Caynaba Media Group

HIIGSIGA MADAXWEYNE MUUSE BIIXI IYO GUULIHII RA'IISAL WASAARIHII JASIIRADDA-SINGAPORE (Lee Kuan Yew) LABO ISKU LAMAAN

0
Wednesday December 27, 2017 - 23:25:43 in Maqaallo by Editor Caynaba News
  • Visits: 174
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HIIGSIGA MADAXWEYNE MUUSE BIIXI IYO GUULIHII RA'IISAL WASAARIHII JASIIRADDA-SINGAPORE (Lee Kuan Yew) LABO ISKU LAMAAN

    Qormooyinka taxanaha ah ee aan ciwaanka uga dhigey Hiigsiga Madaxweyne Muuse Biixi qormadii 1-aad waxaynu kaga soo sheekaynay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qormooyinka taxanaha ah ee aan ciwaanka uga dhigey Hiigsiga Madaxweyne Muuse Biixi qormadii 1-aad waxaynu kaga soo sheekaynay

 Guulihii Thomas Sankara uu ku hogaamiyey wadanka Burkina Faso Wakhtigii koobnaa ee uu xukunka dalkiisa gacanta ku hayey .

Qormooyinkan Taxanaha ah qeybta 2-aad waxaynu diirada saaraynaa Wadanka Singapore iyo Madaxweynihii ku hogaamiyey jidka horumarka kana dhigay in Singapore ay noqoto wadamada ugu dhaqaalaha badan uguna qanisan dunida.

Singapore waxay ku taala qaarada Asia waxaanay dhinaca koonfureed ka xigtaa wadanka Malaysia ku dhawaad ​​85 miles (137 kiiloomitir) dhinaca waqooyigana waxay xuduud la leedahay Equator.

Singapore 1963-kii ayey ka xornimadeedii dib ugala soo noqotey guumeystihii ingiriiska kadibna shacabka Singapore waxay go,aan sadeen in ay ka mid noqdaan federaalka Malaysia, balse midowgaa labada dal masii waarin waxaanay kala tageen laba sano ka dib, 1965-kii ayey noqotay qaran madaxbannaan oo iskeed u taagan.

Lee Kuan Yew, oo ahaa ra,iisal wasiirihii ugu mudada dheera dalka Singapore wuxuu xukunka hayey in ka badan 30 sano,

Mr.Lee, cimrigiisu wuxuu ahaa markii uu geeriyooday 91-jir wuxuuna dhashay bishii Sebtembar 16, 1923-kii,  March 23, 2015 ayuu geeriyooday), Mr. Lee inkasta oo lagu sifeeyo  in uu ka mid ahaa hogaamiyeyaasha siyaasadeed ee xagjirka ah waxaanu lagu dhaleecayn jiray cabudhinta saxaafadda xorriyatul qawlka balse waxa uu wadankiisa ku hogaamiyey in ay noqoto wadamada aduunka ugu qanisan uguna maaliyada badan.

Ra’iisal wasaarihii hore ee Singapore Mr. Lee Kuan Yew markii uu talada gacanta ku qabtay wadankiisu wuxuu ka mid ahaa wadamada ugu faqiirsan uguna saboolsan aduunka , Singapore wakhtigaas waxay ahayd goob halis ah oo qalalaase badan ka jiro waxay ahayd jasiirad ay kheyraad lahayn , haddaba mr lee wuxuu qaaday talaaboyinkii uu wadankiisa ku horumarin lahaa wadankiisa oo markaa ka mid ahaa dabaqada saddexaad oo ah ta ugu hooseysa waxaanu ku guuleysatay inuu wadankiisu ka mid noqdo wadamada horumaray ee dabaqada 1-aad "From The Third World to First". 

Mr. Lee wuxuu hirgaliyey istiraatiijiyad laba-geesood ah oo la xidhiidha waaxda maaliyadda wuxuuna  abuuray laba guddi, Guddiga Horumarinta Guryeynta iyo Guddiga Horumarinta Dhaqaalaha.

Guddiga Guriyeyntu waxay wax weyn ka badeshay bilicdii jasiiraddan waxaaney muwaadiniinta u dhistay guryo ay ku noolaadan, sidoo kale guddidu waxay diyaarisay guryo yaryar ghettos oo si taxadar leh loo qorsheeyey oo xasiloon looguna talagalay maalgashadayaasha shisheeye in ay ku noolaadaan xaalado nololeed oo ka sarreeya muwaadiniinta.

Dhanka kale, guddiga horumarinta dhaqaalaha ayaa si tartiib ah u dhistay warshado iyo shirkado ganacsi oo ku yaala Singapore si ay u abuuraan fursado shaqo oo aan keliya loogu talogelin muwaadiniinta, waxaana fursado ganacsi la siiyey ajinebiga taaso suurto gelisay in dadka wadamada shisheeye ka yimida ay dhaqaalaha wadanka kor u qaadan taas oo uu Mr.Lee u arkaayey in ay wadanka si deg deg ah uga saari karto saboolnimada waxaanay Singapore mudo gaaban ku noqotay  xarun maaliyadeed oo caalami ah, waxaaney horumar ka sameysay  Ilaha, beeraha, iyo kalluumeysiga iyo sidoo kale dekedaha singapore waxa ku taala dekeda labaad ee ugu weyn aduunka oo marin u ah kala badh maraakiibta ganacsi ee iskaga Kala goosha wadamada caalamka

Singapore waxay leedahay khayraad dabiici ah oo aan badneyn. Wadanka oo ah jasiiradda, wax soo saarka beeraha maaha mid fiicn isagoo dhaqaalaha guud ee wadanka ka noqonaya qadar aad u yar, balse jilaabashada kaluunka ayaa si deg deg ah kor loogu qaadey waxaana la sameeyey warshado kaluunka lagu farsameeyo iyo maraakiib kaluumeysi, Singapore waa dhoofiyaha ugu weyn ee labada nooc ee ugu qaalisan kaluunka sida orchids iyo kalluunka aquarium.

Sidoo kale Waxsoosaarka Warshadaha Singapore Tan iyo dhammaadkii 1960kii waxa loo dajiyey siyaasad guud Si loo soo jiito maal-gashi shisheeye, cashuurta ayaa aad loo khafiiyey waxaana tix galin gaar ah la siiyey shirkadaha caalamiga ah waxaana la aasaasay aagagga ganacsiga xorta ah. Si tartiib ah, wax soo saarku wuxuu kala duwanaa sida tufaaxa waxqabadyada farsamada casriga ah sida soo saaridda qalabka elektarooniga iyo dib-u-eegidda saliidda.

Sidoo kale Mr. Lee wuxuu xoogga saaray faa'iidada isbarbardhigga ah ee waxqabadyada aqooneed-gaar ah-gaar ahaan isgaarsiinta iyo macluumaadka iyo adeegyada maaliyadeed - kuwaas oo aan ku tiirsanayn maalgashiga shisheeye. Waxsoosaar sare , cilmi baaris iyo horumarin ayaa lagu dhiirigeliyay iyada oo loo marayo nidaamyo bixiya dhibcaha maalgashiga iyo gunnooyinka. Istaraatiijiyad dhaqaale oo tayo leh ayaa lagu maalgeliyo dhaqaalaha maxalliga ah iyo isla mar ahaantaasna xirfadaha maareynta. Mr.Lee wuxuu qortay dad xirfad leh, gaar ahaan ajinebiga oo ka yimid Maraykanka iyo Shiinaha, sidoo kale Dalxiiska ayaa waxa uu noqday mid muhiim u ah dhaqaalaha Singapore. Xarunta dhexe ee Singapore ee Southeast Asia iyo xarumaheeda gaadiidka caanka ah ayaa lagu maalgeliyay maalgashiyo ballaadhan oo laga hirgeliyey hoteelo casri ah ,xarumaha ganacsiga iyo meelo kala duwan oo madadaalo leh, oo ay weheliso xeebta oo dib loo habeeyay waxaaney keentay in dalxiisayaasha caalamka soo jiidato.

wakhtigan aynu joogno Singapore waxay kaalinta 5aad kaga jirtaa Qiimaynta Horumarka Aadanaha ee Qaramada Midoobay iyo 3-da ugu sarreeya ee qofkiiba. Waxay kaalinta ugu sareysa ka gashay waxbarashada, daryeelka caafimaadka, rajada nolosha, tayada nolosha, badbaadada shakhsiyeed iyo guryaha. Inkasta oo sinnaan la'aanta dakhliga ay kor u kacdo, boqolkiiba 90 guryuhu waa mulkiilaha. 38% dadka Singapore ee 5.6 milyan oo qof waa deganaan joogto ah iyo muwaadiniin kale oo ajnabi ah. Waxaa jira afar luqadood oo rasmi ah: Ingiriisi (luuqad dhexe iyo midka hore), Malay, Mandarin iyo Tamil; Ku dhowaad dhammaan dadka reer Singapore waa laba luuqadood

Mr.Lee oo ahaa nin han sare leh waxa uu ku guuleystay inuu badalo wadan yar oo ku yaal gabbaro jasiirad ah. Cabbirka miisaaniyadda dalka ee qofkiiba ayaa ahaa 350 Dollar sanadkii waxaana uu kor u qaaday nolosha muwaadiniinta iyadoo wakhtigan lagu qiyaaso maaliyad sanadeedka qofkiiba lacag kor u dhaaftay $ 60,000 oo Dollar. marka la is barbardhigo qiyaasta korodhka maaliyada iyo kheyraadka la'aanta ayaa markhaati u ah guusha uu gaaray.

Mr Lee inkasta oo uu ahaa kaligii teliye in badana xukunka wadankiisa awood ku haystay balse wadada horumarka ah ee wadankiisa ku hogaamiyey ayaa ka dhigtay in uu noqdo hogaamiye sumcad kaga tagay wadankiisa iyo dunidaba 2015-kii markii uu geeriyooday Ra’iisal wasaare Lee waxa aaskiisa kasoo qayb galey hogaamiyeyaasha ugu waa weyn wadamada caalamka Madaxweynihii Mareykanka ee wakhtigaa, Barack Obama, ayaa ugu yeeray Lee "taariikhda dhabta ah ee Singapore" halka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon, uu ugu yeeray "halyeeyga Asia" iyo Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa ammaanay Lee "oo ay saaxiibo aad iskugu dhow ahaayeen.

Haddaba guulahaa  uu taariikhda ku galey Ra’iisal wasaarihii hore ee Singapore Lee Kuan Yew fikrad ahaan waa kuwo aad ugu dhow guulaha uu doonayo in madaxweyne muuse biixi taariikhda ku galo waxaana taas ku iftiimineysa khudbadihiisa uu fagaarayaasha ka jeediyo waa haddiise uu ka dhabeeyo oo uu ficil u rogo’ee

Hiigsiga Madaxweyne Muuse Biixi ayaa himiladiisu tahay in Somaliland ka maarmi doonto gargaarka dibada inooga yimaada oo ay isku filnaan doonto waxaanu kaga hadlay khudbadii uu ka jeediyey munaasibadii xilka loogu dhaarinaayey isaga iyo ku xigeenkiisa waxaanu yidhi isagoo fariin u diraaya shacabkiisa "Shacabka Somaliland waxaan u sheegaynaa maaha in aynu sugno caawimo shisheeye iyo hay’ad loo shaqo tago ee innagu waa in aynu wax qabsannaa, maaha isku dhererino Soomaaliya oo gubanaysa ee waa in aynu hiigsanaa halka ay gaadheen dalalka horumaray ee ay ka mid yihiin Maleesiya, Singabuur, Kuuriyada Koonfureed iyo kuwo kale oo badan oo inala awood ahaa ama innaga hooseeyey 1960-kii markii aynu madaxbannaanida qaadanay.

waxaan qormadeydan kusoo afmeerayaa tuducyo ka mid ah gabay afarreya oo uu curiyey abwaan Cabdiraxmaan Xiiray gabeygaas oo uu kaga hadlaayey soomaalida han yarideeda iyo horumar la’aanteeda

 "Kuwa hodanka joogaa horey dhib’ugu hiileene”

 "Qayrkeen dagaarbey hayaan ugu hilaadeene" 

 " Waakuwa dayaxa haybsadeen hadalka taagneyne

 " Hammi iyo dadaal wada jirey ku hano qaadeene" 

 " Hanku waa waxay aadamuhu libin ku hooyaane" 

 " Habaas kamakacaan duul haddey himilo liitaane" 

 " Haybteenu waa waxay filkood uga hagaaseene" 

" Haddeydu hinjisaan guusha waa helilahaydeene

" Goormeydun heensayn fardaha laydinka huleelye?" 

" Hareeraha ma qabannaa wixii horumar keenaaye?" 

" Oo maysku howllaa fadhiga kuma heleysaane?" 

" Mise waa hurdeysaan sidii horeba loo sheegay?" 

 

La Soco qormadda Xigta…………….

 

Qalinkii:- Ciise Cali Haybe

Email:= wacays_16@hotmail.com

Telephone:- +252 634444153

Berbera/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip