Caynaba Media Group

Dulucda Waraaq Garnaqsi ah oo Madaxweynaha Somaliland u Kala Diray Goleyaasha Caalamka iyo Dalalka Waaweyn

0
Monday March 12, 2018 - 18:52:48 in Wararka by Editor Caynaba News
  • Visits: 852
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dulucda Waraaq Garnaqsi ah oo Madaxweynaha Somaliland u Kala Diray Goleyaasha Caalamka iyo Dalalka Waaweyn

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa waraaq u kala diray beesha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa waraaq u kala diray beesha
caalamka, oo uu ku caddeeyey inay qaddiyada   Somaliland tahay mid muqadas ah oo aanay cidna u dabo fadhiisanaynin qaranimada    madax-bannaanida dalkeeda.
Siday  ku warantay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA,  waxa madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu Axadii maanta 11.03.2018 qoraal  rasmi ah u kala diray urur goboleedka IGAD, Qarammada Midoobay ee UNka, Ururka Jaamacada Carabta ee [Arab League], Ururka Midawga Afrika  ee [AU], Midawga Yurub  ee [EU], boqortooyada Ingiriiska (UK), Dawladaha Maraykanka iyo Denmark.
Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi wuxuu waraaqaha  uu u kala diray   beesha caalamka uu  ku nuuxnuuxsaday  in qaranimadda Somaliland ay ku timid rabitaan shacbi oo ummadda reer  Somaliland madax-bannaanidoodii ay kala soo noqdeen Soomaaliya sannadkii 1991kii.
 
Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ayaa sheegtay in waraaqda madaxweynaha Somaliland u diray ururrada iyo goleyaasha caalamka ay jawaab waafiya u tahay   hadalladii ka soo yeedhay dawladda Muqdisho ka talisa ee ay kaga hadlayeen heshiiska saddex geesoodka ah ee dhex maray Somaliland, DP World iyo Dawladda Itoobiya, kaasoo ahaa heshiis  maalgashi.
 
Waxaanu madaxweynuhu u sheegay dawladaha iyo ururada ay ku socoto warqadaasi in hadalka ka soo yeedhay Soomaaliya aanu ahayn mid ku saabsan heshiiska DP World balse uu yahay mid duulaan ku ah madax-bannaanida  Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu wacad ku maray in dawladda Somaliland iyo shacbigeeduba aanay marnaba u dulqaadanayn, hadallo deel qaafa iyo gardaro caddaana oo kaga yimaada dawladda Muqdisho itaalka daran.
 
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu  waraaqdaas ku iftiimiyey in aanay ka noqosho lahayn gooni isu-taagga  Somaliland isla markaana  heshiisyada ay  gelaysaana yihiin  kuwo aan ka noqosho lahayn, Soomaaliyana aanay wakhti iskaga lumin arrimaha Somaliland ee ay daneheeda ka raacato.
Madaxweynaha Somaliland wuxuu ugu dambayn Soomaaliya ku booriyey inay ka waantoobaan   dhaqanka xiqda iyo xasadka ay Somaliland u muujiyaan  mar kasta oo Somaliland horumar ku talaabsato.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip