Caynaba Media Group

Daawo:- "Qolyaha Soo Duulaya Waxaan Leeyahay Gar-darrooyinka Joojiya,Gar-darrooyin Badan Ayaad Wadaane, Madaxweyne Muuse Biixi waxaan leeyahay…"Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil

0
Thursday January 11, 2018 - 14:58:06 in Wararka by Sacad Afjar
  • Visits: 292
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:- "Qolyaha Soo Duulaya Waxaan Leeyahay Gar-darrooyinka Joojiya,Gar-darrooyin Badan Ayaad Wadaane, Madaxweyne Muuse Biixi waxaan leeyahay…"Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil

    Hargaysa(CYN) "Qolyaha Soo Duulaya Waxaan Leeyahay Gar-darrooyinka Joojiya,Gar-darrooyin Badan Ayaad Wadaane, Madaxweyne Muuse Biixi waxaan leeyahay…"Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(CYN) "Qolyaha Soo Duulaya Waxaan Leeyahay Gar-darrooyinka Joojiya,Gar-darrooyin Badan Ayaad Wadaane, Madaxweyne Muuse Biixi waxaan leeyahay…"Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil ayaa shaaca ka qaaday in isbedel lagu sameeyo xuduudaha qaarada Afrika aanay suurtagal ahayn, xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya-na la mid yahay, markaa ninkii beer ninkale doonayaa, hayska soo baxxo.

Suldaan Saleebaan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa shalay ayaa faahfaahin ka bixiyey lahaanshaha xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa yidhi,

 

"Waxaan salaamayaa Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi, waxaan leeyahay Hambalyo, Ilaahay xilka ka kuu fududeeyo. Madaxweynaha waxaan leeyahay xuduudaha difaacoodu waa waajib muqadas aah, dulqaadna ha lagu daro.

 

Suldaan Saleebaan oo ka hadlayey duulaanka maamulka Puntland iyo Soomaaliyaa ayaa digniin u jeediyey, waxaaanu yidhi, isagoo ka hadlaya,

 

"Qolyaha soo duulaya waxaan leeyahay gardarooyinka joojiya,gardarooyin badan ayaad wadaane joojiya.

 

Mar uu ka hadlayey xuduudaha ayuu sheegay in xuduudaha Somaliland, Soomaaliya, jabuuti iyo kiinya, dhinac badda, hawada iyo berrigaba ummadihii haysan jiray ayaa dhigay, waxaanu yidhi,

 

"Xuduudaha dhamaantood bad, hawo iyo berriga waxa dhigay ummadihii haysan jiray dhulka Soomaalidu degto. Sanandkii 1960, dawladii Soomaaliya wasiir la odhan jiray Axmed Yuusuf Ducaale ayey Masar u dirtay, wuu isku raray dadkii aynu xuduudahaa la lahayn, haddaydaan haayn jawaabtii la soo siiyey, xog-ogaalka wax weydiiya?.

 

"Xuduudaahu dhamaan Afrika iyo Ajanabi kale ayey khuseeyaan ayaaa lagu yidhi, xuduud halkeeda laga dhaqaajin karo immika ma jirto ayaa lagu yidhi, malaa raggii arrimahaa ogaa way idinka dhamaadeene, dadka toyda. Xuduudkaa gudban eed yaraysanaysaan, xuduudaha ayey la mid tahee Bismilaysta, qirrid la’aantiinu waa gardarro.

 

Suldaan Saleebaan ayaa sheegay inaanu isir xuduud samayn, waxaanu isagoo ka hadlaya yidhi,

 

" Qoyskayaga badhna jabuuti ayuu degan yahay, badhna Somaliland, Itoobiya, halka Jifi-micidheer marka laga bilaabo Beertayada xuduudka ayaa kala dhexmara, walaaladay badhna Itoobiya ayey degan yihiin, badhna halkan, kuwa halkaa jooga, annaga na soo damci mayaan oo Itoobiya & Jabuuti ayaan ku daraynaa odhan maayaan, annaguna damci kari mayno oo dad isir ah ayaa Itoobiya naga joogo, waan ku duulaynaa odhan mayno, taasina waa garrdaro labaad ood samaysaane joojiya. "Puntland lama aqoon iyo xarfaha haatan soo baxay’e, boonderiga gaaladu dhigeen, waa halkii hore’e, ninkii beer nin kale doonayaa, hayska soo baxxo.



 

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip