Caynaba Media Group

Tixdii iyo Taariikhdii Abwaan Nimco Aadan Hurre (Nimco-gabaydo): Qormada Labaad. W/Q Siciid Gahayr

0
Tuesday February 06, 2018 - 19:44:52 in Maqaallo by Editor Caynaba News
  • Visits: 263
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tixdii iyo Taariikhdii Abwaan Nimco Aadan Hurre (Nimco-gabaydo): Qormada Labaad. W/Q Siciid Gahayr

    Qaybta labaad waxa aynu ku soo qaadan doonnaa laba ka mid ah gabayadii Nimco-gabaydo IHUN, oo ka mid ah kuwii koowaad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaybta labaad waxa aynu ku soo qaadan doonnaa laba ka mid ah gabayadii Nimco-gabaydo IHUN, oo ka mid ah kuwii koowaad

 ee ay curiso kuwaas oo la kala yidhaahdo Qaranku kaa yaab iyo kaalay iga baano. Marka aad gabayadan aragto waxa aad ka marag-furaysaa sidii ay suugaanta abwaanaddu hodanka u ahayd illaa xilligii ay barbaarta ahayd.



Qaranku kaa Yaab

Miyaa uu jiraa qof jecel in wax laga sheego hooyadii, walaashii, xaaskiisa iyo dumarka xigaalkiisa ahi?. Gabaygani waxa uu fallaadh ku yahay ragga dhaqanka ka dhigta wax-ka-sheegga, af-legaaddada iyo cayda haweenka Soomaaliyeed guud ahaan. Waxa uu tilmaamayaa in nimankas sidaas u dhaqmaa ay ka garaaad iyo garasho hooseeyaan aadamaha kale.

 

Hal-abuurku waxa ay u caqli-celinaysaa labka la ficiltama ee aan u dulqaadan haweenka. Waa gabay ay tirisay Abwaan Nimco Aadan Hurre (Nimco Gabaydo) 21kii Oktoobar 1991kii, waana gabaygii kowaad ee ay curiso.

 

Wuxuu yidhi

 

Qashiin lagama waayiyo arlada, qoomamiyo ciile

Qarjac muudle waa arki jiray, qaatan abidkiiye

Allay lehe qasaarawdayoo, qurux lagaa waaye

Waar haddaad xil qaaddoo ninnimo, Qaaddir ku dhaliyo

Qabsoo dumarka caydooda waa, laga qashaafaaye

 

Marwadaad qabtiyo hooyadii, uurkka kugu qaadday

Ma qumana walaashaaa inaad, xumo u quudhaaye

Anna qaabaddoodaan ahoo, qadafku way ceebe

Haddaad qiimo leedahay hablaha, waad qaddarin layde

Nacas sharaftii laga qaadayoo, qaawan baa tahaye

Kaligay kumaan qoonsannine, qaranku kaa yaabye

Qoomaha aad leediyo markaan, eego qadafkaaga

Anigoo nisaa ku qajila, mararka qaarkoode

Ma is qoomamaysaa maxaa, taladii kaa qaaday?

 

Gabayga labaad waxa la yidhaahdaa "Kaalay iga baano” waxa uu ka warramayaa boholyow iyo caashaq bogga ku dhashay. Waana kan isaga oo faahfaahsan.

 

Kaalay Iga Baano,

Waa gabay ay tirisay Abwaan Nimco Aadan Hure (Nimco Gabaydo) Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo’e. Hal-abuurka oo faallanaysa aragtideeda ku aaddan jacaylka, xilligii uu gabaygani curtay iyo sababta ku dhalisay waxa ay tidhi "Jacaylku waa wax muhiim u ah nolosha. Waana mid aan u arko in uu diin ahaan iyo dhaqan ahaanba sax yahay. Mar Cilmi-Boodhari laga sheekaynayay ayaan dhegaystay nin Sheekh waxaanu wadaadku yidhi ‘qofka jacaylka u dhintaa waa shahiid’.

 

Nin qarta iyo nin qariyaba jacaylku waa daran, waana la iska wada daaqayaa  sida xoolaha qofba in uu ka goostaba.  Xilliga dhallinyarannimada abwaanka haddii aanu jacayl helin ma noqdo abwaan. Haddii uu noqdana abwaannimadiisa waxbaa ka dhiman ayaan qabaa. Maxaa yeelay galgacalku wuxuu ku jiraa xaaladaha ad-adag ee uu qofka hal-abuurka ahi uu abwaannimadiisa ku shaacin karo.

 

Haddii aan soo qaato gabayadii aan jacaylka ka tiriyay illaa dhallinyarannimadaydii, uma arko illaa hadda wax dhib ah oo jacaylka waan ka gabyi karaa. Mid saygayga ah, mid aan awlaad u dhalay iyo ubad aan dhalayba jacaylku wuu noocyo badan yahay. Gabayada aan jacaylka ka tiriyay waa ay badan yihiin, waxa aan se ugu jecelahay kii aan ugu hor tiriyay waxaana la yidhaahdaa Kaalay iga baano.

 

Gabaygaas waxa aan tiriyay 1993kii aniga oo jooga magaalada Berbera. Waxa aan u tiriyay nin reer Burco ah, waxaanan u dhiibayay nin saaxiibkii ah oo reer Hargeysa ah oo Cabdillaahi la yidhaahdo. Gabaygu waxa uu ahaa farriin”.

 

Goobta ay joogtaa waa Berbera iyo halkii Boodhari ku aasnaa. Gabaygu waxa uu ahaa qayla-dhaan, waana laga baantay.

 

 Waxaanu ku bilaabmayay sida tan:

 

Cishqi waa bukaan oo hadduu, beerka ii galay-e

Bedankeyga laabtiyo qalbigu, way belbelayaay-e

Sambabada budoodiyo wadnuhuu, boog ku leeyahay-e

Barta laga dhaaqaaquu i degay, oo bes-baan ahay-e

Bal qabsoo intuu dhaw yahaa, la is banbaanshaaye

Kol hadduu ballaadhuu fiduu, beermo caashaquna

Bog ma leh ladnaantiisiiyoo, waa gu’yaal badane

 

Cabdillaahi Baashaw haddaad, boowe socod maagto

Beryo nabad ku waar oo Ilaah, beleda ka hay-e

Banjar iyo Ilaah ka fogee biro, xumaantood-e

Bureeqiyo sidoodii u soco, haadda baalka leh-e

Bisinkiyo ducaan kugu ladhiyo, belo xijaabkiiye

 

Burco iyo Togdheer iyo haddaad, baro sankii gaadho

Balse kaan jeclaaa iyo haddaad, baarrigii aragto

Yartii way bugtoo waxay ku tidhi, "bogo warkaygaa dheh

"Jacayl baaxad weynbaa helay, barashadaadii dheh

"Bishaan kala maqnayn bay indhuhu, arag basaaseen” dheh

"Adaan ku buseeloo hurdana, aad umaan bogan” dheh

"Biyo kolay ku tahay dhuunigaan, badi illaawaa” dheh

"Bar-baartii ma raacoo tabtii, Boodharaan ahay” deh

 

Bu-da maqalka iyo dhaayihiyo, baalashiyo wiilka

Bahda iyo hal-bawlaha wadnaha, bidix iyo jiidhka

Sambabkayga bilan iyo kalyuhu, way babanayaane

Baaxaa degggaygiyo intaanay, badannin hawshaydu

Durba waygu baahaye intaanu, halista sii beegsan

Boholyawga caashaqa intaan, lay bud dhigin iilka

Basarkii kuwii hore inaan, laygu qorin buugta

Adigaygu beeraye samaw, kaalay iga baano


 


La soco qaybta saddexaad haddii Eebbe idmo.


Siciid Maxamuud Gahayr

Hargeysa



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip