Caynaba Media Group

Mooganaanta Hoggaamiyayaasha Somaliland iyo Xikmadii Cumar Binu Khadaab

0
Sunday April 01, 2018 - 18:25:28 in Maqaallo by Editor Caynaba News
  • Visits: 148
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mooganaanta Hoggaamiyayaasha Somaliland iyo Xikmadii Cumar Binu Khadaab

    Hoggaamiyihii Muslimiinta (Amiirkii Muuminiinta) ee Cumar Bin Khaddaab, Alle ha ka raalli ahoodo e' ayaa maalin maalmaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyihii Muslimiinta (Amiirkii Muuminiinta) ee Cumar Bin Khaddaab, Alle ha ka raalli ahoodo e' ayaa maalin maalmaha

 ka mid ah  u yeedhay mid ka mid ah masuuliyiintii goballada ay dawladda Islaamku ka koobnayd xukumayey, waxa aanu weydiiyey, "Haddii laguu keeno ruux tuug ah, maxaa aad ku samayn lahayd?”  Masuulkii maba uu la waaban jawaabta ee waxa uu Amiirka muuminiinta si cad  ugu  yidhi, "Gacanta ayaa aan jari lahaa”

 

Cumar Bin Khadaab oo su’aasha xikmad wax u sheegid, iyo digniin uga jeeday ayaa ugu jawaabay, "Haddaba, Aniguna adiga ayaan gacanta kaa jarayaa, haddii qof ka mid ah dadka aan madaxda kaaga dhigay ii yimaaddo, isaga oo gaajaysan ama dhibaato kale haysato,

 

(Dhibaato ay tahay in dawladdu wax ka qabato)” Cumar Bin Khadaab Alle ha ka raalli ahaado e’ isaga oo sharraxaya sababta uu sidan u yeelayo ayaa waxa uu masuulkan ku yidhi, "Alle waxa uu uumiyihiisa masuul inooga dhigay, in aynu gaajadooda daboolno, cawradooda asturno, xirfadna u abuurno.

Haddii aynu intaas u qabanno, waa aynu ka kasbannay mahadnaqeeda. Gacmahan waxa uu Alle u abuuray in ay shaqeeyaan, haddii ay wanaagga iyo u hoggaansamidda Alle shaqo ka waayaan, macsiyada iyo xumaanta ayaa ay shaqooyin ka helaan.

 

Hadaba imisa hoggaamiye oo maanta haga dalalka Soomaalida ayaan ka war qabin xaaladda ay ku sugan yihiin umadda ay horseedka u yihiin , ma jiraa madaxweyne masuul uu gobol u dirtay kula xisaabtama ? Mase jiraa Madaxweyne yaqiisan in maalinta qiyaame la waydinayo umadda uu hagaha u ahaa ?  jawaabtu waa may waayo intii uu la xisaabtami lahaa waxa uu ku jeeda hawl kale oo umadda hagar-daamo ku ah sida Musuq maasuq , qof jeclaysi iyo dano gaar ah , su’aashu waxa ay tahay haddii hoggaamiyeyaasha maanta jooga uu Cumar Binu Khadaab kusoo gaadhi lahaa miyaanu labada gacmoodba jareen.? ileen waa kuwaa shacabkii doortay  gaajaysan , haraadan ee diiftu ka muuqato mana helaan adeegyada bulshada Sida biyo nadiifa , Caafimaad , Waxbarsho iyo xirfadda loo abuuro , taas oo ay maanta u dheer u tahay in bulshada inta badan ay qutal daruuriga ku helaan si adag ama ay waayeen ba , iyada oo ay jiraan qoysas badan oo biyo kulul caruurta dheriga u saara si ay uga dhigaan in cunto u karayso .

 

dad badan ayaa amminsan in shacab xun aanu kasoo bixin hoggaamiye wanaagsan balse waxaa jira boqolaal hoggaamiye oo wanaajiya shacabkooda oo xummaa.

 

Fiiro gaar ah : Hoggaamiye dhaliisha wanaagsan waa toosiyaha iyo tilmaamaha daldalooladaada Mammul ee u dhego nuglow oo ha u qaadan in duulan lagu yahay ama lagugu baacsanaayo kursiga aad saaran tahay .

 

Dadyahow loosoo tashaday

Iyana sii kala tashaday

Intaad tashataan mar’uun

Xaqaad weli tebanaysaan

Inaydun  tilmaantaan

Miyaad ka talaalan tihiin?

 

W?Q: Wariye Saciid Cagjar

Hargaysa

Tell : 00252634421898

Email Saciidm66@gmail.com

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip