Caynaba Media Group

Maxamed cali iyo shacabka awdal midh dan iyo dirir ah baan idhi

0
Thursday December 07, 2017 - 11:35:35 in Maqaallo by Editor Caynaba News
  • Visits: 71
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxamed cali iyo shacabka awdal midh dan iyo dirir ah baan idhi

    Hal waa yaab, hal-na waa ammakaag, hal-na waa yaabka-yaabkii.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hal waa yaab, hal-na waa ammakaag, hal-na waa yaabka-yaabkii.


 

 

1. Hal  waa  yaab :  oo  odayada cuqaasha  iyo  sulaadiinta qaar  ka  mida makaahiil  makadoor  ayaa dhawaan  warbaahinta  la hor  yimi  iyagoo hanjabaad  hawada  u marinayaan(saylici) food saarkuna  yahay  erayga ( dawlada) oo  ku goodiyaayey  in  xillalkii loo   soo  celiyo shaqaalihii  erigooda  food saarka  looga  dhigay u  olloleyn  xisbi mucaarid  ah cadeymo  muuqda kadib  iyo ku  takri  falida hantida  dawlada.

 

2. Hal-na  waa  ammakaag: falkaa  shaqaalaha  la eryay  ee  waliba duqeyda  iy  waxgaradku gardaro  ugu  doodayaan; waxa  sifahaa  khaldan sii  xoojiyey  markale( xildhibaano  iyo dhalinyaro  u  badheedhay gardarada  garabka  haysata ) iyaga  oo warbaahinta  goolaaftan, dhaar  colaadeed  ku goodiye  si  ba’an.

 

 

 

3. Hal  kalena  waa  yaabka  yaab  kii :  Maxamed   cali aw  cabdi   wuxu yidhi: ( reer  kayga  makaahiil shaqaalaha  dawlada  ee heer  gobol  ee xilligii  ololihii  iyagoo shaqaale  ah   xisbiga mucaarad  ka  ee aan  sharaxnaa   u ololeynaayey !! gardaranaa dawladu  maxay  iigu  daba  mareysaa ?!  haday dawladu  deyn  weydo shaqaalahaasi !! waxa  ku  dhici doona  qosol  gariir !! farta  oo ay  dhexda  ka qaniinto  iyo  qoomamo !! cida  uu  hadalka u   wadey   waa la  garanayaa!!).

 

 

 

4. Maxamed  cali   hal   u  dan  iyo  dirir  ah :  waxa aad  tahay  nin reer  awbare  ah, waxba  dabada  awdal ha  soo  galine killinka 5aad   ayaa  kuu baahan,  dalkaagii  iyo deegaankaagii  ayaa  dayacani halkan  hadal  iyo hanjabaad  kaagama  furnee qabo  dalkaagii  oo awbare  gobolnimo  u raadi  adiga  iyo inta  meherad  laawaha somaliland  ku  ah; qof  ahaan   waan kuu  khajilay  waayo inta   aad  shaqaale le  xill  haya oo  la  eryi karo   ka  hadlayso ( miyaad  horta ka  hadashid  xafiisyo loo  dhiso ; 25  wasaaradood oo  gobolka  jooga ayey  mid  iyo laba  xafiis  leedahay!!  waxa  cadaatay dantii  reerkaaga ayaad  ka  hor marisay  dantii  guud !! waxa  muuqatay  in  aaney jirin  lexejeclo  aad  u  hayso dadka  iyo  dalkaba) illaahay  ayaa goor  roon  u mada  ka  qabtay adiga   iyo  xisbigaagii, orod  isqari ama  tooba  dheh.

 

 

5. Hal  kale  oo  aan   idhi : odayada, xildhibaanada  iyo  dhalinyarada marwalba  warbaahinta  waxa aad  la  tubantihiin wax  dadka  reer somalliland  aan  fagaarayaash la  imanin  oo dadka  badabkii   ka yaq-yaqsoodo  oo  ah ( kii hadlaaba  in  uu yidhaa WAANU  BADAN  NAHAY, ANNAGAA    UGU BADAN !! XOOLAANU  HAYSANAA,  CASHUUR BAANU  BIXINAA !!)  intaa cid  kale  oo tidhaa  dalka  ma jirto!! tolkayow   iska  dhaafa khajilaade   waan  idiin yax-yaxay !!  waa  ayo cid-dan  idinkula  muranta  maalin  walba  waad yartihiin ?  eed  iska dhicisaan   mise   raganimo ayaad  u  haysataan in  ay  tahay !! gayiga  somalida  dhaqanka jira  lama  arag LAAN  DHEERE  nin sheegta  oo  CABASHO iyo  OOHIN  wada mar walba  ceeb!! daliil  waxay u  tahay  khiyaamo mooyee  waxba  inaanay ka  jirin  waxa aad  shubeysaan !! illaahay  ayaa waxna  badiya  waxna  yareeya!! rabi  u  toobad keena  nimanyahow!! mida   kale xoolahan   iyo  cashuurtan aad   ka  sheekaysaan  ma  wax  dhaafsan baa ???  bakhshiish  ka iyo  wakiilnimada  meheradaha habar  awal  ay borama  ku  leedahay??! ma  raganimaa  mise waa  wax   lala xishoodo , annaa  cid   kuu xiga  e’  tolkayow khajila,  khajila, khajila   oo hadaad  annaga  naga xishoon  weydeen  ummada reer  somaliland  ka xishooda??? waa  ceeb  yar  iyo  weyn   sharaf dhac  isku   raacu.

 

 

 

6. Hal  daw  ku  ah  baan  lee  yahay  dawlada :   gobolka awdal  25  iskuduwe ayaa  jooga  oo u  taagan  25 wasaaradood  hal  ama laba  ayaa  xafiisyo leh  waa  dibad wareeg   inta  kale ; 17  toban  ka mid  ah  waa isku  beel  kaliya beesha  makaahiil  makadoor cadeyna  waan   hayaa; ugu horeyn  dawlada  waxa laga  rabaa  xisbiga kulmiye  hortii  dawlad waxqabata  maanaan arag e’   in  la dhiso  xafiisyada  dawlada ee  gobolka;  marka xiga  ( reer  awdal dhexdooda  ayaa  saami qaybsi  cadaalada  u baahan  e’  25 kan  isuduwe  iyo soo  buuxinta  inta dhiman  kadib  si dhexe  oo  cadaalada haloo  qaybiyo  awoodaha gobolka  oo  dhamaan beelaha  awdal  oo dhan  oo  ay  ku  jirraan  beelaha ciise   iyo  gabooye -  bartaasaa  u baahan  saami  qaybsi halaga  bilaabo   hawsha oo  yaan   naloo maqlin   qaylada  iyo oohinta  in  dan leh.)

 

 

Gunaanad:

 

Nabad  baa naas  leh  ha lagu  faro  adeygo nabad  galyada, midnimada  ummada iyo  wada  jirkeeda, gees  walba  halaga shaqeeyo  dhayida  diifta nabaradii  doorashada; dhan  walba saami  qaybsi   daah furran  ha  la  diyaariyo.

 

Waar   caanaha  dhan  iyo  hoo adigu  dhan

Baa     baa  la  isku   dhiibaaye, mid   haduu

Dhameystoo   qudh-qudho  dhiilka  wada  laaco

Dhaqan  keena  ceeb  bay  aheyd tani  dhaga  somali.

 

 

Dr.khadar -Libaaxley

dr.khadar05@gmail.com

gargorey4@gmail.com

Regional political analysts

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip