Caynaba Media Group

Wararkii Ugu Danbeeyay Iska Hor Imaadyo U Dhaxeeya Falastiiniyiinta Xaqu Dirirka Iyo Ciidamada Yuhuuda Oo Ka Socda Degaano Dhulka Falastiin

0
Thursday December 07, 2017 - 19:21:24 in Wararka by Editor Caynaba News
  • Visits: 266
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Danbeeyay Iska Hor Imaadyo U Dhaxeeya Falastiiniyiinta Xaqu Dirirka Iyo Ciidamada Yuhuuda Oo Ka Socda Degaano Dhulka Falastiin

    Qaahira-(CYN)-Wararka ka imaanaya dhulka falastiiniyiinta, gar ahaan magaalooyinka Ramallah iyo Bethleham ayaa waxa ay sheegayaan in ay halkaasi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaahira-(CYN)-Wararka ka imaanaya dhulka falastiiniyiinta, gar ahaan magaalooyinka Ramallah iyo Bethleham ayaa waxa ay sheegayaan in ay halkaasi

ay ka soconayaan iska-hor-imaadyo u dhaxeeya ciidamada Israel iyo dibadbaxayaal Falastiin ah kuwaas oo diidan aqoonsigii Mareykanka uu ugu aqoonsaday magaalada Jerusalen caasimadda Israel.

Iska-hor-imaadkan ayaa lagu sheegay mid culus ayna ku dhaawacmeen tiro dibadbaxayaal falastiin ah, waxaana marba marka ka dambeysa sii kordha tirada dibadbaxayaasha kusoo biiraya iska-hor-imaadka.

Sidoo kale wararku waxa ay sheegayaan in dibadbax ballaaran uu ka socda Gaza oo ah dhul ay taliyaan ururka falastiiniyiinta Xamaas.

Iska-hor-imaadkan ayaa imaanaya wax ka yar maalin markii uu madaxweynaha Mareykanku ku dhawaaqay in dowladda Mareykanku u aqoonsantay magaalada Jerusalem caasimadda dalka Israel.



Qaahira-Masar

 

ramallahramallah1ramallah2ramallah3



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip