Caynaba Media Group

Halkan Si Buuxda Ugaga Bogo Fariintii Qiirada Lahayd Ee Uu Cristaino Ronaldo Ku Macasalaameeyay Kooxdiisii Hore Ee Real Madrid

0
Tuesday July 10, 2018 - 23:59:01 in Wararka by Editor Caynaba News
  • Visits: 253
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkan Si Buuxda Ugaga Bogo Fariintii Qiirada Lahayd Ee Uu Cristaino Ronaldo Ku Macasalaameeyay Kooxdiisii Hore Ee Real Madrid

    Real Madrid ayaa bayaan ku xaqiijisay in Cristiano Ronaldo uu ku biiray Juventus isla markaana uu iska siibi doono maaliyadooda sagaal sano kadib

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Real Madrid ayaa bayaan ku xaqiijisay in Cristiano Ronaldo uu ku biiray Juventus isla markaana uu iska siibi doono maaliyadooda sagaal sano kadib

maadaama uu xiddiga ka codsaday in la iibiyo ka hor bilowga fasal ciyaareedka soo aadan.

Kabtanka Portugal oo ku sugan Greece ayaa jamaahiirta Los Blancos usoo qoray fariin qiiro leh oo uu kaga sheekeeyay xiddiga jaceylka iyo ixtiraamka uu kooxda u hayo, sidoo kalana uu ku qirtay inuu isaga ka codsaday kooxda in la iibiyo.

Sida la fahamsan yahay Ronaldo wuxuu ku tagayaa Bianconerri adduun dhan 105 Malyan oo Euro waana qiimahii ugu badnaa ee lagu iibsado xiddig dhaafay da’da 30.


Fariintii Uu Ronalo soo qoray oo dhameystiran halkaan hoose ka akhriso:

Kaliya waxaan dareemayaa inaan si weyn ugu mahdiyo kooxda, jamaahiirta iyo magaalada. Sidoo kale waxaan uga mahad celinayaa dhamaantood jaceylkii iyo taxadarkii ay I siiyen”

 "Si Kastaba,aa  waxaan aaminsanahay inuu yimid waqtigii furi lahaa marxalada cusub ee nolosheyda, waana sababta aan kooxda u weydiistay iney aqbasho heshiiska”

 "Waxaan dareemay habkaas, waxaan weydiistay qof walba, gaar ahaan jamaahiirteena iney si farxad leh ii dareemaan. Waxey ahaayeen kuwa xaqiiqdii kuwa cajiib ah mudada sagaalka sano”

 "Sagaalkaas Sano waxey aheyd mid gaar ah, waxey ii aheyd waqti xiiso leh, tixgelin buxda, balse mar walba waxey aheyd mid adag ababtoo rabitaanka Real Madrid ayaa ah mid aad u sarreeya, balse si fiican ayaan u ogahay inaan waligey iloobi doonin inaan hab gaar ah ugu raaxeystay waqtigeya kubadda cagta halkaas”

 "Waxaan garoonka iyo qolka labiska ku heystay saaxiibo fiican, waxaan dareemay dareenka ay soo bandhigeen jamaahiirta aan caadiga aheyn iyo inaan si wadajir ah ugu guuleysanay saddex Champions Leageu oo xiriir ah iyo afar (UCL) muddo shan sano ah” Iyo Sidoo kalea inaan gaaray heer shaqsiyadeed, waan ku qanacsanahay inaan ku helay 3’Ballon d’Or iy 3 Kabta dahabka gooldhalinta”

"Intaan ku jiray dhamaan waqtigeyga kooxdaan aadka u weyn ee aan caadiga aheyn. Real Madrid waxey ku guuleysatay qalbigeyga iyo midda qoyskeyga, waanan sababta in ka badan ebid aan u doonayo inaan u mahad naqo, Waxaan u mahad celinayaa kooxda, madaxweynaha, agaasimayaasha, saaxiibadeyda kooxda, dhamaan macalimiinta, dhaqaatiirta, macalimiinta jirdhiska iyo shaqaalaha aan caadiga aheyn ee wax walba ka dhigay iney shaqeeyaan, wax walba oo aan sare kusoo xusay”

"Mar kale si aan dhamaad laheyn ayaan idinkugu mahad celinayaa taageerayaasheena, sidoo kale xiriirka kubadda cagta Spain.

"Intii aan ku ajiray sagaalkaas sanoee xiisaha leh, waxaa horteyda ahaa ciyaartoy badan oo waaweyn, dhamaantood ixtiraam ayaan u hayaaa”

"Wax badan ayaan kasoo muuqday, waana ogahay in waqtiga taxanaha cusub uu imaanayo. Waan baxayaa balse maaliyadaan, calaamadaan & Santiago Bernabeu meel walba oo aan joogo waxaan mar walba u dareemi doonaa inaan leeyahay. Dhamaantiin waad mahadsan tahiin, dabcan waa sidii aan idin dhahay markii iigu horreysay garoonka Santiago Bernabeu sagaal sano ka hor. Hala Madrid




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip