Caynaba Media Group

Faysal iyo madaxda Somalia by Amir Bidde

0
Monday July 23, 2018 - 13:05:16 in Maqaallo by Editor Caynaba News
  • Visits: 222
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faysal iyo madaxda Somalia by Amir Bidde

    Faysal iyo madaxda Somalia by Amir Bidde

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faysal iyo madaxda Somalia by Amir Bidde

Faysal iyo madaxda Somalia by Amir Bidde
Guddoomiyaha UCID iyo Cali khalief ayaynu sawiradooda aragnay iyagoo ku maran madaxwaynaha Somalia oo sidii laba wiil oo yaryar oo uu dhalay midna gacanta bidix ku daadahaynaya midna ta midig. Iyagoo ay ka muuqato farxad wayn oo muujinaysaa sida ay uga haybadaysanayaan. Faysal waa ninka ugu afdheer madaxda xisbiyada Somaliland marka laga hadlayo Somalia; ugu kulkulul, ugu hadalka qalafsan ee muujiya had iyo jeer nacaybka iyo xaqiraada uu u hayo madaxda Somalia. Waa ninkaad is odhaynayso waa ka ugu xagjirsan xagga wadaniyadda Somalilandnimo. Laakiin waxay arrintu u egtahay inuu yahay jilaa wayn amaba uu yahay basaas siyaasadeed (sida ina Buubaa) oo lagu darsaday siyaasadda Somaliland. Ama waa caqligaab, doqon aan ogayn in siyaasadda duniduba tahay sawirro iyo muuq aan xaqiiq ahayn oo bulshada lagu majarahabaabiyo si loogu jiheeyo dhinicii loo dan leeyahay. Nacaybka uu muujiyo Faysal ee madaxda Somalia waa afka baarkii iyo munaafaqnimo cad. Haddii taariikhda loo dhabbo galo waxaa cad inuu aad u jecel yahay (jacayl is hoos dhigid ah); jacaylka addoon iyo siyidkiisa. Bal u fiirso madaxwayne Somalia oo uuna la kulmin ma jiro... shariifkii... xasankii.. iyo kan imikaba (markaynu tii gaandhi ee waqtigii xasuuqa Isaaqa iska illowno). Waliba wuxuu la kulmaa waqtiyada ay muujiyaan nacaybka Somaliland ee dagaal saxaafadeed oo xun la isku hayo.


Shirkan Somalia loogu dawarayay ee sadaqo gaaleedka loo raadinayay ee Brussel ka dhacayay wuxuu ahaa shir aad xasaasi u ah oo lagu muujinayay federaalka iyo dawlad goboladiisa, la isku dayayna in Somaliland lagu soo daro iyadoo shilimaadka saqada ah ee la qaybinayo la rabay in lagu dhakro. Xukuumadda iyo xisbiga waddaniba way fahmeen wayna diideen inay shilimaad xorriyadda dalka waydaarsadaan sida uu madaxwaynuhuba sheegay. Markaa iyadoo xaaladdu sidaa tahay inaad adoo xisbi qaran hoggaaminaya inaad tagto oo dalkaaga iyo dadkaaga dhabarka ka toogato miyaa? Faysal wuxuu iskala meeqaam dhigay Cali khaliif oon wax xil ah dalka u ahayn. In badana isku dayay inuu xidhiidh la sameeyo dawladda Somalia hase yeeshee loo soo joogsan waayay sidii uu Cali khaliif laftiisu ku sheegay qudbaddii uu shirkii kooxdiisa ee Laascaanood ku muujiyay 2 week ka hor. Waxa muuqata in Cali khaliif ku guuray Faysal si uu ula kulmo Farmaajo. Cali khalief wuxuu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay in loo aqoonsado kooxdiisa dawlad goboleed Fedaraalka ka mid ah illaa imikase way u sooroobi wayday iyadoo caalamku ku gacan saydhay farmaajo oo laga baqayo arrintaa dagaalo ba'an oo ka dhaca gobolka Sool horseedi doonto. Haddaba Faysal iyo xisbigiisu way saaxadda siyaasadeed ee Somaliland ku joogaan oo magacoogu ku sii jiraa waa koolkoolinta dawladda oo is leh u adeegso xisbiga waddani ee xoogga badan (isku jabin mucaarid) waxase habboon in faraha laga qaado laguna dadaalo sidii uu saaxadda siyaasadda ee dalka uga bixi lahaa inta uuna Faysal khasaare siyaasadeed oo kale u soo hoyn dalkan.
 
Wa billahi tawfiiq,


Ayanle Amir Bidde



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip