Caynaba Media Group

Somaliland waxay noqotay: " Waraabe UL-na lala Gaadhi Waa, Cayna wax laga guri Waa".

0
Tuesday April 03, 2018 - 13:41:00 in Maqaallo by Editor Caynaba News
  • Visits: 246
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland waxay noqotay: " Waraabe UL-na lala Gaadhi Waa, Cayna wax laga guri Waa".

    Waxaa beryahanba isa soo tarayey cadaawadda Dawladda Somalia, iyadoo muddooyinkan dambe la timid dar-dar cusub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa beryahanba isa soo tarayey cadaawadda Dawladda Somalia, iyadoo muddooyinkan dambe la timid dar-dar cusub

iyo colaad dabarka goosatay balse aanay meelna ku gaadhi karin . Dagaalka Somalia kula jirto Al-Shabaab waxa ka xun kan ay kula jirto Somaliland.  Dawladda

 

Tamarta daran ee Muqdisho waxay si weyn iskugu taxluujisaysaa xinka iyo xasadka Somaliland, waxayna u guntatay oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii ay u carqaladayn lahayd horumarka shacbiga Somaliland, halkii ay ugu adeegi lahayd ummaddeeda tabaalaysan.

 

Dawladda aan iskeed isu maamuli karin ee Somalia, isku day kasta oo liddi ku ah Somaliland waxay kala kulantay WAJI-GABAX.  Runtii,  Juhdiga badan ee ay gelinayso colaadda Somaliland, haddii ay shacbigeed ugu shaqeyn lahayd waxay gaadhsiin  lahayd nabad iyo horumar ballaadhan.

 

Dacwadda Taliska Xamaray geysay Qaramada Midoobay waa Tallaabbo cadaawad annaga naloola dan leeyahay, waa gef iyo gardarro aan geedna loogu soo gabban oo lagula kacay xuquuqa iyo danaha Somaliland.

 

Dhanka kale, isku day'ga la wareegidda Hawada Somaliland waa daandaansi,  xadgudub iyo weerar halis ah oo lagu soo qaaday Qaranimada Somaliland.

 

Siyaasiyiinta Somalia waxa keliya ee ay heshiis ku yihiin waa cadaawadda iyo xinka Somaliland, tusaale ahaan Golayaasha Baarlamanka Somalia marka la soo dhigo Ajande lagu colaadinayo Somaliland ayuu Kooramku (Quorum) buuxsamaa oo mooshinkana si aqlabiyad ah (Unanimous) lagu ansixiyaa.

 

Waxyaabahaas oo dhammi waxay muujinayaan in ay arrintu tahay aargoosi kadib markii ay ka quusteen midnimadii ay ku hadaaqi jireen. NEEF LA GAWRACAY GEEDO KAMA WAABTO.

 

Arrintaa xattaa waxa dareemay oo ka damqaday dammiir laa’wayaashii reer Somaliland ee durbaanka beenta ah ee midnimada  runta mooday ee Xamar hoganayey.  Waxa kale oo maanta dhacdooyinka shaahid u ah dhallinyaradii (new generation) oo iyaga dhibaatooyinkii hore sheekada ku ahayd.

 

 

Farmaajo waa nin  aan qarsan karin naceybka Somaliland, waxana uu haatan colaadda geeyey meel halis ah. (Nin qoyani biyo iskama dhowro)

 

Tuug waa is-qariyaa,. 

Halka uu ka xado tulud,. 

 

Tahan buu ka guuraa,. 

Toddobaadkan Xaajow,. Mid tiriig sitaa yimid,.  

 

Xukuumaddan haatan KAL XISHOOTA MA LEH EE KAL CABSATA AYEY LEEDAHAY. Waxanse u sheegaynaa in Somaliland aanay sinaba ugu duqaadan doonin gacmahana ka laaban doonin oo aanay ogolaan doonin in Qaranimadooda la dhaawaco.

Waxaannu bulshada caalamka u caddeynaynaa in Somaliland, xukuumad iyo shacbiba meel uga soo wada jeedaan si buuxdana diyaar ugu yihiin khatar kasta oo ka iminaysa in ay difaacdaan xuquuqdooda iyo danahooda.

 

Hashaan gaaddo weynow libaax  uga  gabboon  waayey inaan  gorayo-cawl uga tagaa waa hal soo gudhay.  

 

 Wa bilaahi tawfiiq

Qalinkii : Cali Xaruuri

Holland

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip