Caynaba Media Group

Calanka Buluugga

0
Sunday March 04, 2018 - 11:19:50 in Maqaallo by Editor Caynaba News
  • Visits: 304
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Calanka Buluugga

    1950-kii ayay UN-tu ka dalbatay Gumaystihii Itaaliya - Ee gumaysanayey Koonfurta Soomaaliya in uu muddo Toban sano ah Koonfurta Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1950-kii ayay UN-tu ka dalbatay Gumaystihii Itaaliya - Ee gumaysanayey Koonfurta Soomaaliya in uu muddo Toban sano ah Koonfurta Soomaaliya ugu diyaariyo Hannaan Dawladnimo xor ah. (Trusteeship) Wax yaalaha ugu waa wayn ee Itaaliyaanku Dadkii koonfureed u diyaarinayey waxa kamid ahaa: Aqoonta Dawladeed iyo Is-xukunka "Experiencing in Political education and Self-government"

Muddadaa tobanka sano ah, waxa sii xoogaysanayey dhaqdhaqaaqyo xornimo doon ah iyo Xisbiyo Siyaasadeed oo ay SYL ka mid ahayd. Sidoo kale waxa jiray Gole-hoosaad uu Talyaanigu sameeyay (Territorial council) ; Gole-hoosaadkaa waxa xubno kulahaa dhammaan Asxaab siyaasadeedkii iyo Bulshada caadiga ahba.

Sidoo kale waxa jiray CALAMO dhawr ah oo ay kala lahaayeen Asxaabtaasi. Waxa se ugu waynaa oo ugu caan sanaa Calamadaa kii SYL lahayd. Markii lasoo gaadhay Sannadkii 1954-tii ayaa khilaaf wayni ka dhashay Calanka la qaadanayo iyo Astaanta uu yeelanayo. Isla sannadkaa ayaa Soomaalidii waqooyi oo Ingiriis gumaysanayey warkii gaadhay in Calankii Xornimada koonfuri ku qaadan lahayd muran ka taagan yahay. Maandaama Soomaalidu gumaysi ka soo daashay. Waxa jiray jacayl xoog badan oo isku riixayey Dadkii labadaa Gobol kala degganaa. Jacayl kaasi wuxu sababay in Siyaasiyiin Waqooyi ah Soo jeediyaan in la qaato calanka SYL. Sababtuna waxay ahayd Calanka SYL wuxu lahaa Calaamad muujinaysa 5-tii gobol ee Soomaaliyeed. 

Halkaa iyadoo maraysa xaaladda calanku, ayaa waxa fekrad layimi AHU Maxamed Cawaale oo Soo jeediyey in Calanka UN-ta ee Midabkiisu Buluugga yahay la qaato, isla markaana Xiddigta-shanta gobol ee Soomaaliyeedna dhexda lagaga dhigo. Sidii ayaa laysku waa faqay oo la qaatay.

Markii la soo gaadhay 1957-dii oo dabayshii xornimada Afrikana ay sii xoogaysata. Waddan-kii ugu horreeyay Afrikada madawna uu xornimadii qaatay Gaana -(Ghana). Ayay Soomaalidii Waqooyi iyo koonfuri ku heshiiyeen in ay hal calan yeeshaan oo ay midoobaan xornimadooda kadib. Sidii ayaa go'aan lagu qaatay. Waxase xusid mudan in ay Koonfuri ka gaws qabsadeen midninada degdegga ah,  ayna soo jeediyeen in marka Dal walba Dawladdiisu u hanaqaado ka gadaal in laga fekero arrinta Midawga. Waxase taa ka diiday oo ku qanciyey in degdeg loo midoobo isla marka xornimada lahelaba Siyaasyiintii Waqooyi. 

26.June, 1960, ayay Soomaalidii Waqooyi (Soomaalilaan) xornimadoodii heshay oo noqdeen Waddankii ugu horreeyay Ee Soomaaliyeed ee xornoqda. Sidii Ballantu ahayd ayaa Soomaalidi waqooyi Calankii Buluugga ahaa ka taageen Beertii Xorriyadda ee Hargeysa.

Afar-cisho kadib ayay Soomaalidii koonfureedna xornoqdeen oo talyaanigu siiyey Xornimadoodii dal ahaaneed.

Arrinta xiisaale waxay tahay. Haddii Soomaalilaan ay Waqtigaa midawga iska dayn lahayd oo ay Waddan gaara sidaa ku ahaan lahayd. Soomaalidii koonfureed waxay ku qas banaan lahaayeen inay Calan kale samaystaan . Maandaama Calankii Buluugga ahaa noqday mid Waddan kale yeeshay. Maantana Calanka Buluuggi wuxu ka taagnaan lahaa Soomaalilaan

Farxaan Maxamuud Maxamed "Galaydh"


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip