Caynaba Media Group

Ra'iisal Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Oo La Kulmay Ra'iisal Wasaaraha Dalka India + Sawiro

0
Monday March 12, 2018 - 13:07:09 in Wararka by Sacad Afjar
  • Visits: 154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisal Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Oo La Kulmay Ra'iisal Wasaaraha Dalka India + Sawiro

    Hargaysa(CYN)Ra'iisal Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Oo La Kulmay Ra'iisal Wasaaraha Dalka India + Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(CYN)Ra'iisal Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Oo La Kulmay Ra'iisal Wasaaraha Dalka India + Sawiro Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa

magaalada New Dalhi ee dalka India kulan gaar ah kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalka India Narendra Modi.

Image may contain: 2 people, including Jimcaale Cali, people sitting and indoor


 


 

Labada masuul ayaa waxa ay ka wada hadleen siddii labbada dal Soomaaliya iyo Hindiya isaga kaashan lahaayeen dhinacyada arrimaha bulshada khaasatan Caafimaadka iyo waxbarashadda iyo in Shacabka Soomaaliyeed loo fududeeyo dal ku galka Hindiya.


"Waxaan la kulanay Ra’iisal Wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi, runtii kulankaasi oo aad muhiim u ahaa waxaanu kaga wada hadalay siddii labbada dal Soomaaliya iyo Hindiya isaga kaashan lahaayeen dhinacyada arrimaha bulshada, guul ayuuna ku soo dhamaaday” ayuu yiri mudane Khadar.


Ra’iisal Wasaaraha dalka India Narendra Modi ayaa dhinaciisa wuxuu balan qaaday in India ay Soomaaliya si dhaw ugala shaqaynayso xiriirada iskaashi ee arrimaha Bulshada iyo kuwa Dibloomaasiyadeedba.


Wafddiga Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya ayaa inta ay joogaan dalkaasi India kulammo la yeelan doona qaar ka mid ah madaxda ka qayb galaysa shirka halkaasi ka dhacaya oo uu kala hadli doono iskaashiga labada dhinac.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip