Caynaba Media Group

Madaxweyne Farmaajo Oo Khudbad Ka Jeedinaya Shirka Jaamacadda Carabta Ee Ka Furmay Sucuudiga

0
Sunday April 15, 2018 - 13:42:51 in Wararka by Sacad Afjar
  • Visits: 272
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo Oo Khudbad Ka Jeedinaya Shirka Jaamacadda Carabta Ee Ka Furmay Sucuudiga

    Hargaysa(CYN)Madaxweyne Farmaajo Oo Khudbad Ka Jeedinaya Shirka Jaamacadda Carabta Ee Ka Furmay Sucuudiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(CYN)Madaxweyne Farmaajo Oo Khudbad Ka Jeedinaya Shirka Jaamacadda Carabta Ee Ka Furmay Sucuudiga Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi

Farmaajo oo shalay gaadhay Magaalada Dammaam ee dalka Sucuudiga ayaa lagu waddaa in uu maanta Khudbad ka jeediyo Shirka 29aad ee madaxda waddamada ku mideysan Ururka Jaamacadda Carabta.


Shirkan waxaa diirradda lagu saarayaa qadiyadda Falastiin, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xiisadaha ka taagan dalalka Suuriya, Yamen iyo Liibiya, iyadoona madaxda carabtu ay si qoto dheer uga doodi doonaan xal u helista dhibaatooyinka ka jira dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta.



 

 

Waxaa lagu waddaa in uu Khudbadiisa diiradda ku saaro horumaradii ugu dambeeyay ee ay sameysay dowladda Soomaaliya.


Madaxweyne Farmaajo ayaa inta shirkan uu socdo waxa uu shir-doceedyo la yeelan doona Madaxda qaar ee shirka ka qeybgalaya, iyagoona ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka, iskaashiga iyo danaha guud ee kala dhexeeya dalalkaas Soomaaliya.


Kulanka ayaa imanaya xilli ay xoogeysatay xiisadda u dhaxeysa dalalka Soomaaliya dowladda Imaaraadka Carabta, waxaana lagu waddaa in madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Imaaraadka ay arintaasi ka hadlaan



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip