Caynaba Media Group

Qormo: Soyaalka lacagta

0
Thursday January 04, 2018 - 22:12:17 in Maqaallo by Editor Caynaba News
  • Visits: 600
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qormo: Soyaalka lacagta

    Mahadinta Eebbe ayaan ku furanayaa, galladdiisa nagu nooleeyay, garaadka iyo agabka kale ee aqoonta lagu kasbado, lagu na

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mahadinta Eebbe ayaan ku furanayaa, galladdiisa nagu nooleeyay, garaadka iyo agabka kale ee aqoonta lagu kasbado, lagu na

weeleeyona hiba ahaanta noo siiyaya. Nebi Muxamed na nabadqab iyo meeqaamkii sare  ayaan Rabbiga uga tuugayaa, wehelkiisa in uu naga yeelo na waan wayddiisanaynaa.

Qoraalkan yar dulucdiisu waxa ay ku dul qotontaa kor-ka-xaadinta kacaa kufkii dadku la soo maray is waydaarsiga badeecadaha iyo adeegyada. Qoraalku waxa uu isku deyayaa inuu guudmar ahaan uga tibaax bixiyo heerarkii kala duwanaa ee lacagtu soo martay, isaga oo marmarna is dul taagaya caqabadaha heerarkaas soo wajahayay iyo siyaalaha loo furdaamiyay ba.

Kaalinta nolasha ee lacagta

Lacagtu kaalin la mahadiyay ayay nolosha kaga jirtaa, ka ga na soo jirtay milay dheer. Dhinac dhaqaale iyo dhan isdhexgal ba waxay u tahay lafdhabar tiirisa. Siiba eeggan benderawgu baahay lacagta waayitaankeedu waxa ay ku geyaysiin kartaa in aad ku noolaato nolol faquuqan oo doc walba ka dayacan. Kuwa quudka hayaa way gadayaan, daryeel caafimaad inaad hesho lacag ayay ku xidhantahay, degelka aad ku dhallaan korsanayso lacag ayaad ku kiraysan/iibsan. Waxbarashada,  marriinka, korantada iyo gaadiidka aad ku boqoolayso intaba lacagta ayaa kala socodsiinaysa.

Xaqiiqadaa isaga  oo ka dabqaadanaya ayuu Xasan bin Muxamad An-nisabuuri, marka uu sharraxayo aayadda 14 aad ee suuradda Al-Cimraan waxa uu qorayaa  "Dahabka iyo Qalinku (lacagtii milaygaa la adeegsanayay) waa halbeeg qiimeedka shay kasta, qofkii mulkiyaana waxa uu la mid yahay qof shay walba mulkiyayay”.

Dhaqaale yahan Arthur Lewis ayaa isna kitaabkiisa –theory of economic growth- ku yidhi, hadal nuxurkiisu u dhignaa  "daah ka faydka lacagtu waxa uu ahaa guul wayn oo aadamuhu gaadhay, taas oo aan sinaba uga muhimad yarayn, ikhtiracii xuruufta alif-beetada iyo heliddii farsamooyinka dab dhalinta…”

 

 

Qeexitaanka lacagta

Muranbadan ayaa hadheeya qeexidda erayga "lacag”.  Inta badan se laba hilin ayaa mid kood la maraa si loo qeexo; in qeexitaanka lagu saleeyo shaqada ay lacagtu qabato            –waana ka loo badan yahay- iyo  in qeexitaanka lagu saleeyo  walaxda lacagtu ka samaysanatahay.  habka hore ayaa aynu qaadanaynaa, waxa na uu odhanayaa sidana, ‘Lacagtu waa wiciyad dadka u kala wareejisa badeecadaha iyo adeegyada ay is waydaarsanayaan, isla jeerkaana ah beegaal qiimeedka walxaha la kala gadanayo, welibna bulshadu is la wada ogashahay ee aan daraf ka mid ahi dafirsanayn’.

Geeddigalkeedii (Evolution)

Aadamaha bilawgii hore baahidiisu way urursanayd oo barwaaqada  degaanka dabiiciga ah korkiisa taalla ayaa ku filnayd; Midho ragaagacay oo jaadad badan ayuu quudan jiray, caleemaha dhirta iyo hargaha ugaadhana huga iyo jaamaha ayuu ka farsamysan jiray, hogag iyo buqcado dugsoon oo uu u hoydona ma uu waayi jirin.

Kolkii la bulshoobay ee baaxadda dadkuna fidday ayay soo baxeen baahiyo  cusub oo tiro badani, waxana  soo gebagebaysmay habnololeedkii hore ee nin-toocsiga ku binaysnaa. Beddelkiisana waxa loo ruqaansaday hab-nololeed cusub oo iskaashi iyo hawlwadaagnimo ku salaysan. Haddaba, si loo qaraariyo baahiyaha cusub ee bulshoobidda ku lifaaqnaa, qof kastaaba waxa uu si iskii ah ugu foofay hawshii fulinteedu la fududayd. –Specialization/التخصص. Qaybo bulshad ka mid ahi waxay u go’een beerofalka, qaar kale ayaa tumaalaynta xarfaan ku noqday, darbaa tollinka u weecday, kuwo kalena belediyaynta xoolaha ayay u jeesteen.

Maadaama oo cid waliba tacabkeedii meel qudha kula tuntuunsatay (isugu gaysay) wax-soo-saarkii iyo tayada wixii la soo saaray ba si isku mid ah ayay u kordheen. cid waliba na waxa ay soo saartay wax ka badan beehideedii shakhsiyeed/qoyseedba. Markaas ayaa waxa bilaabmay in dheeraaddada la is dhaafsado. Tisqaadinama nidaamka wax waydaarsiga ‘Kala beddelashada’barter trade/المقايضة, ayaana unkamay.

 

Is waydaarsiga ‘kala beddelashada’ oo qaarna ugu yeedhaan "Iiddoori” waa nidaam qofku dheeraadka wax-soo-saarkiisa uu ku doorsanayo qof kale wax-soo-saarkiisa inta ku saayidka ah ee baahidiisa ka baxsan. Haddii aynu tusaalaynno, qof raacato ah oo riyaha dhaqdaa si uu u helo dhar uu dhaxanta ka huwado waxa uu ku qasbanaa inuu qayb ka mid ah ahminkiisa/daabaxiisa dhartolaha maryo kaga beddesho. Sidaa oo kale kabatole marka uu u baahdo maacuun uu wax ku cuno ama ku cabbo  waa in uu baadigoobaa weel-qore ay ‘kab iyo koob iwm’ is dhaafsadaan.

Muddo markii sidaa wax lagu waday ayaa nidaamkaa kalabeddelashada la sannifay. Ceebaha uu saluugga ku mutaystayna waxa ka mid ah –ku ma se dhammaystirra e:

1.       La’aanta rabitaan talantaalli ah (laba jihoole ah):  waxa aad u adkayd rabitaanada dadku inay is daboolaan. Oo metelan,  qof ayaa haya badeecadda "B” waxana uu doonayaa inuu ku beddesho badeecadda "R”. haddaba  waxa adkayd inuu sahal ku helo qof haya Badeecadda "R” oo doonaya inuu ku beddesho badeecadda "B”. haddii aynu si kale u tusaalaynoo, Xaddiyo waxa ay haysataa kolay kalluun ah, waxana ay raadinaysaa qof haya hadhuudh oo isla markaana doonaya inuu kalluun ku doorsado hadhuudhkiisa/eeda.

2.      Qaybsan darro: ma jirin sirsir waxyaabaha yaryar loo heli karayay; tusaale ahaan, qof hantidiisuba tahay ‘geel’ ayaa u baahday ‘waran’ uu dhawrta iskaga jiro. Illeen ma jirto lacag dhexdooda ka adeegaysaaye waa in uu tulud geeliisa ka mid ah mulkiyaddeeda ku wareejiyo Warantumaha. Saa tulud wax ka yarba waanu hayne.

3.      Kaydgal xumo: waaqacu waxa uu ina barayaa dadku in aanay u noolayn maantadooda oo keliya, balse ay ku werwersanyihiin berritadooda. Sidaa darteed waxa ku abuuran dabci faraya in ay dheeraadka wax-soo-saarkooda kaydsiyaan si ay uga gaashaantaan dhibaatooyinka la saadaalin karo iyo kuwa kedis ku iman kara ba, -mustaqbalka dhaw iyo ka dheerba. Taasina may suurogal ahayn waagaa. Maxaayeelay badeecadaha badan koodu ma kayd geli karaan muddo dheer, xataa muddada gaaban ayaaba ay kaydintoodu kharash badantahay.

4.       Isu dheellitir la’aan qiimeed:  badeecadaha iyo adeegyadu ma ay lahayn beegaal qiimeed sugan. Saamigal qiimeedk walxaha la is waydaarsanayona waxa jaan goyn jiray hadba sida loogu kala haarisanyahay ( loogu kala baahibadanyahay). Taa macnaheedu waxa weeye, kolba qofka baahida darani dabada ka riixayso ayaa bedeecadda uu isagu wareejinayo laga bursanayay.

 

Ceebahan sare furdaamintooda ayaa laga fekeray mar kale. Sahan-maskaxeedkii la sameeyayana waxa lagu daahfuray nidaamka ‘Lacagta’. Lacagta waagaa la daahfuray ma ay ahayn ta ay hadda naqaanno e, waa lacag kale loogu yeedhi jiray lacag-badeecadeed.  -commodity money/النقود السلعية

 

Badeecad "B” ayaa la isku afgartay inay noqoto walaxda bulshda ku dhex wareegaysa ee noqonaysa lacag. Degaanada kala duwani waxa ay isticmaalyeen lacag-badeecadeedyo kala duwan. Degaanada qaar milixda ayaa ay ka dhigteen lacag, qaar hargaha ayaa ay ka dhigteen, qaar timirta ayaa ay ka dhigteen, -qoloba wixii agtooda qaddarin ku lahaa ayaa ay ka dhigatay.

Mar kale ayaa nidaamka isna dhibaatooyin hor leh oo ganacsigii hanaqaadnimo u diiday  la soo gudboonaadeen. Caqabadahaa na waxa ka mid ahaa;

     *            Lacag-badeecadeed waliba waxay lahayd soohdin aanay ka tallabi karin. Degmooyin laga yaabo in aanay aad ba u kala fogayn ayaa laga kala isticmaalayay laba lacag-badeecadeed oo kala duwan.

     *            Muddo kooban marka ay badeecaddii wareegto ba waax ku dhacayay idalaad/doorsoon. Taasina waxa ay khasaare ku keenaysay ugu dambaynta qofka ay gacmihiisa ku idlaato/engeto.

Markale ayay mufakiriintii baahidaa awdiddeeda isu xilqaameen. Jeerkan ayaa na basharku ku baraarugay dhagxaanta macduunka ah (dahabka, qalinka, nikalka iwm). Dhagxaantani waxa ay ka fayow yihiin labada ceebood ee lagaga caymadayay lacag-badeecadeedka ee kala ahaa; ku-koobnaanta kob gaar ah iyo inuu haleelo idlaad ama engeg. Macdantan la lacageeyay iyadu waxa ay ku hubaysantahay haybad Rabbaaniya oo bulshooyinka dunida oo idil ayaa u haya maamuus iyo jamasho. Sidaa darteed waxa ay buuxiyeen kaalintii wareegga iyo kala wareejinta badeecadaha iyo adeegyada bulshooyinku is dhaafsanayaan.

 

Marxaladdan intii lagu gudajiray ayaa loo malaynayaa in dawladuhuna faro-gelintoodii koobaad ku sameeyeen amuuraha lacagta. Dhawr boqol oo gu’ ka hor dhalashdii nebi Ciise cs, ayaa la werinayaa in boqortooyadii Lydia(Turkiga) ay hal-abuurtay qaddaaddicii ugu horraysay  (lacag-macdaneed qaab goob ah u samaysan) . kadib, farsamadaa qaddaadiicdu waxay ku faaftay dunida oo dhan, oo dawldo badan ayaa farsameeyay qaddaadiic leh xaradh-godeedyo iyo masawirro ka turjumaya sawracooda (identity). Lakiin warka wanaagsani waxa uu ahaa, in qaddaadiicda ay samaysatay dawlad gaar ahi aan adeegsigeedu ku koobnayn geyiga dawladdaasi/boqortooyadaasi ka taliso oo qudha, balse dunida oo dhan laga adeegsanjiray, maaddaama oo ay ka samaysantahay walax caqiibo leh (Dahab, Qalin, balaatiin, iwm). Waxa keliya ee tixgelinta la siinayay waxa uu ahaa culayska iyo heerka saaafinida oo qudha.

Tusaale ahaan, milaygii nebi Muxamed scw uu farriinta faafinayay lacagta geyigaa uu ka hawlgelayay ka shaqaynaysay waxa ay ahayd; Dinar iyo Dirham, oo ka samyasnaa Dahab iyo Qalin -sida ay u kala horreeyaan. Dinarka waxa laga lahaa Boqortoyaddii Biisandiin, halka Dirhamka laga lahaa Beershiya (boqortooyooyinkii Iran). Haddana carabtu dhexdooda wax bay ku kala gadan jireen, dibadda na way kula macaamili jireen.

 

Nidaam lacageedkan tobanaanka qarni dunida ka shaqaynayay ayaa lagu majeertaa dhawr arimood oo uu kaga fooladsanaa nidaam lacageedyada kale, wax yaabaha la tilmaamo na waxa ka mid ah:

1-      Lacagta qiimeheedu qudh-dheeda ayuu ku samaysnaa, mana ahayn qiime dusha laga ga keenay oo qaanuunku u yeelay. Lacagta ka samaysan "waraaqad” qudh ahaan qiime u ma laha. Xaashi yar oo la sibbaaqay ma qiime ayay yeelan lahayd, haddii aan qaanuun arintaa qasbayaa jiri lahayn?? Lacag macadaneedka arrinkiisu waa uu ka duwan yahay oo rodol dahab ah marka aad wax ku gadanayso qudh ahaanteeda ayay qiime u leedahay, maadaama oo tahay qurub dahab ah.

2-     Dhagxaanta macdanta ahi si suququl (Scarce) ah ayay u jiraan, sidaa darteed waxa ay haystaan awood wax iibineed oo aad u sarraysa. Ku darso oo sicir bararka na ma saaciddo oo lacag markii la doono intii la ddoono laga daabacan karo ma aha.

3-     Lacag-macdaneedka samaynteeda si shakhsi ah loogama faaiidaysan karo, halka lacag qaanuuneedka abuuriddeeda dad gaar ahi ku danaysan karo. Ujeedka aan qodobkan uga socdaa waxa weeye , dad aan abidkoodba hal caanamaal oo qudha xataa xoogsi tegin ayaa abuuridda lacag qaanuuneedka ka kasban kara xoolo aan la xisaabin karin! Sababtu na waa, lacag kasta oo la abuuro waxa laga helaa faa’iido la yidhaahdo ‘Seigniorage/رسوم سك العملات’. Faa’iidadani waxa ay ka soo dhex baxdaa; faraqa u dhexeeya kharashka ku baxay samaynta 1 yunid oo lacag ah oo laga jaray awoodda wax iibineed ee 1 kaa yunid.

Tusaalaynta ayaa wax lagu fahmaaye ka soo qaad; bangiga dhexe ee Maraykan wax uu sameeyay $ 100. Samaynta $100 waxa ku baxay kharash, ay ka mid yihiin; qiimaha gabalka xaashida ah, khadadka lagu xardhay ee lagu shaabbadeeyay, korantada, qiima-dhaca mashiinka samaynaya ikk. Haddaba, haddii wadarta kharashka ku baxaya samaynta $100 uu noqdo $5, taa macneheedu waxa weeye in uu bangigu helayo $ 95 oo awood uu wax ku soo iibsan karo oo bilaash ah. Haddii uu bangigu daabaco $1000000, isaga agtiisa waxay ka tahay xaashiyo uu xaradh, liiddimo iyo masawirrona ku nashqadeeyay,  kharash aan boqolaal Doolar ka badnaynina kaga baxay, haddana waxa uu si fudud ugu la wareegaa gumaro bulshooyin kale dirqi ku soo saareen.

Buuniyo muslimiin ah oo badan ayaa qaba in adeegsiga lacag qaanuuneedka eeggan dunida laga isticmaalaa uu si toos ah uga hor imanayso ujeeddooyinka shareecada Islamka/الشريعة مقاصد. Maaadaama oo uu keensayo isku dulnoolaan iyo bililiqaysi gumareed aan geedla isgu soo toosin. Abuurashada awood iibsi oo cid gaar ahi ka faaiidaysnayso, sida bangiyada ganacsig iwm, sina ba uma bannaana ayaa ay qaban. Waxa kale oo buuniyaddani ay hoosta ka xarriiqaan in aan muslimiintu abid ka hoos bixi doonin galaangalka iyo gacan-togaalaynta reer galbeedka inta ay oggolyihiin lacag qaanuuneed qolyo kale. Waayo cidda aad lacagteeda aqbashay –iyada oo lacagtaasina agtooda ka tahay waraaqo wershado markii ay doonaan, intii ay doonaan ka  daabacayaan- weligaaba adoon ayaad u ahaan.

 

 

Culimadaa waxa ka mid ahSh. Cimraan xusayn –u dhashay tiriinidhaadh iyo Tubaygo-, Sh.Cabdulqaaddir A Suufi, asaasaha ururka Maraabiduun, Mahatir Muxamed –Rasiil wasaarihii hore ee Malaysia ikk oo badan.

 

Qarnigii 16 aad ayaa waxa qaaradda Yurub ka bilaabmay bangiyada. Baahida keentahay inay abuurmaan waxa lagu sheegaa "cabsi” ganacsatada soohdimaha isaga gudba ka soo wajahday dhuljiifyo ku mooryaanoobay lacag-macdaneedkaa kolba dhan loo walwaalayo.

Bangiyadu waagaa waxa ay bixin jireen ‘adeeg’ ilaalinta lacagta uun ku kooban oo ay mushqaayad kaga  qaataan dadka ay lacag-macdaneedka u xifdiyayaan. Qofku marku lacag dhigto bangiga waxa la siinayay kadh yar oo caddaynaya xaddi lacageedka uu bangiga dhigtay (bank notes).  Ballanqaad buuxana waa la siinayay isla marka uu kaadhka soo celiyo in lacag-macdaneedkiisa/keeda dib loo siin doono. Iyagoo oo ka wahsanaya inay marwalba bangiga aadaan oo kaadhadhka soo lacagaystaan ama sidsididda lacagta karhaya ayay dadku, kaadhadhkii yaryaraa dhexdooda ku kala adeegteen oo ku qabsadeen shaqadii lacag-macdaneedku u qaban jirtay. Muddo badan ayaa nidaamkan iyo nidaamyo kale oo aan ka ag fogayn la isticmaalayay. Waxana markasta la hubinayay in warqad kasta oo suuqa dhex wareegaysa qiimaha dusha kaga qoran oo macdan ahi bangiga u yaal. Tusaale ahaan, marka la damco in la abuuro warqad ay ku qorantay 20 rodol oo dahab ahi, ilaa 20 rodol oo dahab ah la helo mooyee lama abuurikarayn.

 

Nidaamkaa lacag-waraaqeedka macdanta ku salaysnaa  isaguna waxa uu geeriyooday 1971 oo ay dawladda maraykanku dumisay.  Madaxwaynihii  Maraykanaka ee waagaa Richard Nixon ayaa ka baxay heshiis dhanka lacagaha ahaa oo ay 44  dawladood madaxdoodu ku wada galeen magaalada Breton woods ee carriga maraykanka 1933. Heshiiska ay hore dawladaahaasi u wada galeen nuxurkiisu waxa uu ahaa in Doollarku ahaado sayidka lacagaha dunida,  Balse  aan bilaash loo abuurin e, dahabka lagu jaangooyo. Waxa lagu heshiiyay in, si loo abuuro $35 bangiga dhexe ee Maraykanku u helo 1 wiqiayad oo dahab ah/ 28.25 grm.

 Heshiiskana Maxdaxwayne Nixonayaa buriyay si uu dawldda maraykanka u hodmiyo oo ay u helaan awood bilaash ah oo wax kasta oo ay doonaan u jarta. Intaa wixii ka dambeeyayna lacagaha dunida oo dhami waxa ay isu beddeleen, lacago aan qudh ahaan qiime u lahayn se qaanuunku u yeelay. Lacag qaanuuneedku waxa ay u jirtaa qaab xaashiyo xardhanah oo midabbo iyo masawirro lagu aslay ama tirooyin mishiinno dhex qulqulaya oo aan xitaa ahayn wax la taaban karo ba.

 

Tixraac:

·         النقود في الاقتصاد الاسلامي, د.رفيق يونس

·         ماذا-خسر-العالم-اقتصاديا-في-غياب-النقدين-الذهب-والفضة-–-د.-عبدالواحد-محمد-إسماعيل-اللهيبي

·         http://positivemoney.org/how-money-works/how-much-money-have-banks-created/

·         https://mises.org/library/money-multiplier-myth-or-reality

·         تاريخ النقود الإسلامية - موسى الحسيني المازندراني

 

Qore: Khadar Faarax Siciid

Dalmartogdheer@gmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip