Caynaba Media Group

Cristiano Ronaldo Oo Markii Shanaad Ku Guulaystay Abaal Marinta Xidiga Aduunka Ugu Fiican Sanadkan 2017

0
Thursday December 07, 2017 - 22:35:17 in Wararka by Editor Caynaba News
  • Visits: 117
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cristiano Ronaldo Oo Markii Shanaad Ku Guulaystay Abaal Marinta Xidiga Aduunka Ugu Fiican Sanadkan 2017

    LOndon(CYN)Majalada France Football ayaa caawa shaacisay kaalmaha ay kala galeen 30 kii xidig ee ku tartamayay abaal marinta xidiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

LOndon(CYN)Majalada France Football ayaa caawa shaacisay kaalmaha ay kala galeen 30 kii xidig ee ku tartamayay abaal marinta xidiga

aduunka ugu fiican ee Ballon D’or waxaana ugu danbayn la soo gaadhay xidiga abaal marintan ku guulaystay. Kadib markii liiskan laga soo bilaabay ciyaartoyda kaalinta bilawga ka galay waxaa ugu danbayn la soo gaadhay kaalinta kowaad iyo xidiga abaal marintan ku guulaystay oo noqday Cristian Ronaldo.

Xidiga xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa barbareeyay rekoodhkii Lionel Messi ee abaal marinta Ballon d’Or kaas oo hore u ahaa xidiga kaliya ee shan jeer abaal marintan ku soo guulaystay wuxuuna Ronaldo markiisa hantay abaal marintii shanaad ee Ballon d’Or ah.

Cristiano Ronaldo ayaa xili ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah ku guulaystay abaal marinta ay France Football goonida ula baxday ee Ballon D’or inkasta oo uu Lionel Messi wali yahay xidiga afar jeer oo xidhiidh ah abaal marintan ku soo guulaystay.

Crisitano Ronaldo ayaa hore ugu soo guulaystay abaal marinta xidiga Yurub ugu fiican iyo waliba abaal marinta The Best ee ay FIFA sanad kasta bixiso ee ay hore u midaysnaayeen FIFA. Cristiano Ronaldo ayaa kooxdiisa Real Madrid ka soo caawiyay in ay kuwada guulaysatay koobabka La Liga iyo Champions Leaque oo ay noqoty kooxdii ugu horaysay ee laba sano oo xidhiidh ah ku guulaysatay.

Waxaa codbixinta France Football ee abaal marinta Ballon D’Or go’aamiyay 173  wariye oo ay majalada ree France soo xushay kuwaas oo codkii ay dhiibteen markii labaad oo xidhiidh ah ku doortay in Cristiano Ronaldo uu yahay xidiga aduunka ugu fiican.Cristiano Ronaldo ayaa markale abaal marintan ku garaacay Lionel Messi oo kaalinta labaad galay halka Neymar Jr uu kaalinta saddexaad galay. Waxaa horeba loo sii shaaciyay in xidiga ree Portugal uu abaal marintan ku guulaystay taas oo ugu danbayn si rasmi ah loogu dhawaaqay.

Tobanka Xidig Ee Kaalmaha Sare Ka Galay Codbixintii Abaal Marinta Ballon D’Or ee France Football:

1. Cristiano Ronaldo (Real Madrid)

2. Lionel Messi (Barcelona)

3. Neymar (PSG)

4. Gianluigi Buffon (Juventus)

5. Luka Modric (Real Madrid)

6. Sergio Ramos (Real Madrid)

7. Kylian Mbappe (PSG)

8. N’Golo Kante (Chelsea)

9. Robert Lewandowski (Bayern)

10. Harry Kane (Tottenham)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip