Caynaba Media Group

Xiriirka Kubada Cagta Ingariiska Oo Ganaax Lacageed Duldhigay Macalinka Kooxda Chelsea Antonio Conte

0
Wednesday December 06, 2017 - 19:49:07 in Wararka by Editor Caynaba News
  • Visits: 66
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiriirka Kubada Cagta Ingariiska Oo Ganaax Lacageed Duldhigay Macalinka Kooxda Chelsea Antonio Conte

    LOndon(CYN)Xiriirka kubada cagta Ingariiska ayaa ganaax lacageed oo gaaraya sideed kun ginni waxa ay duldhigeen tababaraha kooxda Chelsea

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

LOndon(CYN)Xiriirka kubada cagta Ingariiska ayaa ganaax lacageed oo gaaraya sideed kun ginni waxa ay duldhigeen tababaraha kooxda Chelsea

 Antonio Conte ka dib markii uu qirtay inuu si xun u dhaqmay taasoo keentay casaankii la siiyay kulankii Swansea ay ka badiyeen.

Garsoore Neil Swarbrick ayaa tababaraha Talyaaniga casaan siiyay dhamaadkii qeybtii hore ee kulankii ay Chelsea 1-0 ku badisay ka dib markii uu si carro leh uga jawaab celiyay go’aan garsoore isagoo ku qeyliyay garsooraha afaraad ee ciyaarta.

Conte ayaa durbaba qirtay inuu aqbali doono dacwada lagu soo oogay islamarkaana uu bixin doono lacagta ganaaxa.

"Tababaraha Chelsea Antonio Conte waxaa lagu ganaaxay lacag gaareysa sideed kun ginni ka dib markii uu aqbalay dacwadii ay ku soo xoogtay FA-ga” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay xiriirka kubada cagta Ingariiska.

"Ganaaxan waxa uu daba socdaa casaankii la siiyay kulankii Swansea City ee 29kii bishii November.”Conte ayaa raaligelin ka bixiyay sida uu u dhaqmay ka dib ciyaartaas iyadoo Chelsea ay 1-0 ku badisay kulankaas ka dib gool uu u dhaliyay Antonio Rudiger.

"Waxaan arkayay kooxda naga soo horjeeda oo waqti dhumis sameyneysa, waaan sababta aan dhowr jeer u la hadlay garsooraha afaraad.” ayuu Antonio Conte u sheegay Sky Sports.

"Ma aanan arkeynin xaalada waqti dhumiska oo isbedeleysa, waxaana ku xanaaqay garsooraha afaraad. Sababtaas darteed, waxaa qasab inaan raaligeliyo isaga iyo garsooraha dhexe. Waqtigaas waan careysnaa, laakiin waan ogahay inay tahay wax sah ah inaan iyaga raaligeliyo.

"Inuu go’aanka cadaalad ahaa ma garanayo, laakiin garsooraha go’aanka wuu qaatay, sababtaas darteed waa inaan aqbalno oo ixtiraamno go’aankiisa.

"Ma ahan wax sahlan, mararka qaar inta ciyaarta socoto waxaa jira jahwareer badan, laakiin waxaan qabaa inaad sameyn karto qalad, waana sameeyay.

"Shaqada tababare ma ahan mid sahlan. Shaqadeena waa inaan kursiga keydka joogno oo aan la dhibtoono ciyaartoydeena. Xilli ciyaareedkan waa ay adag tahay marka qaar in xasilooni lagu joogo kursiga keydka.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip