|
|||
![]() SIXIR Bararka iyo Maceeshad Bararku Daawo ma leeyihiin .
ixir bararka sarifka iyo Maceeshadda xalka ugu wanaagsan ee lagaga bixi karaa waxa weeyaan qodobadan
soo socda:- 1. Bankiga Dawladda oo loo magacaabo Gudoomiye iyo Agaasime guud oo Ehlu Cibaado ah kana fog Tuugadda iyo Balwadaha Maanka dooriya ee kala duwan sida qaadka,sigaarka, qamriga, xashiishadda iyo zinada, 2. Gudoomiyaha iyo Agaasimaha la Magacaabay waxay meesha ka saarayaan agaasime waaxeedyaddii hore u joogay si bankigu uu u noqdo bank ay ka hawlgalaan Masuuliyiin Ehlu Cibaado ah oo ka fog balwadihii aan kor ku sheegay, 3-Xukuumaddu waa inay aamintaa inay bankiga dhigato lacagta adag ee wadamadda Shisheeye inagu caawiyaan iyo wixii xakhal qalin ah,
4. Bankigu waa in loo sameeyo qayb sarif ah oo muwaadinkasta iyo ganacsade kastaa ay lacagta adag ka sarifan karaan, lacagka Slsh loogu bedeli karo gacanta dambe, Sarifka bankiga ee gacanta horena uu noqdo 7000 slsh, gacanta dambena 7200 slsh, Sariflayaashuna gacanta hore loo gooyo ama ay ku sarifaan 7200 slsh, gacanta dambena 7500 slsh, Sariflaha qiimaha bankiga u hogaansami waaya lagala noqdo ruqsadda sarifka, laguna xukumo sadex sano oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo dhan 50,000,000 slsh, konton milyan slsh, una dhiganta 6944,44 usdollar lix kun sagaal boqol afartan afar dollar, afartan iyo afar filis, 5. Ganacsatada, Muwaadiniinta wadanka ku sugan, qurbajooga , Xukuumadda madaxdooda iyo hayadaha ajaanibku waa inay aamini karaan inay bankiga lacagahooda adag dhigan karaan, kana samaystaan buug xisaabeed ama accoun book, 6. Bankigu waa inuu mushaharka M/wayne, M/wayne ku xigeen, Golaha Wasiiradda, Golaha Barlamaanka, Golaha Garsoorka, uu ku siiyo mushaharooyinka Slsh, 7. Ganacsatadu waa inay Muwaadiniinta kaga iibiyaan Raashinka, Bagaashka, gawaadhida, guryaha, guryaha kiradda lagu jiro, hotelada la seexdo ama laga cunteeyo, tigidhadda dayuuradaha , baasaboorka iyo fiisayaasha ,Jagooyinka ama baloodhada wax lagu kala iibsado ama lagu kala kiraysto ay noqdaan lacagta Somaliland, 8. Bankigu waa inuu shaqaale bankigi oo la aamini Karo dhigto Xawaaladaha lacagaha adag lagu soo xawilo oo dadka biilayda ah biilkooda loogu bedelo slsh, 9. Ganacsataddu marka ay doonayaan inay dibadaha wax ka soo iibsadaan waa inuu bankigu xidhiidh la leeyahay bankiyada ganacsigeenu gaadho ama bankigu leeyahay kayd aad u wayn oo lacagta adagi ay taalo, ganacsaduhuna aanu dhibaato kala kulmayn markuu dollar uu dibadda ugu safro uu doonayo, 10. Bankigu waa inuu ku dhiirigeliyo kuna adkeeyo shirkadaha qaadka inuu lacagta itoobiyaanka ah ugu bedelo, 11. Bankigu waa inuu ku dhiiri geliyo Wasaaradda Maaliyadda qaybaheeda kastamada iyo cashuuraha berriga inay joojiyaan dollarka ay qaadaan una bedelaan slsh, 12. Bankigu waa inuu xareeyo lacagta shanta kun iyo kunka shilin, wakhtiga loo baahdana la soo daayo, lacagta suuqa ka shaqaysaana ay noqoto shan boqol, boqol, iyo konton shilin, 13. Bankigu waa inuu awood u leeyahay inuu dhiiri geliyo beeralayda oo uu dhaqaale kabis beerahooda ah u samayn kara, wadankana ka mabnuuco khudrada, hadhuudhka, galayda, digirta, digaaga iyo beedka dibadaha laga keeno si beeralayda loo dhiiri geliyo wadankuna isku filaansho u gaadho,14. Bankigu waa inuu awood u leeyahay sidii loo dhiiri gelin lahaa xoolo dhaqatada iyo kaluumaysatada loona qoondayn lahaa dhaqaale lagu kabo tacabka culus ee ay qaranka u hayaan, 15. Bankigu waa inuu awood u leeyahay inay shirkadaha E-dahab iyo Zaad lacagta ugu wayn ee la isu xawili karaa ay noqoto 100 dollar, boqol dollar. Shan iyo Tobankaas qodob haddii uu ka midho dhaliye M/waynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu noqdo M/wayne ku dhac leh, oo uu noqdo M/wayne go,aan leh, oo uu noqdo M/wayne baahiyaha kala duwan iyo duruufaha ku gadaaman Shacabwaynaha Somaliland, Shaqaalaha Dawliga, Shaqaalaha shirkadaha gaarka loo leeyahay, Shaqaalaha Muwaadiniinteena u Shaqeeya Hay’adaha Ajaanibka, Ciidamadda kala duwan ee Somaliland, Mudane M/wayne guul aad iyo aad u Wayn ayey kuu noqonaysaa Wadan wuxuu horumar ku gaadhaa marka uu helo M/wayne garanaya Inuu cod shacab ku soo baxay oo danta ganacsatadda ka hor marinaya danta Shacabwaynihiisa iyo Ciidamadda Qaranka, wadankaasi wuxuu noqdaa wadan ka dhisan arrimaha asaasiga ah oo leh Beero, Xoolo, Kaluumaysi , Ganacsi xawli ku socda iyo Ciidamo Awood leh oo aan la loodin Karin.
Qalinkii: Saxafi Madax- Banaan Qoraa: Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Rep.
Leave a comment |
|
Copyright © 2010 - 2018 Caynaba Media Group All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |
SIXIR Bararka iyo Maceeshad Bararku Daawo ma leeyihiin .
ixir bararka sarifka iyo Maceeshadda xalka ugu wanaagsan ee lagaga bixi karaa waxa weeyaan qodobadan