Caynaba Media Group

Hadii dasduurka la furo mudada madaxwaynayaashu ay xilka haynayaan ha laga dhigo 7 sano oo aan kordhin lahayn bilaa sabab

0
Wednesday December 27, 2017 - 23:23:46 in Maqaallo by Editor Caynaba News
  • Visits: 105
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hadii dasduurka la furo mudada madaxwaynayaashu ay xilka haynayaan ha laga dhigo 7 sano oo aan kordhin lahayn bilaa sabab

    Marka hore waxaa mahad iska leh alaha abuuray kownkan aynu ku dhex noolahay ee aan dhiiliga iyo daakiga midna lahayn mar labaadka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka hore waxaa mahad iska leh alaha abuuray kownkan aynu ku dhex noolahay ee aan dhiiliga iyo daakiga midna lahayn mar labaadka

 waxa mahad iska leh bahda saxaafada ee aan ka caajisin kana daalin in ay inoosoo  gudbiyaan waxyaalaha ka dhacaya daafaha iyo dhinacyada caalamka iyo dalkeenaba markasta

Gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland baashe maxamed faarax waxa sheegay in dasduurka la furayo iyadoo loo furayo sababo badan oo ay ka mid yihiin saami qaybsigii baarlamaanka soomaliland oo uu sheegay in loo baahanyahay in loo kordhiyo beelaha darafyada gaar ahaan awdal iyo  sool oo ka cawday saami qaybsiga hada ee baarlamaanka isla markaana gudi loo saaray jawaab celintii gudiduna ay soo celisay in loo kordhiyo saami qaybsiga isla markaana in aan kuraasta hargaysa ama  burco ama berbera aan wax laga soo jarine ubno saayida loo kordhiyo waxa kale oo uu sheegay in mudo kordhintan guurtidu awooda u leedahay in taa laftigeeda sababaha loo furayo ay ka mid tahay dasduurka in kastoo halkaa aanu si fiican kala cadaynin

Hadaba waxa jamuuriydan soomaliland laf dhuun gashay ku noqotay doorasho xiligeeda dhaaftay iyadoo aynu ognahay in aanu jirin madaxwayne dhamaystaaaaay mudadiisa ilaa uu mudo kororsado mooyee dhanka kale waxa aynu ognahay mudo dhaafka baarlamaanku in uu galayo mudo dhaafkii sadexaad waxaaba ka sii daran iyadoo ay galayaan mudo dhaafkii sadexaad ayaanay hadana cadayn xiliga ay dhaamaanayso mudadoodu taasina waxa ay qalbi jab ku riday dhalin yaro faro badan oo wax ka badal badan samayn lahaa wa intaa dheer oo iyadadu boqortooyo la kala dhaxlo noqotay galaha guurtida

Hadaba isku soo wada hooriyoo waxa aan odhanlahaa sabab ayaa loo furaa dasduurka sababha loo furaana waa kuwa laga dhaxlo ama laga darso isbadalka horumarineed iyo xadaaradaha la gaadhay isla markaana waxa aan meesha ka qamnayn dhibaatooyinka iyo carqaladaha soo noqnoqda ee laga darsay dasduurka mudadii laysku maamulaayey in wax ka badal iyo kaabis lagu sameeyaana waa lagama maarmaan ha noqoto mudo dhaw ama mudo dheere

Maadaama ay lagama maarmaan tahay wax ka badalka iyo kaabista dasduurku waxa aan soo jeedinlahaa mudada uu madaxwayneyaashu ay xilka haynayaan wax ka badal halagu sameeyo oo  waliba haloo kordhiyo mudadaas ugu yaraana ha laga dhigo 7 sano laakiin in aanay noqon ((kud ka guur oo qanjo u guur mudo kordhintaasi laba sano ahi))

Ee waa in ay mudaadaa ku qabsoontaa doorashadu waliba iyadoo sharci adag laga oo gal daloolada laga ilaaliyey loo samaynayo





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip