Caynaba Media Group

Hambalyo Ku Socota Musharax Doorashada Golaha Deegaanka Hargeysa Md. Ismaaciil Muuse Sheekh Aadan (Ismaaciil Dhako)

0
Tuesday February 13, 2018 - 18:54:46 in Maqaallo by Editor Caynaba News
  • Visits: 186
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hambalyo Ku Socota Musharax Doorashada Golaha Deegaanka Hargeysa Md. Ismaaciil Muuse Sheekh Aadan (Ismaaciil Dhako)

    Waxan halkan Hambalyo mug iyo miisaanle oo taageero ah la u marinaynaa Musharaxa Golaha Deegaanka ee Doorashada 2019

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxan halkan Hambalyo mug iyo miisaanle oo taageero ah la u marinaynaa Musharaxa Golaha Deegaanka ee Doorashada 2019

Md. Ismaaciil Muuse Sheekh Aadan oo maanta Hargeysa kaga dhawaaqay inuu u taagan yahay Doorashada Golaha Deegaanka ee inu soo fooda leh .

Ismaaciil Muuse Sheekh Aadan oo ah khabiir mudo dheer kasoo hawl-galaayey Dawladda Hoose Hargeisa isla markaana Waayo aragnimo balaadhan u leh habka iyo hanaanka shaqada dawlada hoose ee Hargeysa ayaa kamida haldoorka bulshada Caasimada Hargeysi aadka u qiimeeyaan uguna tixgaliyaan Sharafta iyo Karaamada baaxada leh ee uu ka kasbaday mudadii dheerayd ee uu kasoo hawlgalaayey Xarunta Dawlada hoose ee Hargeysa.  




Md. Ismaaciil Muuse Sheekh Aadan ayaa Gudoomiye kasoo noqday dhamaan Sideeda degmo ee magaalada Hargeysa ka kooban tahay isagoo isla markaasina kasoo qabtay waxqabad muuqda oo la taaban karo. Taasi oo sababta taageerada muga leh ee uu ka kasbaday dhamaan bulshada sideeda degmo ee Caasimada Hargeysa oo si weyn usoo dhawaysay Musharaxnimada Md. Ismaaciil Muuse Sheekh Aadan.


Guntii iyo Gunaanadkii Guul ayaan u rajaynaynaa Musharax Md. Ismaaciil Muuse Sheekh Aadan (Ismaaciil Dhako)



Cabdixakiim Cismaan Daahir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip