancay si ay sheegeen warbixintaasi waxaanu u soojeediyay agaasimaha inuu halkiisaa joogo isla markaan ushaqadiisa sii wato.Waxaa kale oo qaar ka mid ah masuuliyiinta hayada hanti dhawrku nooxaqiijiyeen inay khilaafkan dabda ka riixayaan qaar ka mid ah kooxo ku shaqaystashaadhka madaxwaynaha oo ay madaxwaynaha qaraabo dhaw yihiin kuwaasi oodoonaya inay mashaariic badan oo uu xafiiska hanti dhawrku leeyahay dhexmarsadaan gudoomiyaha cusub iyaga oo hore iskugu af garan waayayagaasimaha hayada sidii loola wada bixi lahaa lacagtaa .

Kulan danbe oo madaxwaynaha uu la yeeshay gudoomiyhu waxaa uu culus kusaaray inuu agaasimaha xilka ka qaado oo uu la taliye uga dhigo haydahantidhawrka si uu isaguna u labaxo kharshaad badan oo dayn ah oomadaxawaynaha amaahiyay xiligii Ololaha doorshada madaxtooyada .
Madaxwaynuhuna wuu ka aqbalay codsiga gudoomiyaha waxaanu agaasimahaamar ku siiyay inuu meesha iska dhex joojoogo oo aanu wax sexeex ah ku yeelanwaa sida ay noo sheegeen masuuliyiin ku dhaw dhaw gudoomiyaha hadayda
hanti dhawrku .

Arintani waxay ina tusaysaa musuqmaasuq uu madaxwaynuhu raalida kaga yahaymasuuliyiintiisa uu magacaabay iyo inuu madaxwaynuhu samaystay kooxo kushaqaysta shaadhkiisa oo mashaariicda umada wada leedahay lunsada oo sieexaysan uga qaata masuuliyiinta dawlada cidii ka soo hor jeedsatana uguhanjaba inay xilka ka qaadi doonaan.

Sida ka helnay xogo hoose oo ka mid ah shaqaalaha hantidhawrku waxay noosheegeen in Agaasimahii hore hanti dhawrku waxaa uu madaxwaynaha ugudbiyay warqad is casilaad ah oo ka dalbaday inuu xilka uu qaranka hayo gartayinuu iska casilay … madaxwayuhuna uu ka aqbalay dhawaana uu qaban doonowarsaxaafadeed uu bulshada u soo bandhigi doono musuqmaasuq baahsan eeragaadiyay hayadaha dawlada iyo sida uu madaxwaynaha dalku raalida uga yahayin hantida umada la dhaco ,,,,Waxaa kale oo ilo xogogaal ah noo xaqiijiyeen in uu agaasimuhu joojiyay kooxo
baadhid ku soo sameeya xafiiska ku yaala madaarka oo uu maxamuud xaashilahaa kaasi oo gudoomiyha cusub amar khaldan ku galiyay baadhid isaga oo aanwax xog ah ka hayn meeshina uu ka dhigay hayad lagu aar goosto oo cid kasta ooka danbaysay xilkii maareeyaha berbera ee laga qaaday inuu isna kaga aar sadoxilkan u hayo… agaasimuhuna uu ka diiday waraqo fooljari ahaa oo uugudomiyhu doonayay in lagu kiiseeyo xafiiska madaarka ku yaalay .Waxaana gudoomiyha dabada ka riixiyay maamulaha shirkada diyaarada EthopiaAirline oo uu madaxwaynu abti u yahay kaasi oo doonayay inuu la wareegoxafiiskaa security ga ee uu maamuli jiray Ex wasiir maxamuud xaashi si uu isaga uqaato lacagtii adeega ahayd ee ka soo hoyan jirtay .

Agaasimuhu waxa uu u soo jeediyaya Madaxwaynaha inuu ilahay ka baqo oo uushacabka doortay hantidooda u ilaaliyo sidii balan qaadka uu kaambaynka kugalayna uu balantii shacabka uu u qaaday oofiyo

Allaa Mahad Leh
Wariye : Xuseen Xasan Ahmed
Hargaysa - Somaliland


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip