Caynaba Media Group

Madaxweyne xil ha ugu dhiibin ummada 4 tii nin ee aan sahanka loo dirsan

0
Sunday December 03, 2017 - 19:39:40 in Maqaallo by Editor Caynaba News
  • Visits: 70
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne xil ha ugu dhiibin ummada 4 tii nin ee aan sahanka loo dirsan

    Hambalyo , Duco iyo dardaaran ayaan halkan ugu soo gud binayaa madaxweynaha iyo madaxweyne xigeenka qaranka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hambalyo , Duco iyo dardaaran ayaan halkan ugu soo gud binayaa madaxweynaha iyo madaxweyne xigeenka qaranka

ee  Nov-13 -2017  somaliland loo  doortay.

 

abwaan  c/raxmaan cumar  cashuur  wuxu yidhi:

 

Tuducyo  ka mid  ah  gabaygiisii xikmada  weynaa  ee uu  ugu  magac daray  isweydaar.

 

" Barigii   irmaaneeye  iyo  aar  laga   cabsoodo

Midwaliba   halkiisa  ogolaa  inan  rag  qiimeynta

Ayey   lumin    daraadeed  kuwii  awrta  ku  xidhiidh-sha

Geediga   La   odhan  jiray,  mar  haday   iskuulada 

Wada  galeen  waa  wada  aqoonyahan  e’  marse

Hadaan  garaad   meesha  ool   af  uu  bartaa  ruuxu

Waatii  aw  ibraahin  yidhi  ood  ka  rogi  waaye’

Hadh  ka  yaac  aluubiyo  ha  dhaqan  diir  aduubo  leh

Caqliga   irko  Buug  buug  sitaa  malaha  iidaan  e’  ””.

 

 

Dhulka  marka aad  afartiisa  dacal sifiican  u  bogoto  waxa  aad  arkaysaa in  ( wajiga  dhulka ciid  iyo  dhagaxaan badan  dul  taalo, halka  dhagaxaanta  qiimaha  iyo qaayaha  leh  ee macdanta  sare  ah ay  jiraan  dhulka hoostiisa);  ujeedadu  waxa ay  tahay  dhawaan dawlad  ayaa  la soo  dhisayaa ( guriyaha  madaxweynaha iyo  madaxweyne  xigeenkaba waxa  dhooban  oo buux  dhaafiyey   xill doonka  inan  rag ( irmaaneeye  iyo aar  laga  cabsoodaba leh );  sax  waxa illa  ah   xulasho xumi  gadaal  bay ku  qomameysaaye  waa in  hawsha  yaa u  ehel  ah oo  loo  xidigiyaa ,loo  dhaqan dayaa  cida  ummada sahanka  loogu  diraayo .

 

Siduu  dhaqanku ahaa  reeruhu  marka ay  rabaan  in  meel  ka  guuraan oo  ay  meel kale   u  guuraan ka  hor  waxay dirsan   jireen  sahan; sahankana  looma  diri jirin  4  tan nin  ee   hoos ku  qoran  mid koodna:-

 

1. sahan  gandood ( waa  nin  meel  madhan  buuxiye  ah ama  looma  aayaan  wax  matare  ah).

 

2. Saba  amaan ( waa  nin  jabiye  ah  ama  hungo  iyo  lugooyo  u  horseeda  cid  walba).

 

3. siiga  raac  ( waa  nin  aan  ra’yi , aragti,  shir  iyo  shawr  toona  la  hayn  oo  cid  waliba  waxay   ku  tidhaahdo  HAA, HAYE   iyo  WAA  SIDAA  khayr  iyo  sharba   iska  raaca  ee  aan  la  hayn  halbeeg  aragti  dheeri   saxa  iyo  khalad  ku  kala  raaci  karo.

 

4. sahan  waraabood ( waa  nin  ma  hunguri  xun  oo  ma  dharge  ah,  ama  jin  caydh  ah  la  socdo  oo  wax  walba  carabka  marinaaya  suuragalna  ay  tahay  waxtar  kiisa  in  ay   wax  yeeladiisu  ka  badantahay ).

 

 

Gunaanad :

 

Madaxda  la doortay   waxa   aan illaahay  uga  baryayaa in  uu  ku asturo,  u  fududeeyo masuuliyada  ay  ummada reer  somaliland  u qaadeen;  waxa  aan kula  talinayaa  in ay   u  meel dayaan  xubnaha  ay ummada  u  igman doonaan  iyaga  oo ka  shidaal  qaadanaya xeerka  dhaqankeenii  oo waliba  ka  digtoon 4 taa nin  ee  kor xusan  ee  aan  midkoodna   waxba  loo dirsan  jirin,  raga noocaa  oo  badan iyo   rag  labkii  oo  tiro  yariba wey  isku  dhexjiraan  oo  ma  hawl yara  sida  loo kala  aqoonsan   karo  waxsaarka  waxa  leh isweydaarka  yoomka  iyo  xilliga  kala  aqoolkiisa , isku  milanka  nolosha  magaalooyinka  ee maanta.

 

 

Dr.khadar -Libaaxley

dr.khadar05@gmail.com

gargorey4@gmail.com

Regional political analysts

 

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip