Caynaba Media Group

DIIRADA WASIIRKA MAALIAYADA OO AAN WALI QABAN MAGAFAHA KASTAMKA BERERA

0
Thursday January 04, 2018 - 22:09:15 in Maqaallo by Editor Caynaba News
  • Visits: 376
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DIIRADA WASIIRKA MAALIAYADA OO AAN WALI QABAN MAGAFAHA KASTAMKA BERERA

    tan iyo markii la aasaasay kastmaka dekeda berbera waxa ka hawl geli jiray shaqaalo kala duwan oo saddexdii biloodba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

tan iyo markii la aasaasay kastmaka dekeda berbera waxa ka hawl geli jiray shaqaalo kala duwan oo saddexdii biloodba

 mar la isku badeli jiray wasiirka maaliyada oo kastamku uu hoostago waaxaha uu maamulo ayaa isku badal ku sameyn jiray iyadoo loo badeli jiray kastamada kale ee dalka halka qaarkoodna la geyn jiray xarunta dhexe ee wasaarada maaliyada.

Hadda maamule xigeenka kastamka berbera Cabdilaahi Caydiid Jaamac tan iyo intii dhidiba loo taagay kastamka berbera ayaa mar walba ka badbaadi jiray isku badalkees waxaana taas usuuro geliyey sharciga shaqaalaha iyo shaqadda oo dhigaaya in qofka shaqaalaha ah ee Grade-kiisu yahay (Grade D) ama darajada ugu hooseysa ku jira oo loo yaqaan (Baadhoo) Kalkaaliye Sarkaal (Assistant Officer).



Maamule Xigeenka Kastamka Berbera oo shaqaaluhu u yaqaanaan Magafaha Kastamka berbera ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay kastamka berbera xilkii ugu horeeyey ee kastamka berbera ka qabtaa waxay ahayd Chief Exam oo ah Madaxa Waaxda Barxada ama Jiifka Barxada xilkaas oo uu u magacaabay Maareeyaha Haamaha Shiidaalka berbera oo wakhtigaas maamulaayey kastamka Berbera Maxamuud Gahayr,  Cabdilaahi Caydiid wakhtigaas xilka barxada loo dhiibay Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Wasaarada maaliyadu may dalacasiin darajadiisa shaqaalenimo Wuxuuna Xilka qabtay isagoo Grade-D ah ama Baadhoo ah taaso uu ku helay laaluush iyo khibradiisa tuuganimo ee lunsiga dakhliga dawlada   waxaanay taasi niyad jab ku keentay shaqaalihii wakhtigaas ee kala hawl geli jiray kastamka weliba saraakiishii uu u ahaa Kalkaaliyaha ee uu karaantoonta u jeexjeexi jiray markey hubinayaan cashuurta alaabta (Goods Tax)ayaa madax looga dhigay, Maamule Maxamuud Gahay ayaa noqday maamulihii u horeeyey ee jebiyey xeerkii shaqada iyo shaqaalaha oo dhigaaya in qof shaqaale dawladeed ah oo grade-kiisu yahay Grade D ama Baadhoo aanu maamuli Karin shaqaale ka darajo sareeya.


Waxa sidoo kale aan indhaha laga qarsan karin tacadiyada uu ku hayo shaqaalaha kastamka siiba dhalinyaradda jamiciyiinta ah ee uu tuhmaayo in ay booskiisa ka qaadayaan kuwaas oo uu mar walba la daba joogo dacwad been abuur ah kuna diro maamulka kastamka waxa tusaale kuugu filan wakhtigii maamule maxamuud gahayr in mu’amaradeeyey kuna diray maamulkii wakhtigaa Yuusuf Maxamed Cabdi Raage oo wakhtigaa ka mid ahaa shaqaalaha kastamka imikana ah wasiirka wasaarada maaliyada oo uu dhawaan magacaabay madaxweyne muuse biixi cabdi, Wasiir yuusuf wakhtigaa wuxuu ka mid ahaa shaqaalaha ugu firfircoon uguna aqoonta badan shaqaalihii wakhtigaa ka hawl geli jiray kastamka berbera waxa dhacday in xafiiska xoghaynta maamulaha la keenay Computer iyadoo wakhtigaa lagu shaqayn jiray Teeb isticmaalka aalada computerka oo gabi ahaanba wadanka naadir ku ahaa ayaa la waayey qof cilmigiisa yaqaana oo ku shaqeeya marka laga reebo wasiir yuusuf oo isagu aqoon fiican u la adeegsigiisa ayuu maamule maxamuud gahayr ka dalbaday inuu ku shaqeeyo kuna qoro document-yada kala duwan ee xafiiskiisa ka baxaaya, akhirkiina wasiir yuusuf ayaa iskii uga badashey kastamka berbera markii uu u adkeysan kari waayey hagardaamada iyo wanjalka ay ku hayeen baadhooyadii uu saraakiisha ka dhigay maamulkii wakhtigaas.

Cabdilaahi Caydiid Jaamac isagoo adeegsanaaya laaluush wuxuu ka dalacay booskii Chief Exam-ka ee ahaa madaxa waaxda barxada waxaana loo magacaabay OUT DOOR oo ah maamulaha saddexaad ee kastamka berbera wakhtigii Marxuun Cali Bulbul Alle ha u naxariistee uu ahaa maamulaha kastamka berbera lasocoo weli waaxdii shaqadda iyo shaqaalaha ee wasaarada maaliyadu darajadii umay dalacsiin waxaana uu xilkaas qabtay isagoo weli ah kalkaaliye Sarkaal (Assistant Officer) Grade-D ama Baadho,


Shaqadda OUT DOOR-KA ayaa ah masuulka qiimaha saara entry-ga ay ku qorantahay badeecada la cashuurayo waxaanay u baahantahay masuul aqoon badan u leh tacriifada ama qiimayaasha alaabaha ka soo dega marsada berbera, ganacsatada ayaa helay fursad ay dakhliga dawlada kula baxsadaan kadib markii masuul aan aqoon u lahayn tacriifada loo dhiibay, qalinkii casaa ee lagu qiimenayey entryga ayaa gacanta u galey mukhalisiintii iyagoo qiimeystay entrygii ka dibna si dhibyar leh uga saxeexda cabdilaahi caydiid oo wakhtigaa ku magacaabnaa OUT DOOR-KA Kastamka halkaana waxa qaranka kaga lumay dakhli badan oo usoo xaroon lahaa.

Haddii Baadhis lagu sameeyo entryadii wakhtigaas waxa la helayaa qiimayaal badan oo khaldan ama alaabo lagu cashuushay qiimo aaney lahayn taas badalkeedana wuxuu siisan jiray laaluush fara badan oo u ka qaato ganacsatada.


Cabdilaahi Caydiid Jaamac isagoo adeegsanaya xirfadihiisa uu ku caano maaley waxa uu mar saddexaad u dalacay Xafiiska INDOOR-KA oo ah maamule xigeenka 1-aad ee kastamka berbera, markii uu dhintey alle ha u naxariistee maamulihii hore kastamka berbera Marxuun Cali Bulbul ayaa wasiirkii hore ee wasaarada maaliyada cabdicasiis samaale usoo diray guddi ka socota wasaarada maaliyada kuwaas oo loo soo diray inay kasoo xog bixiyaan xaalada kastamka iyo cida ku haboon ee loo dhiibo gudidaas uu wasiirku soo diray waxa gurigiisa qado ugu sameeyey cabdilaahi caydiid waxaanu sooryo uga dhigay lacag faro badan oo laaluush ah taas uu ka codsaday gudidaas in marka noqdaan wasiirka uga soo dhameeyaan booska maamule xigeenka waanay usoo gashay inuu mar saddexaad dalaco iyadoon aqoontiisa lagu dalacsiin balse uu dalacsiintaa sidii caadada u ahayd laaluush ku bixiyey.


Haddaba markii xilkaa loo dhiibay wuxuu bilaabey inuu ku tacadiyo shaqaalaha iyo ganacsatada ka dib markii ay usooro geli weyday farsoomiyinkii iyo taatikadii uu ku lunsan jiray dakhliga dawlada taas oo uu hor istaagay maamulaha kastamka berbera ee imika oo ah nin musuqa xatooyada aad uga soo horjeeda shaqadiisana daacad u ah, Cabdilaahi wuxuu bilaabey inuu toorjar gareeyo ganacsatada kuna qasbo in ay siiyaan ugu yaraan Boqolkun oo lacagta s/land ah weliba intay furaha ka qaadan ayey ugu dhex ridaan gaadhigiisa sidaas waxa noo sheegay ganacsade diiday in magiciisa la sheego.


Diba ayaan idiin la wadaagi doona xogo faro badan oo ay ka mid yihiin Hantidiisa guurtada ah iyo Maguurtada ee ku kala yaala gobolada dalka sidoo kale Sharaa’ikta iyo warshadaha ugu waaweyn Somaliland ee uu sheererka ku leeyahay ayaan daaha ka faydi doona xogahaas oo dhan maaha kuwo beena waa qaar xaqiiq ah (Facts) waxaana xogahaas badankooda nasiiyey qaar ka mid ah ganacsatada iyo shaqaalaha ka hawlgala kastamka ee uu dhibta joogtada ah ku hayo.


Dhamaad

Qore  Ismaaciil Maxamed Muuse

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip