Caynaba Media Group

Guddoomiye Sharmarke Geelle oo Labadda Guddoomiye Shirguddoon ee Baarlamaanka Somaliland Kulan Wada Jira la yeeshay

0
Tuesday February 13, 2018 - 21:38:24 in Wararka by Editor Caynaba News
  • Visits: 255
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Sharmarke Geelle oo Labadda Guddoomiye Shirguddoon ee Baarlamaanka Somaliland Kulan Wada Jira la yeeshay

    Guddoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa xarunta Baarlamaanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa xarunta Baarlamaanka

ee Somaliland kulan wada jira kula qaatay labada Guddoomiyeyaal ee golaha Guurtidda md Saleebaan Maxamuud Aadan iyo golaha wakiilada Somaliland md Baashe Maxamed Faarax, waxaana uu warbixin ka siiyey Hawlaha Culus ee shaqo ee hay’addiisu wakhtigan qaranka u hayso oo ay ugu wayn tahay hawlgalka diwaangelinta madax taabashadda iyo tirinta shaqaalaha dawladda lagu sugaayo tiraddooda iyo tayadooda.

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa kulanka uu maanta Xarunta Baarlamaanka kula qaatay labada Guddoomiyeyaal ee golaha Guurtidda md Saleebaan Maxamuud Aadan iyo golaha wakiilada Somaliland md Baashe Maxamed Faarax, waxa uu sheegay inay sido kale isla falanqeeyeen qaabka loo diwaangelinaayo shaqaalaha ka hawlgala xarunta labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland.

Waxaana qoraal kooban oo uu tafaasiil kaga bixiyey kulankani gaarka u ahaa isaga iyo labada guddoomiye ee Baarlamaanka Somalialnd uu Sharmarke Sharmarke Geelle ku yidhi  "Maanta  waxa aanu kulan wada qaadanay guddoomiyeyaasha Gollaha Guurtida iyo Wakiilada; Md. Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Md. Baashe Maxamed Faarax. Halkaas oo aanu ka wada hadalnay himilada iyo yoolka hay’adda shaqaalaha dawladdu ka leedahay diiwaangelinta shaqaalaha dawladda. Sidoo kale, waxa aannu is la eegnay, hannaanka loo marayo diiwaangelinta shaqaalaha labada golle, ugu dambeyn (u jeedkuna waa) Shaqaale tirsan iyo adeeg tayo leh, waa halbeegga hay’adda shaqaalaha dawladda




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip