Caynaba Media Group

Webiga Gaanjis iyo Indus: Qalinkii Cabdirashiid M. Jaamac Belel

0
Sunday April 01, 2018 - 18:26:37 in Maqaallo by Editor Caynaba News
  • Visits: 209
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Webiga Gaanjis iyo Indus: Qalinkii Cabdirashiid M. Jaamac Belel

    Webiyadan waxay ku kala yaalaan ama ay dhex maraan dalalka Hindiya, Nebaal, Bangeladeesh iyo Bakistaan. Webiga Gaanjis

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Webiyadan waxay ku kala yaalaan ama ay dhex maraan dalalka Hindiya, Nebaal, Bangeladeesh iyo Bakistaan. Webiga Gaanjis

oo ka mid ah webiyada adduunka ugu dheer uu dhererkiisu gaarayo 2510 km wuxuu ka soo bilowdaa hoobadka koonfureed ee buuraha dunida ugu dhaadheer ee Himilaayo ee ku yaala qaaradda Aasiya, buurahaas oo 5500 oo mitir ka sareeya badda. Webigan oo marka hore dhexmaraa dalka Hindiya kadibna Bangeladeesh kuna shubma badweynta Hindiya, wuxuu biyo-qabatinkiisu la eg yahay dhul lix jeer iyo badh ka weyn dhulka Somaliland. Webigan oo ah webiga labaad ee dunida ugu biyaha badan dunida waxaa lagu qiyaasay biyaha uu isku-celcelis ahaan sanadkii wado 1,390 bilyan oo m3. Tirada dadka ku kor nool Webigan oo lagu qiyaasay 450 milyan oo qof waa webiga ugu dad badan. Webigan waxaa uu xuduud gaareysa 112 km u yahay labada dal. Webigan wuxuu ka mid yahay webiyada ugu biyaha badan dunida, sanadadii 1950nadii ayuu bilowday muranka iyo khilaafka biyihiisa, waqtigaas oo ay

Bangeladeesh aheyd gobol ka tirsan dalka Bakistaan oo xornimadiisa qaatay 1947kii, isla sanadkii ay Hindidu xorooobeen, ayada oo guud ahaan gobolkaasi wixii waqtigaas ka horreeyey leysku oran jiray Hindiya. Kala gogo'an ku yimid gobolka wuxuu keenay in

leysku qabsado biyaha ay gobolku horay u wadaagi jireen sida labada Webiyada ee

Gaanjis iyo Indus, oo ah webiyo qiimo badan ugu fadhiya dhulalka ay maraan.

 

Khilaafyada webigan waxaa ugu caansan kii ka dhashay qorshihii ay hindidu soo

bandhigeen 1950nadii ee ku saabsanaa in ay dhisaan mashruuc biyo leexin ah oo loogu magac daray Farakkasi biyo loogu helo magaalada caanka ah ee Kalkata (Calcutta). Kulanno badan oo la qabtay oo xal loogu raadinayey qorshaha khilaafkan ayaa lagu guul dareystay, sanadkii 1962dii ayeyna hindidu dhiseen mashruucaas iyaga oo aanan wax tixgelin ah siinin dalalka ay khilaafka biyahaasi ka dhexeeyeen. Khilaafka biyaha webiga Gaanjis waa mid ku kooban xilliyada ay yar yihiin socodka biyahaas oo dhowr biloow ah, xilliyada kale wax buuq ah kama taagna oo labada wadanba wey heli karaan biyo ku filan. Markii ay Bangaladheesh ka xorowday dalka Bakistaan sanadkii 1971kii ayada oo weliba ay hindidu kaalmo weyn ka geysteen sidii ay Bangalasheedh u xoroobi laheyn, iyaga oo hindidu ku fikirayey in markaasi ay xal u heli karaan khilaafka biyahaas, ayaa runtii noqotay mid aan xal loo helin. Madaxweynihii cusbaa ee dalka Bangaladheesh Mujibu Raxmaan ayey ciidamadu dileen 15kii bishii agoosto 1975tii iyaga oo ku eedeynayey arrimo ay ka mid yihiin in uu heshiis ku saabsan biyaha webiga Gaanjis la galay IndiraGandhi oo aheyd Ra’iisal Wasaaraha dalka Hindiya ee xilligaas. Mujiibu Raxmaan oo loo arki jiray in uu u janjeero dhinaca hindida, ayaa dilkiisii wuxuu dhaliyey walwal cusub oo ku yimid xiriirka labada dal, hindiduna waxay u arkeen in dilka madaxweynahu uu yahay arrin lagu muujinayo ka soo horjeedidda qorshooyinka Hindiya.

 

Khilaafka biyaha webiga Indus waxaa sii qaraareyn kara tijaabooyinka hubka Nukliyeerka ah ee ay sameeyeen labada waddan ee uu biyahaas ka dhexeeyo oo Hindiya iyo Bakistaan kala ah. Waxaa kaloo sii holcin kara arrinta murugada leh ee Gobolka Kashmiir, ee ay Hindidu maamusho. Kashimiir oo ah gobol maanta ka tirsan dalka Hindiya, waxa ku nool dad muslimiin ah oo u dagaalamayaan in ay Hindida ka xoroobaan, waxay kaalmo ka helaan dalka Bakistaan.

 

Webiga Indus, oo ka mid ah webiyada dunida ugu waaweyn, wuxuu wadaa biyo lagu

qiyaasay 207 bilyan oo m 3 sanadkiiba, wuxuuna ka biyo badan yahay in ka badan laba jeer webiga adduunka ugu dheer ee Niil. Webiga Indus, oo dhererkiisu gaarayo 3180 km wuxuu biyo ka helaa dhul la eg 970 000 km2 oo ku kala yaala Hindiya, Pakistaan,

Shiinaha & Afganistan. Heshiiskii biyaha Webiga Indus ee ay Hindiya iyo Pakistaan ku

kala saxiixdeen Sebtember 1960 magaalada Karachi, ayaa loo arkaa in uu yahay waxa

kaliya ee ay labadaasi waddan oo cadaw isku ah ay maanta tixgeliyaan dhaqan-gelintiisa.

 

Qalinkii: Macalin Eng Abdirashid Mohamed Jama (Belel)

governance002@gmail.com 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip